Ciidanka Kumaandooska Somalia howlgal ku burburiyey Saldhigii Alshabaab ee degaanka Leego [Sawirro]

Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa Howlgal gaar ah ku burburiyay saldhigii ugu weynaa ee Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada kumaandooska ayaa howlgalkooda ku beegsadya degaanka Leego oo Alshabaab la sheegay inay ka abaabuli jireen Qaraxyada iyo Weerarada.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay in howlgal gaar ah Ciidamadaasi ay ka fuliyeen Deegaanka Leego ay ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay lahayeen, waxaana ay dileen in kabadan 10 dagaalame, dhaawacana intaas uu ka badan yaha, isaggoo tilmaamay in gacanta ay ku dhigeen Hub iyo Gaadiidka dagaalka.

Taliyaha Ciidanka Kumaadooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, G/sare Ahmed Cabdullahi sheekh ayaa isna inoo sheegay in Ciidanka ay kordhiyeen Howgalka iyo weerarada ay ku bartilmaamedsanayaan Kooxda Itaalka daran ee Alshabaab, waxaana dadka shacabka ah uu ugu baaqay in Ciidanka ay ku gacan siiyaan soo sheegida Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka firxadka ah ee dhulka hoodka ah ku dhuumanaya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Alshabaab oo ku saabsan howlgalka lagu qaaday xarumahoodii degaanka Lego.

TAARIIKHDA MURANKA PUNTLAND IYO SOMALILAND EE GOBALADA SOOL IYO SANAAG

Muran dhuleedka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayaa soo jirey labaatan sano waxayna marar kala duwan ku dagaalameen degaano hoos yimaada gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, gacan ka hadaladaas kala duwanaa oo dhaliyey dhisimasho, dhaawac iyo barakac ayaa intoodii ugu darayd waxay ka dhaceen magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool iyo degaanada ka ag-dhow.

Aasaaskii Somaliland iyo Gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle

Sanadkii 1991 markii ay dhacday Dawladii dhexe ee Soomaaliya uuna dalku u gacan galay jabhado hubaysan iyo maleeshiyaad midiba meel xiratay ayey dadweynihii gobaladii waqooyi galbeed shirweyne isugu yimaadeen magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, waxaana shirweynahaas majaraha u haysay jabhadii dagaalka hubaysan kula jirtay Dawladii Soomaaliya ee SNM taas oo la wareegtay inta badan gobaladii waqooyi galbeed, waxaana shirweynahaas lagaga dhawaaqay Dawlad la magac baxday Somaliland taas oo ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Shirweynahaas waxaa lagaga dhawaaqay inay Dawladaas gooni u goosadka ay ku midaysan yihiin dhamaan gobaladii madaxbanaanida ka qaatay gumaystihii Ingiriiska 1960-kii ayna ku jireen gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle oo katirsanayd gobalka Togdheer.

Xubno kasoo jeeda gobalada Sool, Sanaag iyo Buhoodle ayaa ka qayb galay shirweynahaas lagu unkay Somaliland hase ahaate inta badan wax garadkii iyo dadweynaha kasoo jeeda gobaladaas ayaa gaashaanka u daruuray, waxayna sheegeen inaysan sinaba qayb uga ahaan karin maamul wiiqaaya midnimada umada Soomaaliyeed.

Dhismihii Puntland iyo bilowgii muranka dhulka

Sanadkii 1998 ayey dadkii deganaa gobaladii la isku oran jiray waqooyi Bari oo kala ahaa Nugaal, Bari iyo Mudug oo ay  la socdaan gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle waxay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal, waxaana halkaas lagaga dhawaaqay Dawlad gobaleed ay ku midaysan yihiin shanta gobal ee kala ah Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle oo ah qayb kamida gobalka Togdheer.

Dadka gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle ayaa si buuxda uga qayb galay shirweynihii lagu dhisay Puntland iyagoo aan u kala harin maadama ay Puntland kaga duwanayd Somaliland inuu asaaskeedu ahaa raadinta iyo soo celinta midnimadii umada Soomaaliyeed ee luntay.

