Madaxweyne dhaxalkaaga u Tur (FAALLO).

Maalinti Isniinta waxay ku beegneyd Sideedii Janaayo, waxay ahayd afar sano guuradii doorashadii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas.

 

Sideeda Janaayo waxay noqotey maalin ka duwan maalmaha kale, saddex jeer oo taariikhdu tahay 8, Janaayo waxaa Puntland ka dhacay doorasho Madaxweyne, waxaana is-bedalay afar Madaxweyne oo Puntland soo marey, taas oo ku dhacdey si nabad-gelyo iyo dimoqraadiyad ah.

 

Mar kale 8, Janaayo waxay noqotey maalin ay xusaan labadii Madaxweyne ee u danbeeyey ee Puntland soo mara, ma ahan maalin Qaran, ama maalin kamid ah maalmaha fasaxa ee dastuuriga ah, laakiin dhaxalkii aan ka soo gaarney Hantidwadaagii cilmeyeysnaa ayaa sababey in Madaxweyne xuso oo u dabaaldego maalintii guusha uu gaarey, ama uu la wareegay talada dalka inkasta oo maamulku ku tilmaamo maalin ay soo bandhigaan wax qabadkoodi, waxaase dadku is weydiyana waxa 8, Janaayo loogu beego iyada oo la sameeyo bandhig faneedyo iyo caweys xili danbe dhaca.

Si kastaba 8, Janaayo ee 2018 waa xuskii iyo bandhigii u danbeeyey ee maamulka Dr. Cabdiweli Cali Gaas, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada Madaxweynaha Puntland ee dhacaysa 8 Janaayo 2019.

 

Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu bulshada Puntland u ballan qaadey afar sano ka hor in uu wax ka qaban dono.

  • Adkeynta Amniga iyo dhismaha ciidanka.

 

  • Kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha

 

  • Dib u habeynta caddaaladda.

 

  • Hagaajinta nidaamka dowliga ah iyo hirgelinta barnaamijka Dimoqraadiyadda.

 

Maxaa lagu xasuusan doonaa Cabdiweli Cali Gaas?

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu ku guuleystey afartii sano ee la so dhaafey in uu Puntland ka hirgeliyo mashaariic aad u waaweyn oo qayb ka qaadan kara hormarinta dhaqaalaha.

 

Madaxweynaha Puntland waxa uu xilka la wareegay iyada oo ay kala go’an tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe kadib markii bishii Diseembar 2013 biyo xoggan ay gooyeen halka loo yaqaan Buundada Midigar oo astaan u noqotey halkudhigii Madaxweynaha ee ahaa “isku-tashi” taas oo ahayd mashruucii u horeyey ee shacabka Puntland iyo maamulkooda oo iskaashanaya ay fuliyaan.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu nasiib u yeeshay muddo laba sano ah gudaheed in uu xariga ka jaro laba garoon oo caalami ah kaas oo ay ka soo degeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha hadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo labaduba ay ka qayb-qaateen munaasabadii furitaanka.

 

Waxyaabaha kale ee Madaxweynaha sida weyn loogu xusuusan dono waxaa kamid ah, waddada isku xiri donta Gobolada bari iyo Sanaag ee ka bilaamada Ceel Daahir (Ex-Ceel-Dofaar) taas oo muddo dheer qorsheheedu soo socdey, waxaana ay noqotey mashruuc kale oo kamid ah noqda hal-kudhigga Madaxweynha ee ahaa “isku tashi”.

 

Afartii sano ee u danbeysey waxaa horumar weyn ku tallaabsadey qaar kamid ah magaalooyinka Puntland oo ay u horeyso caasimaddu, waxaana bilowdey kacaanka dhismayaasha waaweyn, Hoteelada sida casriga ah loo dhisey, waxaa magaalooyinka qaarkood ka faa’ideysteen barnaamijyada hormarineed waxaana Madaxweynuhu xariga ka jarey waddooyin aad u badan oo laami ah oo dhex mara magaalooyinka qaarkood.

 

Inkasta oo baahida biyuhu taagan tahay markasta nolosha bini’aadamkuna ku xiran tahay biyaha ayaa Puntland laga qodey ceelal biyood ku dhaw 100 ceel afartii sano ee u danbeysey iyada oo maamulku ka faa’ideysanayo mashaariicda hormarineed ee saaxiibada Soomaaliya ku deeqeen, waxaa jira mashaariic kale oo badan oo maamulku taabo geliyey oo ay ka mid tahay dhisamayaasha waaweyn ee Wasaaradaha isugu tegey Waqooyiga Caasimadda ama halka loo yaqaan Buurta Dawladda.

 

Muxuu ku fashilmey Dr. Cabdiweli Cali Gaas?

Siyaasi kasta waxa uu lee yahay himiloyin, barnaamijyo iyo isbeddel uu ka iibiyo shacabkiisa marka uu xilka u tartamaayo, shaki kuma jiro in Madaxweynaha Puntland uu ku fashilmey taabo gelinta qaar kamid ah himilooyinkii uu ballan qaadey.

 

Ugu horeyn afartii sano ee u danbeysey ma jirto wax Puntland u hagaagsaneyd oo hadda halaysantey, waxaase la dhihi karaa wax badan oo ka haleysnaa ama aan u hagaagsaneyn markii horeba ayaa sii xumaadey, wax badan oo la doonaayey in la hagaajiyona waxba lagama qaban.

 

Si guud Puntland waa meel amni ah oo aysan ka jirin dhibaato amni-darro weyn, oo caqabad ku noqon kara isu socodka iyo ganacsiga.

 

Puntland wa gabal ama qayb ku taala Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye iyo kuwo fikir iyo danno gaar ahaaneed ku dhisan.

 

Afartii sano ee la soo dhaafey shacabka Puntland waxay arki waayeen himiladii, ballanqaadkii iyo rajo-gelintii Madaxweynaha ee ilaalinta xuduudaha Galbeed, dib u habeynta ciidamada daraawiishta iyo tayteyntooda, halka ay u abaabulan yihiin ciidamo wata magacyada taliyaaashooda qaarkoodna la dhihi karo nidaam beleed oo kale ayey u abaaabulan yihiin.

 

Waxaa dalka ka dhacay sicir barar saameyn ku yeeshay nolosha daruuriga ah taas oo dowladdu ay xakameyn weydey ama la dhihi karo qayb ayey ka ahayd, markii ay soo daabacdey lacag Soomaali saameyn ku yeelatey Puntland iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid doorka Puntland ee siyaasadda heer Federaal iyo la xisaabtanka Dowladda federaalka oo la aaminsan yahay in wax badan Puntland uga maqan yihiin.

 

Inkasta oo la-dagaalanka iyo joojinta musuq-maasuqu uu yahay wax ay adag tahay in Soomaaliya laga hirgeliyo maadaama uu dadka ka galay xididada dhigga qaada ayaa ladhihi karaa Madaxweynaha Puntland iskuma deyin yareynta iyo hoos u dhigadda musuqa, waxaana uu gaarey heer musuqmaasuqa iyo laalushku ay banaanka u soo baxaan saameyna ku yeeshaan,heshiisyada, qandaraasyada, maalgashiga iyo sinaanta shaqaaleysiinta.

 

Inkasta oo aan marna la diraaseyn qaabka looga baxayo nidaamka Puntland ay ku soo xulato Xildhibaanada goloyaasha deegaanka, Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyo weliba Doorashada Madaxweynaha, ayaa la dhihi karaa ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa “hal qof iyo hal cod”, in uu Puntland ka hirgalinayo ka hor 2019 fashil ayuu ku socdaa marka la eego wakhtiga u harsan, Madaxweynaha Puntland isaga ayaa isku xirey guusha maamulkiisa iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada waxaana uu hirgelintooda iyo fashilka hirgelintooda calaamad uga dhigey guushiisa iyo guuldaradiisa.

 

Haddaba Ha noqon Heeryadiis cune!

Waxaa hubaal ah in Madaxweynaha Puntland ee hadda Dr. Cabdiweli Cali Gaas uu qabtey mashaariic badan oo hormarineed, noqdeyna Madaxweynihii u horeeyey ee laba sano gudaheed ku furay laba garoon oo caalami ah oo noqon kara albaabka hormarka mustaqbalka Puntland, ayaa la is weydiin sida uu ku ilaalin karo dhaxalkii uu Puntland u horseeday ama uga tegaayo.

