Qiso yaab leh: Nin xoogiisa ku dhisaya masaajid Jaamac ah.

Abaara 2010kii ayaa Macalin Cabdikariin Cabdiraxmaan Xasan oo dadka qaar u yaqaanaan Muxiyadiin waxa uu magaalada  Galkacyo ka iibiyay dhul dhan 20m x 40m oo la mid ah 800 M2, abaara 10 sano kahor.

Duco aan ku ducaysto ayaa igu dhalisay in waxa aan doonayay wax ka weyn ilaahay ila doonayo, marka

Laba sano kadib markii uu dhulka iibiyay ayuu helay riyo lagu amrayo in uu masaajidka mixraabkiisa jeexo, kadibna waxaa ku dhalatay in uu iibsado bir uu ku qodo dhoobada dhagaxana ku jabiyo, wuxuu sidoo kale dajiyay naqshada masaajidka iyo qaybaha uu ka koobnaan doono HAI, wuxuuna jeexay naqshadii qaybahaasi yeelan lahaayeen.

Qaybta 1aad: masjidka raga 20 x 10

Qaybta 2aad: masjidka dumarka 10 x 10

Qaybta 3aad: Madarasada quraanka: 3 qol

Qaybta 4aad: hoolka cilmiga lag barto

Qaybta 5aad: Guriga imaamka iyo martida masaajidka

Qaybta 6aad: Waysada

Qaybta 7aad: suuliyada oo isugu jira

Suuliyaasha raga 4 suuli

Suuliyadda haweenka 2 suuli

Habeenkii ayuu bilaabay inuu dhagaxa iyo dhoobada jabiyo maalinkiina inuu jeexo aasaaskii masaajidka.

“ilaahay ayaa qalbiga ii waasiciyay, waxaana fahmay in shaqadani tahay mid ka wanaagsan mid ilaahay igu galaday oo ka wanaagsan waxyaabihii aan anigu dalbayay, waxaan dalbay in aan helo dad khayrkan ila qaybsada baytka ilaahayna ila dhisa waxaana sameeyay khasnad bir ah oo aan dhex dhigay suuqa, alxamdulilaah wixii ka soo baxay waxay ii buuxiyeen badeeladii, iyo qalabyo yaryar oo aan u baahnaa mase noqon mid keenta wax ka badan boqol doolar” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo ka waramayay xaaladihii uu soo maray

Macalin Cabdiraxmaan waxa uu qaatay qorshe buuxa oo isku tashi ah, wakhtigiisana waxa uu ku koobay khidmadda dhismaha masaajidka, dhagaxa ayuu jabiyaa, dhoobada ayuu qodaa, marka uu aasku madoobaadana waxa uu bilaabaa inuu soo daabulo dhoobadii iyo dhagixii uu maanta diyaariyay, markii hore wuxuu ku bilaabay dusha inuu ku soo guro, markii danbase wuxuu fahmay in Gaari gacan kiradiisa bisha laga sugayo uu ku soo daldasho agabkiisa, kiradaas oo uu ku bixin jiray labaatan doolar oo bishiiba uu mar ka heli jiray dhakhtar ay saaxiibo yihiin oo haatan jaamacad ka dhiga magaalada Hargeysa.

Aroortii ayuu Macalin Cabdiraxmaan Bilaabaa inuu raadiyo nolol maalmeedkiisa, hadii uu wax dhaafsan calooshiisa Alle ku irsaaqana wuxuu horay u kaxaystaa fuundi dhismaha yaqaan, kaasoo marna inta uu joornaatigu u gooyo dhismaha kala la dhisa marka kalana u noqda macalin uu kaga daydo farsamada dhismaha,

Intaas waxaa u dheer Macalin Cabdiraxmaan waa xaafid quraanka illaahay qalbigiisa lagu daabacay quraanka, sidoo kalana wuxuu aad wax uga yaqaan Asmaa’ul xusnaha iyo xiriirka kala dhexeeya quraanka.

Wuxuu bogcadda masaajidka ku dhex akhriyaa Quraanka inta badan xilliyada firaaqada ah.

Shan sano kadib, aasaaskii masaajidka dhamaan waa dhisan yahay, wajiga horana wuxuu dhisan yahay in hal mitir ka badan, qaybuhu dhamaan waa kala googo’an yihiin, dhoobo badan ayaa dhex taal, qaar ka mid ah dhoobaduna waxay u qaabaysan yihiin in la qooyo.