Inkastoo xiligaas dhismihii Somaliland uu kan Puntland ka horeeyey in ka badan 7-sano hadana madaxweynihii xiligaa hogaaminaayey Soomaliland Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa siyaasi waaya arag ah kuma dhiiran inuu fargelin siyaasadeed ku sameeyo gobaladaas, isagoo dareensanaa waxa ka dhalan kara sidaa daraadeedna maamulkii Soomaaliland ma noqon mid si buuxa usoo gaara Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle.

Bilowgii murankii gacan ka hadalka dhaliyey

Gurigii lagu weeraray Daahir Rayaale Kaahin 2002 oo ay ku sugan yihiin dhalinyaro calanka Soomaaliya haysata

Wixii ka danbeeyey sanadkii 2002 oo uu geeriyooday madaxweyne Maxamed Ibaarhim Cigaal uuna talada la wareegay Daahir Rayaale Kaahin waxay Somaliland bilowday iny isku fidiso gobalada Sool iyo Sanaag waxayna la wareegtay maamulka degmada Laascaanood oo ah magaalada ugu weyn gobaladaas.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horaysay booqasho ku yimi magaalada Laascaanood bishii December 2002 hase ahaate ciidamada Puntland oo ka baxay magaalada Garowe ayaa gudaha u galay Laascaanood, iyadoo uu si dirqiya magaaladaas uga baxsaday madaxweyne Rayaale, waxayna ciidamadii Puntland si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaaladaas.

Ciidamada Puntland ayaa horay uga sii dhaqaaqay Laascaanood iyadoo dagaalo ka dhacay inta u dhaxaysan Laascaanood iyo Caynaba kaga itaal roonaadeen kuwii Somaliland, waxayna ugu danbayn saldhigteen degaanka Oog oo aan sidaas uga fogayn degmada Caynaba.

Dhismihii Dawladii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf 2004

Sanadkii 2004 waxaa Dawladii KMG ahayd ee lagu dhisay Dalka Kenya madaxweyne loogu doortay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo markaa ahaa madaxweynaha Puntland, iyadoo madaxweynihii Puntlandna uu la wareegay ku-xigeenkiisii Maxamed Cabdi Xaashi oo isna sanadkii 2005 ku wareejiyey Allaha u naxariistee Cadde Muuse Xirsi markii uu kaga guulaystay doorasho ay ku tartameen.

Wixii ka danbeeyey sanadkii 2004 Puntland ayaa u muuqatay inay awoodeedii dhaqaale iyo ciidanba ay u weecisay koonfurta Soomaaliya si ay u garab siiso Dawladii uu hogaaminaayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo mudo 6-sano ah  madaxweyne kasoo ahaa Puntland, waxaana inta badan ciidamadii Puntland loo diray Koonfurta Soomaaliya.

Somaliland oo ka faaidaysanaysa arintan ayaa bilowday inay kusoo durugta magaalada Laascaanood iyadoo ciidamadii Puntlandna ay bilaabeen inay malinba goob cusub kasoo baxaan, ugu danbayntiina kadib dagaalo dhawra oo ka dhacay degaanada Ari-cadeeye iyo Laascaanood waxay magaaladaasi si buuxda gacanta Somaliland u gashay 15-kii bishii Octobar 2007.

Intaa wixii ka danbeeyeyna Puntland ayaa saldhigatay degaanka Tukaraq oo ah tuulo katirsan degmada Laascaanood iyadoo Somalilandna ay saldhigatay deggaanka Gambarey oo aan sidaas uga fogayn.

Tan iyo 2007 oo ay Somaliland la wareegtay Laascaanood ma jirin dagaalo culus oo dhex maray labada dhinac walow labba madaxweyne oo soo maray Puntland kana danbeeyey madaxweyne Cadde Muuse oo xiligiisii ay Somaliland qabsatay Laascaanood ay ololaha doorashada ku galeen soo celinta degaanada ka maqan Puntland.

Duulaanka cusub ee Somaliland iyo saasanta colladeed

Sideedii bishan xili uu madaxwenaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya booqasho ku joogo Puntland ayey ciidamo kasoo duulay Somaliland waxay la wareegeen degmada Tukaraq oo ahayd saldhiga ugu weyn ee ay Puntland ku leedahay gobalka Sool, waxaana maalmahan labbada dhan ka muuqanaaya u diyaar-garow dagaal iyagoo hawada isku marinaaya hanjaabo kul-kulul.