 

Madaxweyne kasta waxaa bersadiisa buuxiya ama qabsada dhegtiisa kooxo dano kala duwan leh, “Danley dhaqaale siyaasadeed” kuwaas oo marka xilku dhamaad yahay daruuro madow ay dul hogtaan oo isku daya in ay Madaxweynaha siiyaan talooyin gurracan oo ku dhisan danahooda shakhsiyadeed, waxaana ay tusaale u soo qaataan mashaariicda qabyada ah ee socota, sidii ay u sii socon lahayd, waxay Madaxeynaha ku maaweeliyaan been iyo khiyaali iyo warar aan xaqiiqo ku dhisneyn, waxaana ay u durbaan tumaan waxbaa qabyo inaka ah ee Madaxweynaha mudada haloogu daro.

 

Madaxweynaha waxaa loo doortey in uu shaqeeyo, waa adeege shacab, waxaa loo doortey in uu wax qabto, waxa uu qabtey waa wixii laga sugaayey, wixii ka haleysmeyna waa lagulaxisaabtami, waxaana lagu doortey dastuur iyo sharci dalka u degsan.

 

Haddaba Madaxweynaha Puntland waxaa la gudboon in uu difaacdo dhaxalkii uu dalkan uga tegay, oo aanu noqon heeryadiis cune.

 

Waxaa la gudboon in uu galo doorasho xalaal ah isku dayo in uu noqdo Madaxweynihii u horeeyey ee dib loo doorto abid inta uu xilka mar labaad u tartamey gudaha Soomaaliya, ama xafiiska baneeya sida kuwii ka horeeyey ee guuldaradu raacdey xilkana ku wareejiyey si sharaf leh.

 

I. Haji Said.

 

Weerarkii Guriga Senator Qeybdiid oo Su’aalo badan keenay, Yaa Adeegsaday Ciidamada.???

Xukuumada Federaalka iyo Taliska Militariga ayaa sheegay inuu baaritaan socdo saacado kadib markii la xiray qaar kamid ah ciidamada Militariga ee Danab oo la sheegay inay galeen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

 

Kadib markii uu dhacay qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoober ayey madaxda dowlada (Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha) ku dhawaaqeen in la bilaabayo dagaal balaaran oo lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab.

 

Dowlada Federaalka ayaa dhamaadkii bishii Oktoober sheegtay inay wado diyaarinta ciidamada dalka ka xoreyn lahaa maleeshiyaadka Al Shabaab, isla xiligaasi ayey saraakiisha militariga dowlada soo saareen dhaliilo ku aadan dowlada Imaaraatiga oo iyadu tababartay ciidamada Komandooska ee loo yaqaan Danab.

 

23-kii Oktoober, Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo kamid ah Aqalka Sare ayaa sheegay in iscasilaadii taliyihii hore ee Militariga Soomaaliya Gen. Cirfiid ay qeyb ka ahayd in ciidamada Imaaraatiga tababaray oo ah kuwa ugu tababar fiican militariga Soomaaliya ay weli hoos tagaan saraakiisha imaaraatiga oo aysan hoos imaan saraakiisha Federaalka.

Waxaana wakhtigaasi si weyn u bilaabatay codsiga ah in ciidamada Imaaraatiga tababaray la hoos geeyo saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga si ay uga qeyb qaataan la dagaalanka Al Shabaab.

 

Cadaadiskan la saaray imaaraatiga ayaa keenay in 1-dii bishii November dowlada Imaaraatiga sheegto in dhamaan ciidamadii ay u tababareen dowlada Federaalka lagu wareejiyey Xukuumada Raysalwasaare Xasan Cali Khayre.

Raysalwasaare Khayre oo ka qeyb galay munaasabadii lagu wareejinayey ciidamada ayaa khudbad u jeediyey askartaasi isagoo yiri:

“…Ciidamadani waxay tusaale u yihiin sida ay nooga go’an tahay in aan dalka ka xoreyno kooxaha argagixisada ah, kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa in aad noqon doontaan kuwo sharaftii iyo kala dambeyntii qaranka Soomaaliyeed soo celiya…”

 

Xukuumada Federaalka ayaa askartan qeyb kamid ah ku dartay ciidamada loo bixiyey xasilinta oo ka hawl-galayey magaalada Muqdisho, iyagoo ay wehliyaan kuwo ka tirsan NISA iyo Booliiska.

 

Weerarkii Guriga Gen.Cabdi Qeybdiid.

Hawlgalkii lagu qaaday guriga uu Muqdisho ka degen yahay Senator Cabdi Qeybdiid ayaa waxaa fuliyey ciidamo soocan oo ka tirsan askartii militariga ee Imaaraatiga ku wareejiyey dowlada Federaalka, kuwaasi oo aan illaa iyo hada la ogeyn cida amarka siisay.

 

Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Militariga ayaa sheegay in ay arrintan baarayaan oo ay sharciga hor keenayaan ciidamada falkan ka danbeeyey.

Ciidamadan hawlgalkan loo diray ayaa ahaa ciidamada Komandooska Soomaaliya oo ay tababartay dowlada Imaaraatiga maaha kuwa horey looga bartay inay fuliyaan hawlgalo noocaan ah iyagoo aan wax amar ah ka heysan madaxdooda.

 

Waana falkii ugu horeeyey oo lugaha la galaya arrimo siyaasadeed oo ay ciidamadan ku kacaan tan iyo intii lagu wareejiyey Xukuumada Raysalwasaare Xasan Khayre.

 

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in ka badan 40 askari oo ciidamadaasi ka tirsan la xiray, walow aan weli la sheegin cida amarka siisay.

 

Hadaba su’aasha la isweydiinayo ayaa ah hadii ciidamadan ay dowlada Federaalka 1-dii November ay kala soo wareegtay saraakiishii tababari jirtay ee Imaaraatiga ee la hoos geeyey Wasaarada Gaashaandhiga Federaalka, yaa siiyey amarka ay ku galeen hoyga Senator Cabdi Qeybdiid oo kamid ah xildhibaanada Aqalka Sare.

 

Senator Qeybdiid ayaa kamid ah Xildhibaanada sida weyn u garab istaagay Siyaasiga mucaaridka ah ee xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ay ciidamada Xasilinta gurigiisa ugu dhaceen bartamihii bishan arrintaasi oo xiisad siyaasadeed ka abuurtay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah xubnaha ku dhaw dhaw Senatorka ayaa sheegaya inay rumeysan yihiin in amarka ciidamada lagu hawl-geliyey uu ka yimid Xafiiska Raysalwsaaraha, balse la doonayo in eeda hawlgalkan dusha laga saaro dowlada Imaaraatiga oo iyadu tababartay ciidamadan.

 

Shakigan waxaa sii xoojiyey Sarkaalka ku magacaaban Taliyaha Nabadsugida Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo la sheegay in kadib hawlgalkii guriga Qeybdiid inuu telefoonka Senatorka wacay, isagoo u sheegaya in ciidamada hawgalka fuliyey ay yihiin kuwii Imaaraatiga tababaray, Waxaana arrintan saxaafada u xaqiijiyey Senator Cabdi Qeybdiid.

 

Saadiq Joon ayaa sidoo kale ahaa sarkaalkii hogaaminayey ciidamadii weerarka ku qaaday gurigii Cabdiraxmaan Cabdishakuur bartamihii bishan, siyaasigaasi oo ay xukuumada iyo xeer illaalinta ku eedeeyeen danbi ah Qaran Dumis.

 

Kiiskan cusub oo u eg kii [Qalbi Dhagax] ayaa mar kale dowlada Federaalka lugaha u gelinaya fadeexad siyaasadeed maadaama natiijada walba oo kasoo baxda baaritaanka la sheegay in la sameenayo ay noqon doonto laba arrin midood:

 

1- In ciidamadan ka amar qaadanayeen Xukuumada ee Raysalwasaare Xasan Khayre oo horay loogu wareejiyey, taasi oo noqoneysa in Raysalwasaaraha uu xildhibaanada kasoo horjeeda u adeegsaday ciidamadii loogu talo galay la dagaalanka Al Shabaab.

 

2- Hadii ciidamadan aysan xukuumada wax amar ah siin ama Xukuumada eeda dusha u saarto dowladii soo tababartay (Imaaraatiga) haba kalahaato dano siyasadeedee, waxay taasina ka dhigantahay in ugu yaraan dowladu ay fududeysay in dowlad ajnabi ah ay dalkeeda la maamusho.

 

Maxamed Jeenyo.

 

Dacwadii Daciifka ahayd ee Xeer Illaalinta u cuskatay C/raxmaan C/shakuur Warsame – (Qodobada).

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa shalay ka hor yimid go’aankii lagu siidaayey Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo lagu soo eedeey fal dambiyeed Qiyaano Qaran iyo Qaran dumis.

