Wax ka ogoow Cudurka Baabasiirka iyo Calaamadaha lagu yaqaan…

Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka futada. Marka xididada noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir.
Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay
saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee marinka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba.
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.

Calaamadaha:
Calaamadaha lagu yaqaano waa:

  • Cuncun agagaarka futada

  • Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo

  • Xanuun iyo raaxo daro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib

  • Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada

  • Dareen ah in si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon

Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda futada. Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu horeysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada.
Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa ee xadxatootay. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac).
Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.

Sababaha:
Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka futada. Haddii taasi kugu
dhacdo marrar xoogaa ah oo ku filan in dhibaato timaado, waxa laga yaabaa in xididada ay ka lumaan taageerada iyo badbaadinta caadiga u ahayd. Waxa loo haystaa in dadka qaarkii ay leeyihiin xidido u jilicsan dhaawaca noocaasoo kale ah. Waxay u badan tahay in taasi la
xiriirto kala duwaanta jirka dadka oo ah arrin nasiib ah.
Babaasiirtu kama timaado fadhiga lagu fariisto meel adag oo qabow, sare joogga badan ama shaqada fadhiga ah.
Xididada dhiigga celiya (arooriyeyaasha) ee futadu waxay ku darsamaan xidido ka sii weyn kuwaasoo dhiigga sii maraya beerka kuna celiya wadnaha. Qaybtaa ka tirsan habka xididada dhiig-celinta (habka arooriyeyaasha) ee waaweyn ma laha albaabo ama kalaxireyaal, waxana imanaysa in miisaanka dhan ee dhiiggu ku dhaco xididada dhiig-celinta ama arooriyeyaasha ugu hooseeya habka, kuwaasoo kala jiidma. Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenaya in cadaadisku ku kordho. Taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.

Cilad-sheegidda:
Dadka intiisa badan ee leh babaasiirta way gartaan calaamadaha lagu yaqaano. Weydii farmasiilaha la-talin, haddii aad shaki qabtidna u tag Dhakhtarkaaga.
Haddii aad qabtid dhiig-bax aan sababtiisa la garanaynin oo ka yimid malawadka ama futada, waa in Dhakhtarkaaga ku arko wakhtiga ugu dhakhasaha badan ee suurogalka ah.

Daaweynta:
Dadka intooda badan ee qaba babaasiir waxay ku tahay khafiif ah waxana lagu daaweyn karaa daawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan kuwaasoo calaamadaha la isku arkay wax ka qabta. Babaasiirtu ugu dambeynta iyadaa iska tagi doonta daawo la’aan.
Babaasiirta ka timaada uurka caadi ahaan way iska tagtaa ka dib marka ilmuhu dhasho.
Calaamadaha waxa lagu daaweyn karaa daawooyin khafiifiya xanuunka, kuwaasoo badanaa qaabkoodu yahay labeen ama boomaato ama dabo-galis (suboosto).
Corticosteroids ayaa badanaa lagu labeeyaa daawooyinka xanuun-biiye goobeed ah waxana ay waxtar leeyihiin mudo gaaban (ilaa 7 cisho). Laguma taliyo in la isticmaalo mudo dheer ama lagu isticmaalo caruurta.
Marka babaasiirtu sidaa u sii daran tahay, waxa laga yaabaa in qalitaan ama daaweyn kale ay lagama-maarmaan noqoto. Babaasiirta oo qalitaan lagu jaro waxa la yiraahdaa babaasiir-jaris (haemorrhoidectomy). Babaasiirta inteeda badan laguma daaweeyo babaasiir-jaris, sababta oo ah hab beddelaad ah oo waxtar leh ayaa jira kaasoo ah ku-xiris duub rabar ah. Marka habkan la isticmaalayo, duub rabar giigsan ayaa lagu wareejiyaa qoorta babaasiirta si dhiiggii u imanayay ka joogsado ka dibna ay u ururto. Hababka kale waxa ka mid ah ku-duris daawo keenaysa in dhiiggu xinjirobo, burburis iyadoo la isticmaalayo baraf-ka-dhigid iyo daaweyn la isticmaalayo laysar.
Babaasiir-jarista waxa la isticmaala marka ay babaasiirtu weyn tahay ayna gudaha ku jirto.
Qalitaanka hawshii waxa ka mid ah xarig giigsan oo lagu wareejiyo salka babaasiirta si loo xakameeyo dhiig-baxa iyo xagga sare oo laga jaro. Taasi waxay keenaysaa inay jiraan qaybo gidaarka mindhicirka ah oon diir lahayn waxana qarin doona xuubka gudaha ee caadiga ah (epithelium) gudaha saddex ilaa afar todobaad. Inta lagu jiro mudadaan, waxa saxarada jileec lagaga dhigaa isticmaalka waxyaabaha biyaha xejiya sida ‘methyl cellulose’.
Badanaa natiijooyinka habkaa laga helo waa kuwo fiican, kaliyana tiro yar oo ah dadka laga qalay ayaa isku arka calamaadaha babaasiirta oo soo noqda. Inta lagu jiro mudada wax yar ka dambeysa qalitaanka, waxa laga yaabaa in ragga ay dhib ku noqoto kaadidu in mudo ah
waxana laga yaabaa in saxarada xoogaa la ceshan.