Puntland iyo Somalilandba waxay degaankaas kusoo daabulayaan ciidamadii ugu badnaa iyadoo xili walba la filan karo inay xabadu afka qoriga ka baxado, mana muuqato waan-waan nabadeed oo sidaa u weyn oo laga dhex wado labadan dhinac marka laga reebo iskuday uu hogaaminaayo xog-hayaha gaarka ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mecheal Kitten oo boqasho ku tegay Somaliland, lagana sugaayo Puntland.

Dadka odorosa arimahan waxay sheegayaan inaysan Puntland ka fursanayn inay talaabo milateri qaado hadii aysan Somaliland si dhaqso ah ciidamadeeda ula noqon maadama damaca Soomaliland uu xiligan maraayo inay soo hawaysato meel aan sidaa uga fogeyn Caasimada Garowe, hadii aysan talaabo ciidan arimahan kaga jawaabin Puntlandna waxay Somaliland siinaysa inay ku dhiiradaan inay talaabo horleh soo qaadaan ayna yimaadaan duleedka Garowe oo ay xuduudooda u arkaan ayey leeyihiin dadka siyaasada ka faalooda.

CUMAR FARAWEYNE OO SI ADAG UGA HADLAY XIISADA SOMALILAND IYO PUNTLAND

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal oo wareysi siiyay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay inuu socdo diyaar garow maamulkiisu ugu jiro ka jawaabida duulaan uu sheegay in Ciidamo ka amar qaadanaya Somaliland ay maalmo ka hor ku qabsadeen magaalada Tuko raq oo ka tirsan Gobolka Sool.

Cumar Faraweyne oo ka warbixiyay kaalinta dadka Gobolka Nugaal ku leeyihiin difaaca Puntland ayaa u direy maamulka Somaliland hanjabaad kulul,wuxuuna sheegay Puntland inuu kasoo dhamaanayo dulqaadkii 10 sano ka hor ay Somaliland ku qabsatey magaalada Laascaano ee xarunta Gobolka Sool.

Wariyaha PUNTLAND POST ee Bosaso Cabdiqani Boos ayaa waydiiyay suurto galnimada Puntland inay tixgalin doonto baaqyadda nabada oo ay soo saareen Dowladda Federalka iyo Beesha Caalamka iyo In kale, wuxuu sheegay Gudoomiye Cumar in lagu guuldareystay dadaaladii beesha caalamka, Iyadoona uu ku eedeeyay Madaxda Somaliland inay jabiyeen talaabooyin xal u ahaa baajinta colaada labada dhinac.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa kusoo beegmaya xilli laga dareemayo saansan dagaal iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo xoog leh goobo ka tirsan Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan Puntland iyo Somaliland.

Dowladda oo sharuud adag ku xirtay Mucaaradka & Qorshaha Wasaarada Amniga ee Siyaasi…

Wasaaradda Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa shegtay in weerarrada qaraxyada iyo khaarijinta laga soo abaabulo xaafado ka tirsan caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga Soomaaliya C/casiis Cali Ibraahim (C/casiis Xildhibaan)  ayaa shir jaraa’id ka sheegay in dhibaata

da amni ee ka jirta caasimadda laga abaabulo iska gudaha magaalada, dadkuna ay ka hortegi karaan haddii ay la shaqeeyaan ciidamada amniga.

Dhinaca kale afhayeenak ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay cafis u sameyn doonto Siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda, haddii ay ka tanaasulaan falalka qaska iyo xasilooni darrada ah ee ay wadaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay mas’uuliyiinta Amniga ee Hay’adaha Dowladda isku afgarteen in la siiyo cafis siyaasiin mucaarad ah oo Dowladda ka soo horjeeda, haddii ay mar dambe u laabtaan falal la xariira qaran Dumis-nimo ay Dowladda talaabo ka qaadi doonto.

Sidoo kale wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, sidaas darteedna ay Dowladda sharciga la tiigsan doonto dadka ku mashquulsan Duminta Dowladda. Ma cadda cafiska wasaaradda Amniga sheegtay nooca uu yahay iyo cidda dembiyada loo heysto ee la cafinayo midna.