 

Xeer illaaliyaha ayaa ku dooday in dacwadooda ay u cuskadeen labada qodob oo kala ah 36 iyo 58 ee xeerka ciqaabta dalka Soomaaliya.

 

Sidaan horey ugu soo sheegnay maqaalkii aan ka qornay dacwada ka dhanka ah CC Warsame, waxaa jiray caqabado badan oo dhanka sharciga ah oo ka horimaanayey kiiska xeer illaalinta maadaama aysan heysan wax Waaran (Warrant) ah oo ay maxkamada ku fasaxeyso xariga Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Baaritaanka gurigiisa.

Xeer-illaalinta si caqabadahan ay uga gudubto ayey cuskatay labada qodob ee xeerka ciqaabta oo kala ah 36 iyo 58, sida uu Xeer illaaliyaha guud ku xaqiijiyey shirkiisii jaraa’iid ee shalay.

 

Hadaba maxay kala yihiin labadan qodob ee kala ah 36 iyo 58?

 

Qodobka 36aad- Flagrante Delicto.

Qodobkan waa mid ka hadlaya in ciidamada booliiska ay soo qaban karaan shaqsi markaasi faraha kula jira danbi iyagoo aan wax Waaran ah ka heysan maxkamada, waxaana qodobkan loo yaqaan (Flagrante Delicto).

 

Waxaana loo isticmaalaa sida dadka Khamreysan oo wadada maraya, qof horey baxsad u ahaa ama jabiyey sharuudo horey maxkamada u xukuntay, qof sita hub sharci daro ah ama Qarax iwm.

 

Doodan ayaan Garsooraha Maxkamada u cuntamin maadaama Cabdiraxmaan Cabdishakuur aan lagu soo qaban wax danbi ah oo uu faraha kula jiray sida ku qeexan qodobkaasi, balse xeer illaalinta ayaa mala-awaal ka dhigtay inuu faraha kula jiray dumin Qaran taasina kumeysan guuleysan cadeynteeda inay horkeenaan Maxkamada.

 

Qodobka 58aad– Baarista Guri ama Goob la tuhmay (Waaran La’aan).

Xeerkan waa mid ciidamada “booliiska” u fasaxaya inay sameyn karaan baaritaan iyagoo aan heysan (Waaran), balse waxaa shardi looga dhigay in baaritaankan loo maro xeerka 24 oo sheegaya in booliiska ay dadka su’aalo weydiin karaan, baaritaana sameyn karaan hadii aysan ka gaarin maxkamada Waaran ka helaan.

 

Awoodan ayaa booliiska la siinayaa oo kaliya hadii ay jirto xaalad deg deg ah, sida hadii qof horey baaritaan ugu socday laga baqayo inuu burburiyo cadeynmo muhiim ah ama laga cabsi qabo inuu baxsado.

 

Waxaase shuruud looga sii dhigay in inta aysan hawl-galka dhicin laga rabo ciidanka booliiska inay fariin u diraan ama war-geliyaan Xeer illaalinta iyo waliba Maxkamada ku shuqulka leh.

 

Kadib markii ay baaritaanka sameeyaan ayaa laga doonayaa in ay si deg degleh maxkamada u horgeeyaan natiijada baaritaankooda.

 

Cadeyn La’aan.

Xeer illaalinta maxkamada ma horkeenin sababihii ku khasbay inay baaritaanka guriga sameeyaan iyagoo aan maxkamada xataa wargelin, waxay sidoo kale xeer illaalinta ku guuleysan weyday inay soo bandhigto wixii ay kusoo qabatay baaritaankaasi ee xoojinaya tuhunkooda ama danbiga eedaysanaha lagu heysto.

 

Arrintan ayaa ku khasabtay in Garsooraha Maxkamada uu laalo dacwadan isagoo cuskaday siduu qabo sharciga iyo Waliba Shariicada Islaamka Suurada Nuur (ciidamada iska galeen guri aan loo fasixin ama lagu casumin).

 

Racfaan La’aan.

Garsooraha wuxuu diiday wax racfaan ah maadaama wadooyinkii ay u mareen hawlgalka ciidamada iyo xeer illaalinta ay maxkamada wax kama jiraan kasoo qaaday (Null and Void) sida sharciga uu qabo.

 

Xeer illaaliyaha guud Axmed Cali Dahir Xeer oo shalay la waydiiyey sababta ay cadeymaha u horgeyn waayeen maxkamada ayaa ku dooday in kiiskan uu yahay kiis culus oo wakhti dheer qaadan kara, ayna xaq u leeyihiin inay wakhtigooda qaataan, doodaasi oo sharciyan ah mid aad daciif u ah.

 

Maxamed Jeenyo.

 

Kenya oo Wada-hadal ku Adkeysanaysa Muranka Badda, Akhriso Sooyaalka Murankaasi.

Dawladda Kenya ayaa todobaadkan ka jawaabtay kiiska dacwad badeedka ay Soomaaliya hor-dhigtay maxkamadda, iyada oo qoraal u dirtay maxkamadda cadliga adduunka ee Hague, Netherlands.

 

Dacwada ayaa ku saabsan in la xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta Hindiya, iyada oo la oogay 28 August 2014.

 

Soomaaliya waxay rabtaa Kiiskan in xadka noqdo “Equidistant line” oo masaafo simman loo jirsado halka Kenya ay rabto (along a parallel of latitude)  ama khad balac ah taas oo ay leeyihiin waxaa ay ku soo baxday Dekereeto madaxweyne markii ugu horeysay  1979 iyo mar kale 2005.

Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhul badeedka lagu muran-san yahay ay ka sameyn karto roondo, kaluumeysi, cilmi-baaris la xiriirta badda  iyo in ay ka qodi karto nafto iyo gaas.

 

”Iyada oo Kenya xushmeyneysa kaalinta muhiimka ah ee maxkamadda cadliga adduunka ee xalinta murannada iyo horumarinta nabadda hadana Kenya waxaa ay rumeysan tahay in uu yahay xalka keliya ee muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”

Sidaasi waxaa yiri xeer-ilaaliyaha Kenya Githu Muigai.

 

Soomaaliya ayaa dooneysa xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya.

 

Hadaba, Akhriso Saldhigga Muranka:

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed  lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

 

Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental.

 

Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hor-dhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka.

 

Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in ay samayo xariiqin badda ah.

 

Waa markii ugu horreysay ee Soomaalida gar-qaad weydiistaan Maxkamadda cadliga adduunka, haddii kiiskan aanu ku guuleysanno, waxaa ay taasi horseedi doontaa in aan mar kale isla maxkamadaas aadno si aan uga  furno kiisaska muranka dhulka ee nagala dhaxeeyay dalalka Yemen, Itoobiya iyo Kenya.

 

Sooyaalka Muranka Badda ee Soomaaliya Iyo Kenya:

April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii.

 

1988: Waxaa la soo saaray  sharciga badda ee Soomaaliya.

 

1989: Labada Dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982.

 

April 7, 2009: Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta  caalamiga ah ee qaramada midoobey.

 

Heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday.

 

October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob.

 

Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya.

 

Qodobadaaas ayaa kala ahaa:

  • In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988.

 

  • In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya.

 

  • Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii.

 

  • Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed.

 

  • Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah.

 

  • Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran.

 

August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka badda u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey si loo xadeeyo badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

 

October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu  xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada.

 

Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo nabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya.

 

October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir  oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya oo qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya.

 

 

Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya.

 

May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka.

 

September 2016: Waxaa Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu dambeyntii la aqbalay in maxkamadda cadliga adduunka ay qaadi-karto dacwada.

 

December 18, 2017: Kenya oo ka jawaabaysa kiiska iyada ayaa sheegtay in ay qabaan in wada hadal wax lagu dhameeyo.

 

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice):

International Court of Justice (ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxayna ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka.

 

Maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah.

 

Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Ronny Abraham halka uu guddoomiye ku xigeen ka yahay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulqawi  Axmed Yusuf.

 

Caqabadaha Sharci ee Xeer Illaalinta horyaal kadib weerarkii lagu xiray C/raxmaan C/shakuur Warsame

Maanta gelinka danbe ayaa ku eg wakhtiga loo qabtay Xeer Illaalinta dowlada Federaalka inay maxkamada Banadir hor keento cadeynta ay ku heyso Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay ciidamada [Xasilinta] weerar ku qaadeen gurigii uu ka degenaa Muqdisho habeenkii Axada ee Isniinta soogaleysay.

 

Xeer illaalinta ayaa shalay laga diiday codsigeedii ahaa in Cabdiraxmaan Cabdishakuur xabsiga lagu siihayo 5 maalmood inta ay ka dhameystirayaan baaritaankooda.