Ka-hortagga:
Ma jirto hab hubaal ah oo lagu joojiyo babaasiirta, laakiin cunto leh duf ama buushe badan ayaa wax wanaagsaan ah oo lagaga bilaabo ka-hortagga. Waxa taasi yareynaysaa halista caloosha oo joogsata iyo saxarada oo dhib iyo ducasho lagu soo saaro taasoo keeni karta
babaasiir.
Talooyinka guud waa:

  • Cun khudaar iyo cagaar badan oo daray ah ama cusub (ugu yaraan shan qaybood maalin walba)

  • Iska yaree baruurta (gaar ahaan dufanka xayawaanka), cuntada sonkorta leh, cuntada aad looga sii shaqeeyay ama la warshadeeyay

  • Cun cunto badan oo ah nooca digirta (sida digirta yaryar, digirta waaweyn, iyo digirta leh miraha balbalaaran)

  • Cun wax badan oo ah cuntooyinka laga sameeyay miraha ama xabuubka kaamilka ah ama dhameystiran (sida noocyada rootiga/rootiga ee laga sameeyay xabuubka kaamilka ah, ama baasta iyo siriyaalka xabuub kaamil ah laga sameeyay)

  • Khamriga ka fogow

Waxa kale oo fiican cunto duf badan leh haddii aad imminkaba qabtid babaasiir. Waxay taasi gargaar ka geysanaysaa caloosha adag iyo inaad ka baxsatid ducashada marka aad saxaroonaysid si aan babaasiirtu kuugu sii xumaan.
Babaasiirta gudaha ee dibadda u soo baxday waa in la celiyo, haddii ay suurogal tahay, iyadoo la isticmaalayo cadaadis khafiif ah oo faraha ah. Waa in taa la sameeyo iyadoo la jiifo. Haddii babaasiirtu aanay dib u noqonin, ama ay kugu hayso dhibaatooyin ku dhibaya,
waxa laga yaabaa in loo baahan yahay daweyn.
Cuncunka iyo raaxo-darada ka timaada babaasiirta waxa lagaga nafisi karaa noocyo kala duwan oo ah dabo-galis (subooso) iyo labeen ama boomaato. Kuwaasii waa tallaabooyin lagu daaweynayo calaamadaha laakiin ma bogsiinayaan xaaladda ku haysata.

 

AKHRISO: Muxuu Yahay Xanuunka Gaaska / Gaastiriko, Calaamadaha lagu Garto iyo Waxa Sababa ???