Lawrar dhagax ah oo uu gacantiisa ku jabiyay ayaa u yaal meel ka baxsan magaaladda, wuxuuna rajaynayaa in Illaahay u soo diri doono kuwo uu khayr la doonay oo la qaybsada dhamaystirka ceelkan dheemanka ka qaalisan ee illaahay ku Qahray isagu inuu bilaabo.

Waa arrin la yaab leh in qof kaligiis ah oo aan wax hanti ah haysan cid uu isku halaynayo oo Alle ka soo hartayna aysan jirin inuu isu xilqaamo dhisme xarun intaas le’eg oo illaahay dartiis loo unkay, dhididkiisa iyo xoogiisana inuu ku hirgaliyo ayaa ka go’an, taasoo aad dareemi karto marka aad aragto xarunta masaajidka loo asteeyay iyo xooga galay.

Haddaba, ma laga yaabaa in qormadani ay noqoto mid albaabada u furta dad daacad ah oo Alle khayr weyn la doonay oo Gargaar iyo garab istaag wanaagsan u noqda Macalin Cabdiraxmaan kana caawiya dhismaha iyo dhamaystirka masaajidka Al-fataax.

Shabakadda warbaahinta ee ———– waxay go’aansatay in ay noqoto talafishinkii ugu horeeyay ee si mutadawacnimo ah u baahiya juhdiga Macalin Cabdiraxmaan waxaanan Alle ka filaynaa in soo gudbintani noqoto mid gudata hadafkii lagga lahaa isla markaana farxad galisa adiga iyo daawadayaasha ama dhagaystayaasha kale  ee Illaahay khayrkan inay ka faa’iidaystaan la doonay.

Iyo in faa’iidada danbe noqoto mid abaal marintteeda ay haleelaan bahda warbaahinta ka qayb qaadatay fidinta barnaamijkan iyo dhamaystirka dhismaha Masaajidka Al-fataax mudane iyo marwaba.

Waxaa cad in qorshaha macalinku yahay mid ka mid kuwa ugu hufan sadaqo jaariyooyinka wan wanaagsan ee sabankan ina soo maray laga filayo in ka qayb galkiisa lagu helo wax ka badan waxkasta oo maskaxdeena ku soo dhici kara.

Walaal Kala Xariir Tell:00252906109536 ama Hormud: 00252617947215

Xog: Maxaa kala socotaa tirada shaqaalaha DF ee la saadaalinaao in laga jaro mushaarka?

Xukuumada Somalia ayaa wada qorsho ay ku jareyso Mushaaraadka ay qaatan Shaqaale u diiwaan gashan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Shaqaalaha laga jari doono Mushaarka ayay xukuumada Somalia ku eedeysay inaanu xaadirin shaqooyinka, hase yeeshee ay u taagan yihiin keliya qaadashada mushaarka.

Baaritaan hordhac ah oo ay sameeyen Xubno wakiil u ah Xukuumada Somalia ayaa sheegay in Shaqaalaha la calaameeyay ee laga jari doono Mushaaraadka aysan qaarkood joogin dalka.

Gudigaan sida hoose u wada baaritaanka ayaa sheegay inay jiraan shaqaale badan oo qaarkood aan lagu heyn nolol iyo geeri kuwaa oo si toosa loo qaato mushaarkoodaBaaritaanka la sameeyay ayaa waxaa sidoo kale lagu ogaaday in shaqsiyaad xilal ka haya dowlada ay qaab sharci daro ah u qaatan mushaarka shaqaale ka tirsanaa dowlada oo ku dhintay musiibooyinka ka dhacay dalka.

Sidoo kale, shaqaalaha u diiwaangeshan Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa tirro ahaan ka badan 5,000 oo shaqaale ah,waxaana uu xusay in hadda dowladda ay mushaarka ka joojineyso shaqaale diiwaangeshan oo aan shaqeyn.

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ayaa amar lagu siiyay inay kala sifeyso dhammaan shaqaalaha rayidka ah si loo helo xaqiiqda dhabta ah.