 

Sharciga ayaa diidaya oo aan fasaxeyn in dowlada cid iska xirato iyadoo aan marka hore cadeyn u hayn danbiga uu qofkaasi galay, mana banaana in markii ay xiraan kadib baaritaan ay kiiskooda ku xoojinayaan si sharci daro ah ku dhistaan.

Garsooraha Maxkamada Darajada Kowaad ayaa diiday codsiga Xeer Illaalinta isagoo ay la yaab ku noqotay in dowladu aysan soo bandhigin shalay cadeynta ay ku heysato CC Warsame kadib xili uu dhacay Weerar ay dad ku dhinteen, dhaawacna loo geystay siyaasiga lasoo qabtay oo kamid ah xisbiga Wadajir.

 

 

Qaabka Sharciga ah ayaa ah:

A- Dacwada in laga keeno qofka ama lasoo eedeeyo.

B- In hay’adaha Danbi baarista ama Booliiska baaritaan sameeyo.

C- In natiijada baaritaanka hadii danbi lagu helo loo gudbiyo xeer illaalinta.

D- In xeer illaalinta cadeynta danbiga ay horgeyso maxkamada si loogu jaro waaran.

E- In la fuliyo waaran maxkamada oo qofka markaasi ay booliiska soo qabtaan.

 

Dhamaan nidaamkan sharciga ah ayey u muuqataa in dowlada ay dabo gedisay oo ay ka bilowday meeshii ugu danbeysay oo ah inay qofkii soo xirtay iyadoo aan marin dhamaan wadooyinkii ka horeeyey sida ka muuqatay doodii ay xeer illaalinta shalay maxkamada la hor-timid.

 

Qareenada u doodaya C/raxman C/shakuur ayaa si cilmiyeysan uga hadlay khaladaadka muuqda iyo qaabkii lagu soo xiray Siyaasigan:

 

1-Ma jirin Maxkamad xukuntay soo xirida Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakur.

 

2- Ma jirin Waaran lasiiyey Booliiska

 

3- Ciidanka soo qabtay ee Weerarka geystay ee [Xasilinta] maaha kuwii qaabilsanaa hawlaha noocaan ah, waxayna geysteen weerar aan loo baahneyn oo uu dhiig badan ku daatay.

 

Hawl-galkan ayaa lagu beegay xili habeen ah taasi oo loo sababeeyey iska caabinta illaalada oo kala garan weyday cida soo weerartay.

 

4- Xeer illaalinta oo soo bandhigi weyday cadeynmo rasmi ah oo la xariira dacwada ay kusoo oogeen ee ku sheegeen Khiyaano Qaran ama Qaran Dumis, marka laga reebo hadalada afka ay ka sheegeen.

 

5- Baaritaanka lagu sameeyey guriga siyaasiga oo aysan maxkamada xukumin, taasi oo meesha ka saareysa wax walba oo ay xeer illaalinta sheegto inay gurigaasi kasoo heshay inay la hortimaado maxkamada maadaama hawl-galkaasi sharci daro noqonayo waaran la’aan.

 

Taageerayaasha Cabdiraxman Cabdishakur oo ay ku jiraan xildhibaano shalay ku sugnaa Maxkamada ayaa hawl-galkan ku tilmaamay mid siyaasadeed oo aan nidaam sharci ah loo marin, waxaana muuqata inay adkaan doonto inay xeer illaalinta cadeyso danbiyada culus oo ay kusoo oogtay Cabdiraxmaan Cabdishakuur maadaama danbiga Qaran-dumis uu u baahan yahay cadeynmo badan oo ay adag tahay inay buuxiyaan, waxaa taasi usii dheer Qareenada siyaasiga la xiray oo heysta qodobo waaweyn oo dhiigii ku daatay hawlgalkaas dusha ka saaraya Dawlada.

 

Maxamed Jeenyo.

 

Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub.!!! (FAALLO).

Dalka Soomaaliya waxa uu soo marey marxalado kala duwan kadib qaran-jabkii dalka ku dhacay sanadkii 1991 markaas oo xukunka xoog looga tuurey Maxamed Siyaad Barre (AUN) oo xukunka inqilaab ku qabsadey sanadkii 1969, dalkana u horseeday Dowlad keli telisnimo ku dhisan.

 

Jamhaddii USC ee u hartey magaalada Muqdisho, dalka uma horseedin nabad, lamana imaan qorshe ay ka iibin karto Soomaalida inteeda kale aan ka ahayn in ay la timid wax loogu yeero aargoosi taas oo dalka dhaxalsiisey dagaalo beelo ku dhisan, oo sababtey in la difaaco Madaxweynihihii xukunka laga tuurey.

 

Dagaaladaas ayaa sababey in ay maalinba weji yeeshaan oo sarifmaan, waxaana dagaalo culus ay dhexmareen isla jamhaddii USC oo u kala jabtey laba garab, oo awooda isku qabsadey, isla USC waxaa ka dhex samaysey garab kale oo loogu yeeri jirey SNA, kaas oo isaguna u sii kala jabey laba garab oo ay kala hoggaamiyaan Cismaan Caato iyo Gen. Caydiid waxaana dagaaladaasi sababeen dilka Gen. Maxamed Faarax Caydiid.

 

Kadib jamahadda USC waxay u sarifantey ilaa 8 Jamhadood oo dhamaantood Muqdisho kuwada sugan ilaa laga gaarayo sanadkii 2000.

 

Tan iyo sanadkii 2000 Dowlad kasta oo loo dhiso Soomaaliya waxaa burburkeeda soo dadajinayey;

1- Hogaamiyayaasha la doorto oo aan la imaan Siyaasad mideysa dadka iyo dalka.

2- Madaxda oo durbaba qaada wadadii Kali-Talisnimada.

3- Dib u heshiisiintii oo lagu bedalo dagaal hor leh.

4- Dowlado shisheeye oo faro-gelin ku hayey Soomaaliya.

5- Mucaarad ka imaanaysay isla Soomaalida dhexdeeda ah oo fursad u diidey dowladda.

 

Laga soo bilaabo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000, waxaa jirey mucaarad wejiyo kala duwan lahaa, kuwaas oo mar hubeysnaa oo ahaa hoggaamiye kooxeed, mar ahaa wadaado sheeganaya in ay dalka diinta ku xukumayaan, marna ahaa siyaasiyiin aan hubeysneyn laakiin qabta shirar kala duwan.

 

Sidoo kale Dowladihii soo marey dalka ayaa lahaa mucaarad isla dhexdooda ah oo ka imaanayey baarlamaanka aan ku dhisneyn nidaamka Xisbiyada, iyo khilaafaad ka dhex aloosma Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha.

 

Waxaa taas usii dheer in hogaamiyayaasha lasoo doorto ay mar walba dhexda u galaan kooxo ay iyagu sameysteen oo talada dalka kula wareega nidaam aan sharci ahayn, Dantoodana laga hormariyo tan shacabka iyo dalka.

 

Farmaajo.

Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii u horeeyey ee xukunkiisa la kulantey mucaarad aad u xooggan, kadib markii uu Xasan Cali Kheyre u doortey Raysalwasaare, waxaana xilkan isa siiyey in laga soo magacaabi doono beelihii awooda ku lahaan jirey Muqdisho ka hor sanadkii 2007.

 

Doorashadii Farmaajo waxay ahayd lama filaan, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne xilka haya iyo Raysalwasaarihiisii oo tartanka ka wada qayb-galay, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne hore, doorashada qoyska uu ka soo jeedo ee Daarood waxaa ka digtey Dowladda Itoobiya oo markaas dano gaar ah ka lahayd in Xasan Sheekh Maxamuud markale la soo doorto.

 

Xulashadii uu doortey Xasan Cali Kheyre inkasta oo magaca guud ee beel ahaan beesha la siiyey laga yimaado, ayaa beelaha waaweyn ee awooda is bidey siyaasiyiintooda iyo weliba ganacsatadoodu noqdeen kuwo mashiiqsada oo Madaxweynaha Ganbar ugu fariista.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqdey xiddiga calanka u sida mucaaradka ka soo horjeeda Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo weliba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sameeyey dhaq-dhaqaaq xooggan oo aan hubeysneyn kaas oo ku kooban siyaasad oo kaliya [shirar iyo dhaliilo] waxaana taasi oo u baneenaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa soo baxay shaki weyn oo muujinaya in uu socdo dhaq-dhaaaq la doonaayo in xilka looga xayuubiyo Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, mayee intaas waa uu ka sii weynaadey waxaana la dooney in la helo 2/3 Xildhibaanada Baarlamaanka si Madaxweynaha xilka looga tuuro.