Gaaska waa xanuun badanaa somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, waxaana keena dhowr sabab oo kala ah:

  • Daawooyinka qaarkood sida asprin-ka, antibiotics-ka qaar kamid ah iyo kuwa kalaba

    Aashitada caloosha oo badata, taasoo ay badiso gaajada muddada dheer ah ama xanuun aashitada caloosha ku badiyay.

    Aalkolo cabbid

  •  Cunnada kuwa dhanaan ama dufanka badan leh ama babaaska leh ama khamiirka leh

    Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada

    Qofka xanuunkaan qabo wuxuu dareemaa calaamad ka mid ah calaamadahaan oo kala ah:

  • Calool xanuun (bog xanuun ama caloosha oo idil khaas ahaan qeybaha kore ee bidixda ama midigta ah)

  • Dibbiro iyo daaco (aaryo caloosha ku dhex wareegata oo marmar isku taagta oo qofka u dareemo in qodxo caloosha dhexdeeda looga mudayo, qofka markuu daacsado ama dhuuso wuu nafisayaa)

  • Lalabbo ama matagid (Cuntada oo markaa aragto lalabo ku qabato khaas ahaan haddii dufan badan leedahay)

  • Kuleel iyo Kor hur (Khaas ahaan calaacalaha iyo cagaha iyo caloosha)

  • Af qallayl ama carabka oo dhabro yeesho (Waa calaamad ay badanaa ka cawdaan dadka gaaska muddada hayay)

  • Hurdo xumo (Hurdada oo qofka ka qasan, qarow iyo naxitaan hurdada dhexdeeda khaas ahaan hadduu qof kaa kiciyo)

  • Wadna garaac (Qofka wuxuu u malaynayaa inuu wadna qabad hayo markuu gaaska aad ugu kacsan yahay, wadna garaac iyo wuxuu leeyahay cadaadis feeraha ah maadaama hawada caloosha isku xirtay ay feeraha cadaadin karto).

  • Laab jeex (qofka oo cuntada uu cuno ama biyo kulul ku soo gadoomaan, oo afka ka dareemo qaraar iyo dhanaan isla socdo)

Warwareer (in miisaanka uu kaa lumayo markaa istaagtid ama jiifka aad ka soo fadhiisato, tani macnaheeda maahan in dhiig
yari ku hayso, gaaska wuu leeyahay calaamadaaan)

  • Qofka wuu wada dareemi karaa calaamadahaas mid ama labo ka mid ah, qofka hadduu gaas qabo waa in uu takhtar la xiriiraa, si loo daaweeyo, lana ogaado gaaska uu qabo nooca uu yahay.

    Nabarka gaastirikada meesha uu uur ku jirta kaga yaallo waxay ku xiran tahay qaabka uu qofka calaamadaha kor ku xusan u dareemo, haddii gaajada ama dharagta u daran tahay, haddii xanuunka uu hal meel ku eg yahay ama caloosha ku baahsan yahay ama xanuunka uu dhabarka meesha bogga ku aadan uu ka qabanayo qofka.

  • Warbixintaas waxaa wax ku dhisi krara oo ogaan kara takhtar aqoon u leh cudurrada gaaska, ee haddii calaamadahaas aad isku aragtay la xiriir takhtar.

    Xanuunka gaaska, qaar badan oo ka mid ah waxaa keena bakteeriyo loo yaqaano “Helicopacter Pylori“, hadduu qofka jeermiskaan laga helo waa in daawada gaaska loogu daraa daawo antibiotic si loo dirlo bakteeriyada gaaska ku samayso caloosha.

    Talooyin:

    Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.

    Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.

    Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, cambuulada iyo wixii gasacaysan

    iyo wixii la shiilay oo idil

    # Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharagta labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, sadaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkaan qabto).

    # Xilliga aad jiifan rabo 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxdo, taasi waa helis, haddii aad xanuunkaan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waa heli, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifan rabto, waxaad

    cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanaha waxay yareeyaan aashitada caloosha waa daawo fiican.

    Gaaska markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani maahan mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto haduu xidid caloosha ka furto oo nabarka qodo.