Docda kale, shaqaalaha la qorsheynaayo in laga jaro mushaaraadka ayaa u dhexeyn doona 1,000 ilaa 1,500 oo lagu sifeeyay inay yihiin mashaqeystayaal

XOG: AMISOM Oo Arrin Xujo Ah Ag Dhigtay DFS, Iyo Howlgalkii La Waday Oo…

Warar si hoose ay u heshay Shacabkanews.com ayaa xaqiijinaya in AMISOM ay arrin ad u xujo ah ag dhigtay dowladda Federaalka Soomaaliya oo dooneysay in la qaado howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

Taliska AMISOM ayaa DFS u sheegay in xilligaan aanay ka qeybqaadan kareyn dagaallada la doonayo in lagu weeraro Al-shabaab.

Waxay tilmaameen in ciidankooda xuquuq badan ka maqan tahay, sidoo kalena aanu hadda qorshaha ugu jirin in la weeraro deegaanno cusub oo Al-shabaab dalka kaga sugan yihiin.

Howlgalkaii DFS ee Al-shabaab ayaa hadda u muqda mid dhicisoobay, maadaama AMISOM ay cudurdaar aan caadi ahayn keentay.

Sidoo kale AMISOM ayaa sheegtay in aysan haysan hub iyo saanad kale oo ku filan, inta ay haystaanna tahay mid ay isku difaacayaan oo kaliya.

Ma Waxaa Qarxay Dagaal u Dhaxeeya Soomaliya Iyo Kenya?

Shalay waxa uu dagaal aa du xooggan dhexmaray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Kenya, kadib markii ciidamada la dagaalanka argagaxisada Kenya ay dalka si xadgudub ah kusoo galeen.

Cidamada o indhaha soo xirtay sida Al-shabaabkii sidoo kalena calamo madow ah soo qaatay ayaa xuduudda kasoo tallaay, waliba wax wargelin ah ma aanay sameyn.

Xogta ayaa sheegeysa in hadda abaabul aad u xooggan ay wadaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Gedo, waxaana ay doonayaan iney jilbaha u aastaan Kenyanka soo tallaabaya sharci la’aanta.

Dagaalkii shalay dhacay waxaa cashir lama ilooban ah loogu dhigay ciidamada Kenya oo waxaa laga diley in ka badan 10 askari oo ahaa kuwa sida gaarka ah u tababaran.

Saraakiil ku sugan Gedo, waxay Warqaad.com u sheegeen in saacadaha soo aadan ay ku siqi doonan dhanka xuduudda oo aanay cidna uga hibeysan doonin joogitaanka dhulkooda.

LA OGAADAY: Al-shabaab Oo Bilaabay Iney Degaan Degmooyinka Ugu Muhiimsan Ee Muqdisho

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa hadda waxay bilaabeen iney soo degaan degmooyinka ugu muhiimsan ee magaalada Muqdisho.

Markii hore waxay ku badnaayeen degmooyinka Yaaqshiid, Hilwaa iyo sidoo kale Dayniile, hase ahaatee hadda waxay soo galeen faras magaalada.

Waxay soo degeen Hodon, Howlwadaag, Waaberi, Warta Nabadda, X/weyne, X/jajab iyo sidoo kale Shengaani, iyaga oo diidaya in meelaha fog lagu soo ugaarsado.

Hubka ay wax ku ugarsadaan ayaa sidoo kale la sheegay iney soo dhigteen xaafado ku dhow Villa Soomaaliya iyo Villa Baydhabo si aan looga shakin, maadaama xaafadahaasi aanay badi gelin cid aan dowladda ahayn ama askariba ahayn.

Al-shabaab aya badinaya xeeladaha ay adeegsanayaan si ay u xoojiyaan weerarada ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo cid walboo dowladda taageersan ama ka agdhow.

Muxuu Farmaajo Ka Yiri Maxaabiista Ku Xiran India?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhawaan ay dalka soo gaari doonaan ku dhawaad 100 Maxbuus oo ku xirnaa Sanado badan dalka Hindiya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheeri ah ku bixisay sidii loo soo deyn lahaa Maxaabiistaasi oo xilliggaan la kulmaya dhibaatooyin kala duwan.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay soo deyn doonto Maxaabiista loo heysto Falalka Burcadbadeednimo ee ku xiran dalka Hindiya.

Wadanka India ayaa kamid ah wadamad ugu badan oo ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaalida,kuwaasi oo loo heysto oo fal dambiyeed la xiriira Burcad Badeednimo,inkastoo sanadihii ugu dambeeyey uu hoos u dhac ku yimid weeraradii afduubka maraakiibta.