 

Marna ma dhicin dowladihii Soomaaliya isu soo bedalay laga soo bilaabo 2000 in la isku dayo in Madaxweynaha Mooshin laga keeno oo la isku dayo in awooda laga xayuubiyo iyada oo lala tiigsanaayo Khiyaano Qaran, waxaana jira shaki laga qabo in Mooshinkaas loo adeegsanayo dhaqaale ka yimid dalal shisheeye, sidii horey u dhici jirtay doorashooyinka Soomaalida.

 

Weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur.

Waxaa habeenkii Isniintu soo gelyeysey weerar ciidamada amnigu ku qaadeen guri la sheegay in uu ka socdey shir lagu diyaarinaayey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, waxaa hawl-galkaas ku nafwaayey shan askeri, oo ilaalo ahaa waxaa ku dhaawacmey oo xabsiga la geeyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horey u soo noqdey Xildhibaan, Wasiir iyo Musharax Madaxweyne.

 

Siyaasiga la qabtey ayaa kamid ahaa siyaasiyiin lagu tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixayaan Mooshinka aan weli soo bixin laakiin dabka saaran.

 

Tallaabadan maxay uga dhigan tahay siyaasiga la xirey? Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha / Xukuumadiisa? Iyo dhamaan cidkasta oo mucaarad ku ah Dowaladda Madaxweyne Farmaajo ama ha hubeysnaadeen ama yeysan hubeysnaanin, Xildhibaanada labada Aqal iyo Dowlada Gobaleedyada?

 

1. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur xariga loo geystey waxa uu isaga uga dhigan yahay fursad qaali ah oo la siiyey, waxaa kor u kacaya tageerada ay u hayaan kuwa isaga horey u taageersanaa ama dhaliilsanaa Dowladda, siyaasigan oo horey ay uga hari weydey magaca ah bad buu gatey ayaa la dhihi karaa xariga la xirey waxa uu u sameeyey suuq siyaasadeed uu isku deyi karo in uu damac kale ka galo hoggaanka dalka.

 

Soomaaliyada Cusub.

2. Qorshaha lagu xirey Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la aaminsan yahay in uu yahay qorshaha cusub ee Raysalwasaare Kheyre ee Soomaaliyada Cusub, kaas oo ah in la isku dayo wax cusub oo aan horey u dhici jirin, sida uu dalka Maraykanka uga dhawaaqey Kheyre lama oggolaan doono, dhex-dhexaadnimo xitaa, lamana oggolaan doono cid horjoogsata Soomaaliyada cusub oo mucaarad sheeganaysa.

 

Guuxa Khayre iyo weerarkii lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa muujineysaa isku kalsooni la’aanta xukuumada Khayre oo lugaha hadda u gelisay wixii ay ka baqayeen oo ah Kacdoonkii kasoo horjeeday oo sii xoogeysta iyo waliba iyagoo jabiyey Dastuurkii dalka ee muwaadinka u fasaxayey inuu fikirkiisa si xor ah u dhiibto, Jeclow ama Necbow waa Dastuurka dalka u yaal.

 

Meeshu Ma ahan Kuuriyada Waqooyi.

 

Tilaabadan waxay sidoo kale meesha ka saareysa fikirkii ahaa in xukuumada cusub ay tahay mid Dimuquraadi ah oo siyaasad cusub la timid maadaama ay dib ugu noqtay dhaqankii Kali-Talisnimada ee horseeday burburkii Qaranka.

 

Dowladii Militariga ayaa halheys ka dhigan jirtay in ay Aaseyso ama duugeyso “Qabiilka”, taasi oo ay shacabka ku maadeysan jireen sida ay runta uga fogtahay.

 

Hadda Xukuumada Khayre ayaa dood ka dhiganeysa Qaran dumis baan ka hortagayaa iyadoo kursi u dagaalameysa kuna tumaneysa Dastuurka dalka, waxaa mooda Qaranka la difaacayo inuu yahay Kursiga Raysalwasaaraha ee la isku heysto.

 

Dowlada waxay horey u mamnuucday:

1- Mudaharaadka (Waxay Tiri Amniga ayaa khatar galaya)
2- Xisbiyada (Waxay tiri waa soo wadnaa “Mashruuc aan Dhamaan”).

 

Dowlada Hada waxay wadaa:

1- Fikirkaaga ma dhiiban kartid
2- Mucaarid ma noqon kartid
3- Ma shiri kartid!

 

Tani waxay ummada soo xasuusineysaa hadalkii Allaha u naxariistee Faarax Gololeey ee ahaa “Afisioone aad (Villa Somalia la jir) ama Afgooye aad (Xabsi gal) ama Afkaaga heyso!”

 

Fariinta ku socota Xildhibaanada.

Weerarkii Cabdishakuur ayaa sidoo kale la oron karaa wuxuu muujinayaa in Raysalwasaaraha markuu ku guuleysan waayey soo jiidashada Xildhibaanada uu bilaabay olole lagu bartilmaameedsanayo Xildhibaanada Mucaaridka ah oo ay Xeer Illaalintu dalbatay in xasaanada lagala noqdo si loo xiro, waana khamaar kale oo siyaasadeed oo ay xagjirnimo ka muuqato.

 

Fariinta ku socota Dawlad Gobaleedka.

Weerarkii Cabdishakuur wuxuu sidoo kale fariin u dirayaa Dawlad Gobaleedyada oo ah in hadii xukuumada Khayre iyo Farmaajo ay cudud militari u helaan inaysan ka waabaneyn isticmaalka awoodaas sidii ka dhacday Cadaado.

 

Taasi oo keeni karta in Dawlada Gobaleedka ay ka cago jiidaan wadashaqeynta dhabta ah ee Federaalka taasi caqabad kale ku noqoneysa midnimada Qaranka iyo qorshayaasha hada socday sida dib u dhiska ciidamada Qaranka.

 

Maxamed Cismaan.

 

Hadalkii Donald Trump: War waa kheyre daaya.

Habeenkii ay taariikhdu ahayd 6dii bisha December 2017 markay saacadda geeska Africa ahayd sagaalkii habeenimo (21:00 PM ) ayuu Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku u aqoonsatay Magaalada Barakeysan ee Qudus Caasimada Dawlada khasabka ku haysata dhulka falastiin ee Israel, Wuxuu intaa raaciyay in Safaaradda maraykanka loo raro magaaladda Qudus.

 

Trump wuxuu cuskaday goáan soo baxay 1995 ee uu soo saaray Congresska maraykanka. Cajiib! Oo Qudus goormuu Maraykan yeeshay? Waxaa taa ka sii daran, Trump wuxuu ku andacooday in talaabadani horay u wadi doonto geedi socodka nabada ee bariga dhexe.

 

Qudus yaa leh ?

Magaalada Qudus waxay Israel qabsatay daanteeda bari 1967 kii ,dagaalkii 6da cisho ee ay carab ku jebisay.

 

Laga bilaabo 1948 dii waxaa Falastiin ku soo qulqulayay cid kasta oo sheegata diinta Yuhuuda. Haka yimaado qofkaasi Raashiya ama Itoobiya ama Poland ama Aasiyadda dhexe. Halka dadka carabta ah ee degenaa laga bara kicinayay dhulkoodii hooyo.

 

Waa cajiib in qofkasta oo sheegta diinta Yuhuudu uu xaq u leeyahay dhulka Falastiin. Taasi waxay la mid tahay anoo sheegtay magaalad barakaysan ee Maka, anoo daliishanaya in aan Muslim ahay.

 

Qaramada midoobay, iyo mujtamaca dawliga ah waxay Qudus u aqoonsanyihiin magaalo ay xoog ku haysato dawlad isticmaar ah. Caalamka oo dhan sidaa ayuu u aqoonsanayhay marka laga reebo Donald Trump iyo Yuhuudda. Tani waxay xad gudub ku tahay Sharciyada Caalamiga ah iyo Xuquuqda dadka dhulka iska leh ee reer Falastiin.

 

Dhacdadani waa mid ugub ah oo ka leexanaysa shuruucda caalamiga ah iyo garashada aadanaha ee aan marna ogolaanayn in dhul xoog lagu qabsaday loo xalaaleeyo xoogagii boobka ku hantiyay.

 

Donald Trump Ma bixin karaa Qudus?

Caddalad darrada reer galbeedka waxaa ka mid ah inaad bixiso wax aadan lahayn oo aad siiso qof aan xaq u lahayn.