HOOS KA DAAWO VIDEO

Madaxweyne dhaxalkaaga u Tur (FAALLO).

Maalinti Isniinta waxay ku beegneyd Sideedii Janaayo, waxay ahayd afar sano guuradii doorashadii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas.

 

Sideeda Janaayo waxay noqotey maalin ka duwan maalmaha kale, saddex jeer oo taariikhdu tahay 8, Janaayo waxaa Puntland ka dhacay doorasho Madaxweyne, waxaana is-bedalay afar Madaxweyne oo Puntland soo marey, taas oo ku dhacdey si nabad-gelyo iyo dimoqraadiyad ah.

 

Mar kale 8, Janaayo waxay noqotey maalin ay xusaan labadii Madaxweyne ee u danbeeyey ee Puntland soo mara, ma ahan maalin Qaran, ama maalin kamid ah maalmaha fasaxa ee dastuuriga ah, laakiin dhaxalkii aan ka soo gaarney Hantidwadaagii cilmeyeysnaa ayaa sababey in Madaxweyne xuso oo u dabaaldego maalintii guusha uu gaarey, ama uu la wareegay talada dalka inkasta oo maamulku ku tilmaamo maalin ay soo bandhigaan wax qabadkoodi, waxaase dadku is weydiyana waxa 8, Janaayo loogu beego iyada oo la sameeyo bandhig faneedyo iyo caweys xili danbe dhaca.

Si kastaba 8, Janaayo ee 2018 waa xuskii iyo bandhigii u danbeeyey ee maamulka Dr. Cabdiweli Cali Gaas, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada Madaxweynaha Puntland ee dhacaysa 8 Janaayo 2019.

 

Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu bulshada Puntland u ballan qaadey afar sano ka hor in uu wax ka qaban dono.

  • Adkeynta Amniga iyo dhismaha ciidanka.

 

  • Kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha

 

  • Dib u habeynta caddaaladda.

 

  • Hagaajinta nidaamka dowliga ah iyo hirgelinta barnaamijka Dimoqraadiyadda.

 

Maxaa lagu xasuusan doonaa Cabdiweli Cali Gaas?

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu ku guuleystey afartii sano ee la so dhaafey in uu Puntland ka hirgeliyo mashaariic aad u waaweyn oo qayb ka qaadan kara hormarinta dhaqaalaha.

 

Madaxweynaha Puntland waxa uu xilka la wareegay iyada oo ay kala go’an tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe kadib markii bishii Diseembar 2013 biyo xoggan ay gooyeen halka loo yaqaan Buundada Midigar oo astaan u noqotey halkudhigii Madaxweynaha ee ahaa “isku-tashi” taas oo ahayd mashruucii u horeyey ee shacabka Puntland iyo maamulkooda oo iskaashanaya ay fuliyaan.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu nasiib u yeeshay muddo laba sano ah gudaheed in uu xariga ka jaro laba garoon oo caalami ah kaas oo ay ka soo degeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha hadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo labaduba ay ka qayb-qaateen munaasabadii furitaanka.

 

Waxyaabaha kale ee Madaxweynaha sida weyn loogu xusuusan dono waxaa kamid ah, waddada isku xiri donta Gobolada bari iyo Sanaag ee ka bilaamada Ceel Daahir (Ex-Ceel-Dofaar) taas oo muddo dheer qorsheheedu soo socdey, waxaana ay noqotey mashruuc kale oo kamid ah noqda hal-kudhigga Madaxweynha ee ahaa “isku tashi”.

 

Afartii sano ee u danbeysey waxaa horumar weyn ku tallaabsadey qaar kamid ah magaalooyinka Puntland oo ay u horeyso caasimaddu, waxaana bilowdey kacaanka dhismayaasha waaweyn, Hoteelada sida casriga ah loo dhisey, waxaa magaalooyinka qaarkood ka faa’ideysteen barnaamijyada hormarineed waxaana Madaxweynuhu xariga ka jarey waddooyin aad u badan oo laami ah oo dhex mara magaalooyinka qaarkood.

