|

Dacwadii Daciifka ahayd ee Xeer Illaalinta u cuskatay C/raxmaan C/shakuur Warsame – (Qodobada).

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa shalay ka hor yimid go’aankii lagu siidaayey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu soo eedeey fal dambiyeed Qiyaano Qaran iyo Qaran dumis.

 

Xeer illaaliyaha ayaa ku dooday in dacwadooda ay u cuskadeen labada qodob oo kala ah 36 iyo 58 ee xeerka ciqaabta dalka Soomaaliya.

 

Sidaan horey ugu soo sheegnay maqaalkii aan ka qornay dacwada ka dhanka ah CC Warsame, waxaa jiray caqabado badan oo dhanka sharciga ah oo ka horimaanayey kiiska xeer illaalinta maadaama aysan heysan wax Waaran (Warrant) ah oo ay maxkamada ku fasaxeyso xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Baaritaanka gurigiisa.

Xeer-illaalinta si caqabadahan ay uga gudubto ayey cuskatay labada qodob ee xeerka ciqaabta oo kala ah 36 iyo 58, sida uu Xeer illaaliyaha guud ku xaqiijiyey shirkiisii jaraa’iid ee shalay.

 

Hadaba maxay kala yihiin labadan qodob ee kala ah 36 iyo 58?

 

Qodobka 36aad- Flagrante Delicto.

Qodobkan waa mid ka hadlaya in ciidamada booliiska ay soo qaban karaan shaqsi markaasi faraha kula jira danbi iyagoo aan wax Waaran ah ka heysan maxkamada, waxaana qodobkan loo yaqaan (Flagrante Delicto).

 

Waxaana loo isticmaalaa sida dadka Khamreysan oo wadada maraya, qof horey baxsad u ahaa ama jabiyey sharuudo horey maxkamada u xukuntay, qof sita hub sharci daro ah ama Qarax iwm.

 

Doodan ayaan Garsooraha Maxkamada u cuntamin maadaama Cabdiraxmaan Cabdishakuur aan lagu soo qaban wax danbi ah oo uu faraha kula jiray sida ku qeexan qodobkaasi, balse xeer illaalinta ayaa mala-awaal ka dhigtay inuu faraha kula jiray dumin Qaran taasina kumeysan guuleysan cadeynteeda inay horkeenaan Maxkamada.

 

Qodobka 58aad– Baarista Guri ama Goob la tuhmay (Waaran La’aan).

Xeerkan waa mid ciidamada “booliiska” u fasaxaya inay sameyn karaan baaritaan iyagoo aan heysan (Waaran), balse waxaa shardi looga dhigay in baaritaankan loo maro xeerka 24 oo sheegaya in booliiska ay dadka su’aalo weydiin karaan, baaritaana sameyn karaan hadii aysan ka gaarin maxkamada Waaran ka helaan.

 

Awoodan ayaa booliiska la siinayaa oo kaliya hadii ay jirto xaalad deg deg ah, sida hadii qof horey baaritaan ugu socday laga baqayo inuu burburiyo cadeynmo muhiim ah ama laga cabsi qabo inuu baxsado.

 

Waxaase shuruud looga sii dhigay in inta aysan hawl-galka dhicin laga rabo ciidanka booliiska inay fariin u diraan ama war-geliyaan Xeer illaalinta iyo waliba Maxkamada ku shuqulka leh.

 

Kadib markii ay baaritaanka sameeyaan ayaa laga doonayaa in ay si deg degleh maxkamada u horgeeyaan natiijada baaritaankooda.

 

Cadeyn La’aan.

Xeer illaalinta maxkamada ma horkeenin sababihii ku khasbay inay baaritaanka guriga sameeyaan iyagoo aan maxkamada xataa wargelin, waxay sidoo kale xeer illaalinta ku guuleysan weyday inay soo bandhigto wixii ay kusoo qabatay baaritaankaasi ee xoojinaya tuhunkooda ama danbiga eedaysanaha lagu heysto.

 

Arrintan ayaa ku khasabtay in Garsooraha Maxkamada uu laalo dacwadan isagoo cuskaday siduu qabo sharciga iyo Waliba Shariicada Islaamka Suurada Nuur (ciidamada iska galeen guri aan loo fasixin ama lagu casumin).

 

Racfaan La’aan.

Garsooraha wuxuu diiday wax racfaan ah maadaama wadooyinkii ay u mareen hawlgalka ciidamada iyo xeer illaalinta ay maxkamada wax kama jiraan kasoo qaaday (Null and Void) sida sharciga uu qabo.

 

Xeer illaaliyaha guud Axmed Cali Dahir Xeer oo shalay la waydiiyey sababta ay cadeymaha u horgeyn waayeen maxkamada ayaa ku dooday in kiiskan uu yahay kiis culus oo wakhti dheer qaadan kara, ayna xaq u leeyihiin inay wakhtigooda qaataan, doodaasi oo sharciyan ah mid aad daciif u ah.

 

Maxamed Jeenyo.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]