 

1917 kii Balantii Balfour ayay dawladda Ingriisku u balanqaaday Yuhuuda inay helaan dhul ay leeyihiin. Waxaa la kala dooran siiyay inay qaatan seddex wadan midkood:

1) dalka Ugandha 2) Arjantiin iyo 3) Falastiin

 

Yuhuudu waxay doorteen inay qaataan Falastiin maadama ay helayaan wax ay ku mar marsoodaan oo ah in dad reer Israaiil ah ay degi jireen Falastiin waqti waqtiyada ka mida.

Donald Trump ma bixin karo xaqna uma laha inuu Qudus siiyo Yuhuud. Israelna xaq uma laha inay khasab ku joogto dhul aysan lahayn.

 

Donald Trump muxuu ka helayaa bixinta Qudus?

Trump wuxuu ku marmarsooday in uu fulinayo balanqaadkiisii uu ku galay doorashada ee ahaa inuu safaaradda maraykanka Qudus u raryo, Qudusna u aqoonsan doono caasimad Israel.

 

Hase yeeshe , waxaa muuqata inuu taageero badan kaga raadinayay jaaliyadda dhaqaalaha badan haysata ee Yuuhuuda ah, xilli taageerada Trump ay hoos u dhacayso.

 

Sida dadka ku xeel dheer arimaha siyaasadda , in badan oo ka mid ah, ay isku raaceen wax dana oo ugu jirta talaabadan dalka maraykanka ma jirto, Taa lidkeeda , khasaaro ayaa ugu jirta talaabdan khaldan.

 

Waxaa waxa lagu qosla ahayd in Trump yiri:

“Talaabadani waxay horseedaysaa in nabad waarta ka dhalato Dhulka Falastiin”

oo sidee uga dhalan kartaa , dhulkii laysku haystay haddaad Israel u aqoonsatay inay leeyihiin?

 

Maxaa Ka dhalan kara arintan?

Ma duugobo xaquu ninkii lahaa abidba daba joogo.

 

Ma doorsoomo ruuxii Illah doona taladiisa.
Duniduna ma aha maalin qura ee berra, imanin dabadeeda Shaki kuma jiro in arintani saameyn aad u qoto dheer ay ku yeelanayso Caalamka oo dhan, si gaar ah u saamayn doonto musliminnta iyo Carabta.

 

Ma fududaanayso in dadka reer falastiin lagu qanciyo in si nabada dhulka Falastin lagu soo dhiciyo, Qoraxda sideeda ayay u muuqataa in Israel ku socoto inay hesho dhul ka badan kan Falastiin oo aysan intaa ku joogsanayn. Maraykana intii u aragtay inuu wax dhex dhexaadinayo waa “Ishii buktaay ku bikaacso”
Sidaa darteed Waxaan u arkaa inay tani kheyr u tahay ummada muslimka ah oo dulmigu ku raagay.

 

Laga soo bilaabo 1924kii markii la riday khilaafadii Islaamka u dambaysay ee Suldan Cabil-Xamiid waxaa u talinayay ummada Muslimiinta ah, daba-dhilifyo reer galbeed u shaqaynay.

 

Waxaan rajaynayaa in tani noqoto kabriidkii lagu daaray dabka xoriyadda ee ummaddu u durrantay. Billowgii dhamaadka eexda iyo cadaalad darrad reer galbeedka iyo inta u shaqysa.Allow Aamin

 

Maxaa nala gudboon ?

Shucuubta muslimiinta iyo carabta Masiixiyinta ah waxaa la gudboon, ugu horayn in la garto in Maraykanka iyo Yuhuudu aanay ku dhiiran karin arin noocan oo kale ah , haddii aysan haysan xukuumadaha sharci darrada ee carabta oo runtii ah caddawga ay ummadaha leedahay.

Inta ay joogaana aan rajo laga qabi karin xornimo iyo Sharaf.

 

Markaa waa in dagaalka lagu bilaabo iyaga, Waa tan saddexaade in ay shucuubtu midoowdo arintaana ay shucuubtu khasbaan.

 

Ugu dambayna, in aysan marna joojin isu soo baxa looga hortagayo dulmiga aan xadka lahayn ee uu Trump horseeday oo haddii aan falcelis adag laga samayn, lagana noqon, noqonaysa tallabo horseedda in Madina Munwara iyana la bixiyo, madaxda Sucuudigana ka durkaan dadkii reer khaybar oo guryahoodii ku soo nqonaya.

 

Waxaa qoray: Xuseen

Salaad.dalas2@hotmail.com

 

Qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraha, looma fasiran karo tan Shacabka News.

 

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Shacabka News as a publication.

 

XASAASI: Mahad Salaad oo Fashiliyay in Shirkado Shisheeye ay qoranayaan Maleeshiyo beeleedyo & Calooshood ushaqeystayaal dilalka fuliya.

Soomaaliya oo loo qorayo maleeshiyo beeleedyo iyo calooshood-ushaqeysteyaal (mercenaries) shirkado ajnabi ah wataan!

 

8dii bishaan waxaa qoray in Qaybtii 12 April ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka mas’uulka ah amniga Banaadir iyo labada Shabeele (Shabeeleda Dhaxe iyo Shabeelada Hoose) dowlada Mareykanka ka jartay lacagtii ay siin jirtay Ciidamada Soomaaliya. 14kii bishaana waxaa qoray Reuters oo xaqiijisay arintii aan ka hadlay asbuuc kahor.

 

Sababta mushaarka looga jaray ayay noo sheegeen saraakiil ajnabi ah oo diiday inaan magacooda soo xigano in baaris ay samaysay hay’ad Mareykan ah oo la shaqaysa Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka (Pentagon) bartamahii sanadkaan (June ilaa September 2017) lagu ogaaday in mushaarkii ciidamada la lunsaday, kadibna madaxda Dowlada Soomaaliya markii lagu qabsaday ay ku warbixiyeen in Ciidamada hada jira aysan noqon karin ciidamo qaran ayna u badan yihiin hal qabiil, muhiim na ay tahay in la kala diro, lana qoro ciidamo cusub iyaga oo raacayo qorshihii Amniga ee ay kala saxiixdeen Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada 16 April 2017.

Sidoo kale waxaan warbixinteyda ku sheegay dhalinyaro hada lagu xareynayo Xarunta Kuliyadda Booliska Gen. Kaahiye ee magaalada Mogadishu oo tiradooda lagu sheegay 1000 (kun) dhalinyaro ah oo laga soo aruurshay Gobolada Dalka qaar kamid ah, qoristoodana aan loo marin hanaankii ciidan qorista, lkn ay soo aruuriyeen Xildhibaano katirsan Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo laga soo doortay Goboladaas, lana yiri waxay bilow u noqon doonaan ciidamada cusub ee Soomaaliya loo qorayo!

 

Sidoo kale deegaanada Puntland hada waxaa ku sugan Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Abdi Wali Gorad si uu usoo sharciyeeyo ciidamo laga soo aruuriyay deegaamada Puntland oo ku xareysan Saldhigii 54aad ee magaalada Garowe.

 

Sidoo kale safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Uganda 22 bishii October waxaa Madaxweynaha Uganda Yoweeri Museveni u balan qaaday Madaxweyne Farmaajo inuu siiyo ciidan dhan 5kun askari oo aan kamid noqonayn Ciidamada Amisom, lacagtooda iyo qalabkooda ay bixin doonto Dowlada Imaaraadka. Waxayna labada Madaxweyne isla garteen in maamulka iyo howlgelinta Ciidamadaas lagu wareejiyo Shirkad Mareykan oo la yiraahdo FRONTIER SERVICE GROUP xaruna ku leh Dalka Imaaraadka.

 

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Villa Soomaaliya waxay inoo xaqiijiyeen in safarkii ugu danbeeyay ee 20 November Madaxweyne Farmaajo ku tagay Dalka Imaaraadka uu heshiis qarsoodi la soo galay Erik Prince oo ah ninka madaxda ka ah shirkadaas. Prince wuxuu horay uga tirsanaan jirey ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran ee Navy Seal isagoo sidoo kale aasaase ka ahaa shirkadii la oran jiray Blackwater ee ka howl geli jirtay dalka Ciraaq. Waxaana horay loogu eedeeyay in shirkadiisu danbiyo waaweyn oo bini-adamnimada ka baxsan ka geysatay dalka Ciraaq.

 

Heshiiska Madaxweyne Farmaajo iyo Erik Prince waxa uu salka ku hayaa maamulka iyo howlgelinta ciidamada 5kun ah ee Uganda laga keeni doono iyo keenista ciidamo calooshood-ushaqeysteyaal (Mercenaries) ah oo sugi doona amniga caasimada iyo xaafiisyada dowlada.