 

Inkasta oo baahida biyuhu taagan tahay markasta nolosha bini’aadamkuna ku xiran tahay biyaha ayaa Puntland laga qodey ceelal biyood ku dhaw 100 ceel afartii sano ee u danbeysey iyada oo maamulku ka faa’ideysanayo mashaariicda hormarineed ee saaxiibada Soomaaliya ku deeqeen, waxaa jira mashaariic kale oo badan oo maamulku taabo geliyey oo ay ka mid tahay dhisamayaasha waaweyn ee Wasaaradaha isugu tegey Waqooyiga Caasimadda ama halka loo yaqaan Buurta Dawladda.

 

Muxuu ku fashilmey Dr. Cabdiweli Cali Gaas?

Siyaasi kasta waxa uu lee yahay himiloyin, barnaamijyo iyo isbeddel uu ka iibiyo shacabkiisa marka uu xilka u tartamaayo, shaki kuma jiro in Madaxweynaha Puntland uu ku fashilmey taabo gelinta qaar kamid ah himilooyinkii uu ballan qaadey.

 

Ugu horeyn afartii sano ee u danbeysey ma jirto wax Puntland u hagaagsaneyd oo hadda halaysantey, waxaase la dhihi karaa wax badan oo ka haleysnaa ama aan u hagaagsaneyn markii horeba ayaa sii xumaadey, wax badan oo la doonaayey in la hagaajiyona waxba lagama qaban.

 

Si guud Puntland waa meel amni ah oo aysan ka jirin dhibaato amni-darro weyn, oo caqabad ku noqon kara isu socodka iyo ganacsiga.

 

Puntland wa gabal ama qayb ku taala Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye iyo kuwo fikir iyo danno gaar ahaaneed ku dhisan.

 

Afartii sano ee la soo dhaafey shacabka Puntland waxay arki waayeen himiladii, ballanqaadkii iyo rajo-gelintii Madaxweynaha ee ilaalinta xuduudaha Galbeed, dib u habeynta ciidamada daraawiishta iyo tayteyntooda, halka ay u abaabulan yihiin ciidamo wata magacyada taliyaaashooda qaarkoodna la dhihi karo nidaam beleed oo kale ayey u abaaabulan yihiin.

 

Waxaa dalka ka dhacay sicir barar saameyn ku yeeshay nolosha daruuriga ah taas oo dowladdu ay xakameyn weydey ama la dhihi karo qayb ayey ka ahayd, markii ay soo daabacdey lacag Soomaali saameyn ku yeelatey Puntland iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid doorka Puntland ee siyaasadda heer Federaal iyo la xisaabtanka Dowladda federaalka oo la aaminsan yahay in wax badan Puntland uga maqan yihiin.

 

Inkasta oo la-dagaalanka iyo joojinta musuq-maasuqu uu yahay wax ay adag tahay in Soomaaliya laga hirgeliyo maadaama uu dadka ka galay xididada dhigga qaada ayaa ladhihi karaa Madaxweynaha Puntland iskuma deyin yareynta iyo hoos u dhigadda musuqa, waxaana uu gaarey heer musuqmaasuqa iyo laalushku ay banaanka u soo baxaan saameyna ku yeeshaan,heshiisyada, qandaraasyada, maalgashiga iyo sinaanta shaqaaleysiinta.

 

Inkasta oo aan marna la diraaseyn qaabka looga baxayo nidaamka Puntland ay ku soo xulato Xildhibaanada goloyaasha deegaanka, Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyo weliba Doorashada Madaxweynaha, ayaa la dhihi karaa ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa “hal qof iyo hal cod”, in uu Puntland ka hirgalinayo ka hor 2019 fashil ayuu ku socdaa marka la eego wakhtiga u harsan, Madaxweynaha Puntland isaga ayaa isku xirey guusha maamulkiisa iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada waxaana uu hirgelintooda iyo fashilka hirgelintooda calaamad uga dhigey guushiisa iyo guuldaradiisa.

 

Haddaba Ha noqon Heeryadiis cune!

Waxaa hubaal ah in Madaxweynaha Puntland ee hadda Dr. Cabdiweli Cali Gaas uu qabtey mashaariic badan oo hormarineed, noqdeyna Madaxweynihii u horeeyey ee laba sano gudaheed ku furay laba garoon oo caalami ah oo noqon kara albaabka hormarka mustaqbalka Puntland, ayaa la is weydiin sida uu ku ilaalin karo dhaxalkii uu Puntland u horseeday ama uga tegaayo.