Sido kale bisha February ee sanadkan ayaa lafilayaa in Soomaaliya dib loogu soo celiyo maxaabiis kale oo iyagana ku xiran xabsiyo kaladuwan oo isla Dalkaasi kuyaala,maxaabiista haatan la sii daayay ayaa horey racfaan u qaatay oo ah in laga qafiifiyo waqtiga,balse waxaa diiday maxakamad kutaala dalkaasi,oo go’aamisay in xukunkoodi ay dhameystaan

XOG: Shabaab Fu’aad Shongole Iyo Saraakiil Kale Oo Dirqi Kaga Badbaaday Ciidanka DFS

 Fu’aad Shongole iyo saraakiil kale oo Al-shabaa ka tiran ay si dirqi ah kaga badbaadeen ciidamada DFS Soomaaliya oo howlgal ka sameeyey deegaanno Kamid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamada ayaa ku dhacay xarun markii hore ay ku shirayej saraakiishan, balse daqiiqado kahor ayey ka baxeen marka howlgalkaan uu dhacayo.

Xogta ciidanka heleen ayaa ahayd in halkaasi ay rag badan ku sugan yihiin,balse waa ay baxsadeen si lama filaan ah, waxaana loo maleeyay in iyaguna ay heleen xog kale oo sheegeysa in dhankooda lagu soo wajahan yahay.

Saraakiishan ayaa sidoo kale la sheegay iney ku jireen rag magac iyo mamuus ku leh Maleeshiyada Al-shabaab, haddii la qaban lahaa ama la dili lahaana Al-shabaab jab xooggan ayaa soo gaari lahaa.

Ciidamada DFS gaar ahaan kuwa Kumaandoosta loo yaqaano ayaa xoojiyey weerarada ay ku bacsanayaan Maleeshiytaadka Al-shabaab.

Dayaca iyo darxumada Faroole nala damacsanaa Gaas baa damiyey!

Cabdiraxmaan Faroole oo ahaa Madaxweynihii Hore Puntland ayaa laga qoray maqaal dheer ,kadib markii uu ka hadlay Colaada Tukaraq ,edayna u jeediyaay Madaxweynaha Taladda Haya ee Prof Cabdiweli Gaas.

 

Hoos ka akhri Ama Riix Linkska

Dayaca iyo darxumada Faroole nala damacsanaa Gaas baa damiyey!

Dhageyso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay Magaalada Boosaaso oo uu ku tilmaamay Cadaalada looga baahanyahay dhanka Dhaqaalaha.

Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa safarkiisa Boosaaso Ku tagaya waxa uu ku jeediyay Khudbad meelo Badan taabaneysa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka Hadlay Xaalada Dalka ka jirta Dhaqaalaha soo xarooday iyo in cadaalad loo qeebsado.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in Dowlada ka qeyb qaadaneyso Dhismaha Puntland isla markana dhaqaalaha Dowlada wax ka heleyso.

Waxa uu intaasi ku daray in taasi tahay Cadaalad madama loo simanyahay dhaqaalaha Dalka.

Halkan Hoose ka Dhageyso Farmaajo.

Warshad Caan ah oo ku gubaneysa Muqdisho & Warar Hordhac ah oo kasoo baxaya Khasaaraha

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xarunta weyn ee Warshada Isbuunyada Mubaarak uu dab qabsaday.

Warshadda ayaa la sheegay inuu qabsaday Dab xoog leh oo gebi ahaan baabi’iyey Warshada, isagoo dabku gaaray xarumo Dugsiyo Waxbarasho oo ku dhowaa Warshadda, waxayna dadka degaanka sheegeen in qasaare baaxad leh uu gaaray Warshadda.

Dabka ayaa weli socda, waxaana la tacaalaya Gaadiidka Dab damiska, iyadoo ay ciidamada ammaanka xireen aagga, waana markii labaad ee xarunta Warshadda Isbuunyada Mubaarak oo dab baabi’iyo.

Xarunta wey ee Warshada Isbuunyada Mubaarak ayaa ku taalla degmada Heliwaa, agagaarka Warshadii hore ee Baastada Muqdisho, waxaana u dhow guryo degaan ah iyo laba dugsi waxbasho.

April, 2013 ayay ahayd markii dab ka dhex qarxay Warshada Isbuunyada Mubaarak oo gebi ahaan baabi’iyey xarunta ugu weyn Warshadda oo ay ku bas beeleen qalab iyo hanti wixii dhex yiilay.