 

Waxaa xusid mudan ciidamada ay maamulaan shirkadaha nuucaan oo kale ah waa ciidamo CALOOSHOOD-USHAQEYSTEYAAL (Mercenaries) ah oo la soo kiraysto ee ma ahan ciidamo dowlado ka yimaada, falalka ay geystaana mas’uuliyadeeda cid qaadata majirto mana jiro isla-xisaabtan iyo shuruuc caalami ah oo qabaneysa!

 

Qorshahaan lagu kala dirayo ciidamada hada jira laguna qorayo kuwa cusub iyo kuwa calooshood-ushaqeysteyaal ah (Mercenaries) ayaa soo bilowday bishii Maarso ee isla sanadkaan. Iyada oo shirar horudhac ah oo arintaan looga shaqeynayo lagu kala qabtay dalalka Kenya iyo Itoobiya, kadibna 16 April 2017 Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ku meelmariyeen shirkii gudiga Amniga Qaranka ee lagu qabtay magaalada Mogadishu.

 

Golaha shacabka ayaa go’aan kasoo saaray heshiiskaas 30 April 2017 isaga oo ku dhaliilay inuu horseed u noqon doono burburinta ciidamada qalabka sida ee hada jooga iyo qaabka cusub ee la rabo ciidamada cusub in loo qoro, lkn nasiib daro baaqaas Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarahu waa iska indha tireen, kadibna 11 May 2017 ayay shirkii London kusoo bandhigeen qorshahaas sidaas ayayna ula qaateen dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya ciidamada.

 

Waxaan dhihi karnaa waa nasiib daro weyn in madaxdii aan dooranay sidaas u dhaqmaan! Mana aqbali karno in dadkeenii intii Shabaab qarax ku dilay maahane inta kale calooshood-ushaqeystayaal ajnabi ah loo soo kireysto si loo dabar gooyo!

 

Mahadsanidiin.
Hon. Mahad Salad.

 

Xalkii Loo Helay Muranka Dakadda Boosaaso iyo Mustaqbalka – (MAQAAL).

Waxaa si weyn loo soo dhaweeyey heshiiskii ay Isimada Puntland ka gaareen murankii xanibey habsami socodka dakadda Boosaaso kadib heshiiskii P&O, dad badan oo aan ka mid ahay aniga qoraaga ah ayaa si weyn ugu farxay in dakaddu mar labaad si caadi ah dib u hawlgasho.

 

Waxay isimadu muujiyeen in ay iyagu yihiin marjaca ugu danbeeya ee furdaamiya markasta oo xaaladi cakiranto.

 

Qormadan waxan ku ee gayaa:

  • Maloo Bahnaa in Isimado murankani soo Dhexgalaan?

 

  • Maxaa Dowlada Puntland Iminka Lagudboon?

 

  • Maxaa Ganacsatada Lagudboon?

 

  • Maxaa Shacabka Puntland Lagudboon?

 

Doorka Isimada

Qofkasta oo fahamsan nuxurka iyo muga macanaha Dowlad ma jecleysaneyo inuu arko xoogag kale oo si lasiman awood mug leh ku leh aayo katalinta waddanka oo misna ka madax banaan dowlada markaa hogaanka wadanka heysa, waxaase is weydiin mudan waa noocee dowlada Puntland?.

 

Dowladda Puntland waa mid iyadu katimi hogaanka dhaqanka oo aanan ku iman rabitaanka shacabka (hal qof iyo cod), sida darteed waxa la dhihi karaa hoggaanka dhaqanka Puntland waa aabaha dowlada Puntland, markaas doorkodu waa mid marwalba taagan.

 

Maxaa La gudboon Dowlada Puntland?

Muranka dekadda iyo soo dhexgalka isimada waxay aad u muujisay kalsooni xumida shacabku ku qabo dowlada Puntland, sidoo kale waxay banaanka keentay karti la’anta, hufnaan la’aanta iyo khidad xumida dowlada.

 

Sida awgeed waxaa lagudboon iminka in wixii sixid u baahan ay dowladu latimaado qorshe lagu hagaajinaayo oo lagus axaayo, wixii hadda kadanbeyana aysan mala awaaleyn, afmisharayn arimaha masiirka u ah aayaha ummada.

 

Waa in ay fahmto waddankani inuu leeyahay dad iyaga khibrad, garaad iyo aqoonba dheer oo waxkasta ka jecel horumar Puntland.

Waxaa maamulka Cabdiweli Cali Gaas aad loogu amaanay mashruuci ugu weynaa ee kadib qaran jabkii Soomaaliya laga fuliyo oo ahaa dhismihii garoonka diyaaradaha, waddada Ceel Dahir iyo bilowgii gegida diyaradaha Garowe oo hadey dhamaato noqon doonta midda ugu muhiimsan wadanka Soomaliya.

 

Balse intaas oo horumara oo ay ku tilabsatay waxaa daah ku rogay musuqmaasuq si qaaawan banaanka uyimid sanadahan danbe.

 

Madaxda ugu sareysa waddanka ayaa hormuud kanoqday ku takrifalka dhaqalaha yar iyo raasimalka wadanka.

 

Markasta oo dadku ka muujiyaan dareen sida wax u socdaan, xalku maamulka Puntland la yimaadaa waxa uu noqdaa Agasimayaal la magacaabo, ama degmooyin qaab qabiil loo magacabo oo qeybi oo xukun kudhisan iyo safaro dibadaha lagu kala bixiyo oo macno ahaan aan dhaafsiisaneen igu sawir (photo opportunity) lahayn.

 

Maxaa la gudboon Ganacsata Puntland?

Magaca ganacsade marka lagu qeexayo Soomaali ahaan wuxuu noqdaa macne keliya, balse waxaa jira labo nooc oo uu u kala baxo oo marka afafka qalaad la isticmaalayo (investor and trader).

 

Kan hore (investor) waa maalgashade wuxuu hantidiisa geliyay waddanka, wuxuu abuuray shaqo iyo wax soo saar.

 

Wadankasta waxaa jira sharciyo khaas ah oo maalgashadaha hantidiisa lagu ilaaliyo; sida isagoo cashuur dhaaf loo sameeyo, dowlada oo wax ka amaahata ama amaahiya, madaxda waddanka oo uu ur aaco waddamada xiiriirka ganacisya lala yeelanayo si uu ganacsigiisa ugu helo xiriir dibadeed, iyadoo la mamnuuco wax kastoo lid ku ah wax soo saarkiisa in waddanka lakeeno.

 

Kan kale waa Gedisley (trader) oo nooca Somalida kubadan tahay saaxibkiisa dhow waa cashuur uruuriye (tax man), waddankasta oo nidaamka cashuurtiisu xooggantahay, hay’adaha dowliguna shaqeynayaan Waaradluhu ama Geddisleydu ma jecla waayo intabdan wuxuu gadaa wax uusan soo saarin (middle man). Si macaashkiisu (profit margin) u koro waa inuu helaa badeeco jaban (xitaa haday tayo xun tahay) iyo canshuur hooseesa.

 

Ganacsatada Soomaaliya ugu awood weyn waa Waaradle/Geddisley (traders), iyagaa leh rugta ganacsiga una hadla danaha ganacsatada.

 

Sanadahan danbe siyaasiin ayeey u xiib-siibteen, oo baarlamanka federalka mug fiican ayaa uga jirta, Aqoonta ay uleeyihiin waxa ay ka ganacsanyaan waa mid aad u kooban waxayna kamid yihiin caqabadaha waddanka haysta oo loobahanyahay in laga gudbo.

 

Haddaba madaama aduunku uu usocdo in qolo walba ay soo saarato qutul daruurigoda (food security) Soomaaliyana ay u horeyso , waxa habboon guud ahaan ganacsatadu in muhiimadooda saraan waddanka wax soo saarkiisa. Waa jiraan caqabado balse fursadaha jira ayaa badan.

 

Puntland, Boosaaso waxa ay leedahay madaarka ugu wanaagsan Somaliya laakiin nasiib darro ma jiraan diyarado icaalami ah oo isticmaala.

 

Inkastoo eeda kowaad ay leedahay maamul xumida Wasaaradda duulista Puntland hadana waxaa maqan doorkii Ganacsatada Puntland.

 

Waxan ogahay in diyaaradaha caalamiga ee isticmala madaarka Hargaisa ay lasoo heshiyeen ganacsato xiriir ganacsi (partnership) lasameysay, kuwaas oo fududeeyey caqabado badan oo ay shirkadahani kala kulmi lahayeen macamiisha iyo sharuucda waddanka.

 

Fursadaha jira oo haddii dakada labalariyo waxa kamida ah; waddanka malaha keydka Gaaska cunada (LGP tanker storage) iminka isagoo qaali ayaa waxa laga keenaa Berbara.