 

Madaxweyne kasta waxaa bersadiisa buuxiya ama qabsada dhegtiisa kooxo dano kala duwan leh, “Danley dhaqaale siyaasadeed” kuwaas oo marka xilku dhamaad yahay daruuro madow ay dul hogtaan oo isku daya in ay Madaxweynaha siiyaan talooyin gurracan oo ku dhisan danahooda shakhsiyadeed, waxaana ay tusaale u soo qaataan mashaariicda qabyada ah ee socota, sidii ay u sii socon lahayd, waxay Madaxeynaha ku maaweeliyaan been iyo khiyaali iyo warar aan xaqiiqo ku dhisneyn, waxaana ay u durbaan tumaan waxbaa qabyo inaka ah ee Madaxweynaha mudada haloogu daro.

 

Madaxweynaha waxaa loo doortey in uu shaqeeyo, waa adeege shacab, waxaa loo doortey in uu wax qabto, waxa uu qabtey waa wixii laga sugaayey, wixii ka haleysmeyna waa lagulaxisaabtami, waxaana lagu doortey dastuur iyo sharci dalka u degsan.

 

Haddaba Madaxweynaha Puntland waxaa la gudboon in uu difaacdo dhaxalkii uu dalkan uga tegay, oo aanu noqon heeryadiis cune.

 

Waxaa la gudboon in uu galo doorasho xalaal ah isku dayo in uu noqdo Madaxweynihii u horeeyey ee dib loo doorto abid inta uu xilka mar labaad u tartamey gudaha Soomaaliya, ama xafiiska baneeya sida kuwii ka horeeyey ee guuldaradu raacdey xilkana ku wareejiyey si sharaf leh.

 

I. Haji Said.

 

Maxbuus laga keenay Seychelles oo Xabsiga Hargeisa ugu Dhintay Daryeel Caafimaad La’aan.

Sida uu ku waramayo Cabdi Fitaax Axmed Cabdulle oo ka tirsan maxabiista ay dhibanaha geeriyooday iskala yimaadeen jaziiradda Seychelles, waxaa uu ugu horeyn ka hadlayaa sida wax u dhaceen:

“Waxaan ka mid ahay dhallinyaro maxaabiis ah oo ku jirta xabsiga dhexe ee Hargeysa waxaana nagala-keenay meel la yiraahdo  jasiirada Seychelles  oo nagula eedeeyay inaan nahay burcad badeed, muddo dheer ayaan halkaasi ku xirneyn”

 

Cabdi Fitaax Axmed Cabdulle oo sii hadlaya waxaa uu yiri:

“Dhallinyaradeedna waxaan aheyn 21 qof,  waxaanna ka soo jeednaa deegaannada Galmudug gaar ahaan Ceeldheer, Ceelbuur, Dhuusa-mareeb, Cadaado iyo Galkacyo,  marka ninka dhintay waxaa uu ahaa dhallinyarada aan wada soconay marka muddo waa uu xanuunsanaa saddex sano xanuunkaan waa uu ku jiray,  xanuunkana markii hore waxaa uu ka raacay jirdil ay u geysteen askarta ka bacdii waa uu qufici jiray,  quficii ayaa ku xumaaday bilihii u dambeeyay ayuu ku zaa’iday markii dambe waxaa uu bilaabay inuu dhiig matago”

 

Mar aan weydiiney sida in ay helaan daryeel caafimaad waxaa uu ku jawaabay:

“Maya, meeshu caafimaad malahan waxaa la isa siiyaa kaniiniga baristamoolka,  oo qandho jabiyaha ah ayaa la siiyaa qofka haduu Tifow iyo malaariyo xitaa uu qabo, shalay markuu naf bixi rabay ayey qaadeen dhaqtar ayey geeyeen markii meeshii ay geeyeen wuu dhintay”

 

Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay in haddii gargaar caafimaad jiro aanu sidaa u dhimateen:

“Wax gargaar ah ma jiraan gargaar haduu jiro caafimaad darro qof uma dhinteen geeridu waa xaq waa lawada dhimanayaa balse silica iyo daruufta oo uu qof la daalo dhacayo muddo saddex sano ah oo aan jirin ehel u dhow oo daaweeyo waad dareemi kartaa xanuunka ay leedahay”.

 

Ma aha markii ugu horreysay oo xabsiga dhexe ee Hargeisa ay maxaabiis ugu dhintaab daryeel la’aan xagga caafikaadka ah.

 

Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Shacabka oo deeq Lacageed Gaarsiiyay Caruur isugu jirta Agoon iyo danyar- (SAWIRO)

Ilaa 48-qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqdaasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar

 

Goobta deeqdan lacagta ah lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Caruur Agoon ah oo uu gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ka bixiyo qarashaadka waxbarashada iyo eheladooda,waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdan ka faa’ideysaatay ay gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka uga mahad celiyeen deeqdan iyo sida uu caruurtan u taageero,waxayna ka codsadeen in uu sii laba laabo.

 

Maxamed Maxamud Barre oo ku hadlayay magaca hay’adda Towqiif Foundation oo ka wakiil aheyd  gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in deeqdan ay u qeybiyeen sidii loogu tala galay.

 

Maraykanka oo Dowladda Soomaaliya ugu Deeqay Lix Gaari oo Nooca aan Xabadda karin ah (SAWIRO).

Mudane Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliyaayaa ayaa ka guddoomay Waaxda Arriamah Dibadda Mareykanka 6 gaari oo nooca aan xabadda Karin ah, kuwaasi oo loogu tala galay in lagu qabto howlaha Wasaaradda.

 

Xaflad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayey gaadiidka ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay ka guddoomeen 6 gaari, isla markanaa lagu qaban doono oo kaliya howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda.

 

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu tala gashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay weerarkii Somaliland ku soo qaaday Tukaraq.

Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas Maxaweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii Maamulka Somaliland ku soo qaadeen Tukaraq, kadib markii uu shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ay weerarkaasi ku soo beegeen xili Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Magaalada Garowe, taasi uu ku tilmaamay in carqalad ku tahay geeddi socodka nabadda.

Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Shabaab iyo Daacish.

 

“…Sidaa la socotaan Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, weerarkii Maamulka Hargeysa waxa uu gaashaan u yahay argagixisada…”

Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, wuxuuna Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya u diray fariin ahayd wixii ka dhasha weerarka Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadayo maamulkaasi.

 

Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ugu dambeen ku tilmaamay weerarkii Somaliland ku soo qaaday Tukaraq faro gelin qaawan oo lagu hayo xuduudaha Puntland isla markaana aysan u dul qaadan doonin daan-daansi ka dhan ah nabad gelyada iyo xasiloonida Puntland.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Puntland- (SAWIRO).

Madaxweynaha Soomaaliya Mudan e maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe kula kulmay boqollaal arday ah oo wax ka barta Jamaacadaha ku yaala magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, xubno ka tirsan labada gole ee Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada Puntland, Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si’ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa Jiilka hada talada haya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal iyo sabar badan, una soo dhabar adaygeen duruufo waxbarasho oo aad u adag, haatanna looga baahanyahay in ay shaqada ka soo bilaabaan asaaska si ay khibrad iyo waayo aragnimo u yeeshaan.

 

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigaliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u tashadaan sidii dalkooda ay u dhisan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in ay Dowladdu soo nooleynayso kaalinta culimada iyo odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo oo la ilaaliyo. Waxa uu intaas ku daray Madaxweynaha in isfahamka odayaasha dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta uu asaas u yahay nabadda iyo dib-uheshiisiinta dalka.

 

Markii ay soo idlaatay munaasabaddani ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

 

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu guryaha ay ka deggenyihiin magaalada Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxa ay soo kormeereen isbataalka guud ee magaalada Garoowe waxayna halkaas kula kulameen hawl-wadeenada isbataalka ,isla markaana waxay mid mid u booqdeen qaar ka mid ah bukaanada jiifa isbataalka.

 

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxay hawgooda ku booqdeen qaar ka mid ah isimada Puntland waxaana ka mid ahaa Islaan Ciise Isalaan Maxamed, Suldaan Sidiid Maxamed Garaase iyo Garaad Salaymaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.