 

Sidoo kale waxaa maqan haamaha raashinka lagu keydiyo (Bulk cargo), Rashinka in lakeydiyo uu waddanka u baahan yahay waa kuwa quutul daruuriga sida Sonkorta, Bariiska, Burka iyo Saliida.

 

Waxaa hoos udhici lahaa sicirka cunada, wuxuuna wadanka yeelan lahaa keyd raaashin.

 

Boosaso marka laga tago wadama khaliijka, waxaa udhow Pakistan, Hindiya iyo Shiinaha oo runtii haddii ganacsigeeno iskuxirmo wax badan waddanka ka badali kara.

 

Maxaa lagudboon Shacabka Puntland?

Dad badan reer Puntland baa lagushubay in Shirkadda P&O danta heshiiska dakadda Boosaaso ay tahay sidii dakada Bossaso u curyamin laheyd si ayasan ula tartamin midda Jabal Cali ee Dubai.

 

Inta badan dadka taas ku doodaya mahayaan xog dhaafsan waa la yiri:

“Qofkii garanaya, Jabal Cali waxay kufadhisaa dhul baaxadiisu tahay 20KM. Waxaa laga dajiyaa 220 Milyan oo konteenar sanadkii, waxa kuyaal qeybta xorta ganacsiya (free trade zone) halkaas oo ay kuyaalaan warshado waa weyn iyo kuwo yar-yar”

 

Nin u dhashey dalka Hindiya oo Khudaarta Hindiya ka keena ayaan weydiiyay ganacsigiisa, wuxuu igu yiri:

“Gobolka aan ka keeno khudaarta oo 28 million oo qof ay kunool yihiin waxaa ka suuq weyn Imaaraadka, sababtuna wey ka jeeb weyntahay”

 

Marka dhaq-dhaqaaqa dakadda hadba wuxuu kuxiran yahay dadka waddanka degan awooda waxay dhoofin karaan iyo waxa ay lasoo dagi karaan.

 

Tusaale kale ayaa ah Nin ka mid ah dadka wax soosaarka ku leh Koonfurta Soomaaliya ama dhulka webiyadu maraan ayaa mid lamid ah tan ninka Hindiga ii sheegay, wuxuu yiri:

“Khudaarta sida canbaha waa ay soo dhaaftaa Xamar/Muqdisho oo waxaa lageeyaa Puntland, sababtu waa macaashka lagahelaayo ayaa weyn taas oo an u gartey dadka Puntland waa kajeeb weynyihiin dadka Koonfur kunool marka boqoleey loo eego”

 

Puntland waa meelaha oogu fursad fiican Somaliya xag ganacsi iyo maal gashi, balse in yar oo dadkeeda ayaa isku dayday in maalkooda geliyaan wax soo saar.

 

Inta badan maal-gashiga aanu sameyno wuxuu ku egyahay guryo la dhiso, guriga wanagsan oo Puntland laga dhiso wuxuu ugu yaraan kubaxda 50-60,000USD, Waxaa taas dheer iyadoo qalabka waddanka laga helo uusan tayo laheyn oo gurigii iminka aad dhistaa uu sadex sano gudaheeda uu u ekanayo mid 50 sano jira.

 

Waxaan isbar bar dhignay qalabka dhismaha laga helo Hargaysa iyo kuwa Bossaso, kuwa Bossaso ayaa 30% tayo liita waayo ganacsatada Puntland ayaa aad udoona badeecad raqiis iyo macaash aaad ubadan.

 

Waxaan ku talin lahaa lacagta guryaha la degaayo ama kirada loo rabo keliya aanu galino wax soo-saar.

 

Waddankani waxaa soo gasha lacag aad u badan oo inta badan qurba joogta wadanka soo dirto, nasiib xumo lacagtaa inteeda badan waxay ku hartaa waddamada deriska ah sida Imaaraadka, Kenya iyo Jabuuti.

 

Lacagtaa waxaa lagu soo waridaa alaabo lagu farsameeyay wadamo kale, lacagtaa adag alaabaha lagu soo iibiyo waxa ka mida biyaha lacabo iyo maandoriyaha qaadka.

 

Gunaanadkii waxan oran la ahaa garoomo diyaradaha, jidad ama dekad ladhiso hodan kunoqon meyno hadaanun wadanka maalgashi helin.

 

Axmed Xaji.

 

Waa Baahanahay Bakhtiga Looma Cuno – Trump, Soomaalida, Qudus iyo Amuusnaanta Dowlada Soomaaliyada Cusub.!

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey dowlada Maraykanka soo saartay labo go’aan oo muhiim ah oo labaduba taabanaya dalka Soomaaliya, go’aanadaasi oo aysan illaa iyo hada Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha dowlada Soomaaliya wax jawaab ah ka bixin.

 

Xayiraada Socdaalka Muwaadiniinta Soomaalida.

Maxkamada Sare ee Maraykanka ayaa todobaadkan sheegtay in la dhaqan gelin doono sharcigii lagu xayirayey socdaalka dadka imaanaya Maraykanka ee kasoo jeeda lix wadan oo Islaam ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

 

Go’aankan ayaa ah mid horey dood badan u keenay isla markaana lagu tilmaamay go’aan ka tarjumaya cadaawada hogaanka Maraykanka (Donald Trump) iyo xukuumadiisa u hayaan muslimiinta.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isagu kamid ah muwaadiniinta Soomaalida ah ee heysta sharciga Maraykanka, walow uusan arrintan ka hadlin, wuxuuse Madaxweynaha todobaadkan uu amaan kala dul dhacay Maraykanka isagoo ku amaanay mashaariicda dowladaasi ka fulineyso Soomaaliya.

 

Dhamaan wadamada xayiraada la dul saaray muwaadiniintooda ayaa jawaabo cad ka bixiyey, iyagoo qaarkoodna sheegeen inay xayiraad taas lamid ah kusoo rogi doonaan muwaadiinta Maraykanka ee dalkooda imaanaya, halka kuwa tabarta yarna ay ugu yaraan sheegeen inay ka xun yihiin in shacabkooda qaabkaas loola dhaqmo.

 

Waxaa hubaal ah in dowlada Soomaaliyeed ee xiligan tahay mid daciif ah oo ku taagan taageerada caalamiga ah balse macada waxa u diidaya inay muujiso “ugu yaraan” sida ay uga xuntahay go’aankan taabanaya muwaadiniinteeda.

 

Dowlada iyo Xukuumada hada oo la baxday “Soomaaliyada Cusub” ayaa horey u sheegtay inay muujin doonto Qaranimadooda, balse waxaa muuqata in dowladu aysan weli ku dhiiran karin inay dhaliilsho dalalka ay taageerada ka dooneyso.

Waxaana taasi tusaale u ah go’aankii Trump ee socdaalka muwaadiniinta Soomaaliya iyo waliba kiiskii kasii horeeyey ee [Qalbi Dhagax] oo ay dowladu muwaadin Soomaaliyeed si “Sharci Daro” ah ugu gacan gelisay Dowlada Itoobiya.

 

Go’aanka Qudus.

Dalka Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka Islaamka ee aan wax xiriir ah lalaheyn Israel.

 

Wadanka Soomaaliya ayaan weli aqoonsaneyn maamulka Israel taasi oo ah go’aanadii [dowladihii hore] ee Soomaaliya ay ku garab istaagayeen shacabka Falastiin.

 

Hadaba dowlada “Soomaaliyada Cusub” ayaa kamid ah dalalka Faro ku tiriska ah ee hogaamiyayashooda aan weli arrintan ka hadlin, walow ay shalay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Federaalka qoraal kooban ku sheegtay inay arrintan ka xuntahay iyo dad shacab ah mudaharaad looga soo horjeedo go’aanka Qudus ee Trump ka dhigeen magaalada Muqdisho.

 

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ayaa midna ka hadlin arrintan.

Qadiyadahan waa kuwo ka weyn qoraal kooban oo Wasaarada Arrimaha Dibada warbaahinta ku shaaciso, balse waa mid laga rabay hogaanka dalka inuu si toos ah uga hadlo.

 

Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo ah mas’ uuliyiinta ugu sareysa Dowlada Soomaaliya horey ugama xishoon walibana si deg-deg leh ayey horey tacsiyo ugu dirtay Maraykanka dilalka ka dhaca sida kii Las Vegas, balse waxaa la isweydiinayaa waxa u diiday inay ka hadlaan Qadiyada Muwaadiniintooda iyo tan magaalada barakeysan ee sadexaad ee Islaamka (Qudus)?

 

Waxay “Soomaalidii hore” ku maah-maahi jireen “…Waan Baahanahay Bakhtiga Looma Cuno!…”

 

Maxamed Jeenyo