    Fadlan isbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socdo (waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqoto, dhiig casaan ah ma arki doontid)

    Maxaa ku badiyay cudurkaan Soomaalida?

    Waa su’aal is weydiis mudan oo u baahan in baaritaan lagu sameeyo, laakiin takhaatiirta waxay qiyaasaan badanaa waxyaabaha halista ku ah ama keeni kara xanuunkaan in aan u badan nahay.

    Tusaale ahaan, cuntada aan cunno, qaabka aan u cunno, daawooyinka sida aan u isticmaalno, stresska iyo welwelka iyo nolol xumada heysata dadkeena badankood iyo wayaabo kale oo aan weli la ogaan in ay jiri karto way dhici kartaa.

    Cilmibaarayaasha xiiseeya diraasaynta cudurkaan in ay noo faahfaahiyaan waxyaabaha ah arkeen haddii ay jiraan waan jeclaan lahayn.

    Way jiraan qoraallo la daabacay oo ku saabsan tiro ahaan inta uu saameeyo cudrkaan ama u dhinto oo badanaa qiyaas lagu dhisay, laakiin mid tafatiran oo wax lagu dhisi karo maahan, tusaale ahaan waxay sheegtay in 100,000-kii kun oo qof in 5 qof ay u dhintaa cudurka gaaska!!!.

    Intii xanuunsan allaha ka caafiyo…

AKHRISO: Waxna ka Baro Waa Maxay Xanuunka Cagaarshowga, Maxaase Keena?

Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus).
Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga.
Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto
dheer.
Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka.

Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B?
Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya
cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.

Ma Halis baa?
Haa wuu noqon kara, Hal ka mid ah tobankii qof ee qaangaara ee qaada cagaarshowga B awoodi kari maayo inuu ka bogsado jeermiska
dhaliya cudurka. Xaga dhalaanka yar yar wuxuu noqon kartaa in ka badan tobankiiba sideed. Dadkani qaangaarka ah iyo dhalaankaba
waxaa loo yaqaanaa “sidayaasha” Sidayaasha waxa la moodi karaa iney caafimaad qabaan, Laakiin qaar ka mida ayuu mustaqbalka uu ku
soo bixi doonaa beer xanuun halis ah. Waxaa kale oo aad u fudud iney qabadsiiyaan cagaarshowga B dadka kale madaama uu cudurku hayo iyaga.


Sidee Ayaad u Qaadi Kareysaa Cagaarshowga B?
Ayadoo si toos ah loo taabto dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qaba. Waxyaabaha ugu muhiimsani waa kuwan:
1- In lala galmoodo qof uu jirkiisa ku jiro cudur dhaliyaha cagaarshowga B.
2- In lagu dhasho oo ay hooyadu qabtey oo uu ku jirey jirkeeda jeermiska cudurka dhaliyaa.
3- Iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo
4- Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
5- In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jeexan qof qaba cudurka
6- Alaabta guriga oo la wadaago sida cadeyga ama gar-xiirta
Inkasta oo uu u faafo sida jeermiska aydhiska oo kale, ka cagaarshoga B ayaa 100 jeer ka is qabadsiin fudud. Tani macheheedu waa dadka ku wada nool guri hadii mid ka mid ahi uu qabo cagaarshowga B Laga yaabaa in inta kalena ay qaadaan.

Maxay yihiin Calaamadihiisu?
Dadka qaar ma muujiyaan wax calaamad ah habayaraatee.
Calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa raaca:
1- xanuun yar oo sida lafo-garaaca ah oo mudo gaaban ku eg
2- iyadoo la dareemo xanuun iyo daal
3- matag iyo shuban
4- miisaankaaga oo is dhimo
5- is xoqid badan
6- jooniska (indhaho caseeye)
7- midabka saxarada oo khafiif noqota iyo kaadida oo madoobaata.

Baaritaanka Cagaarshowga B
Hadii lagaa baaraayo cagaarshowga B, dhiig tijaabo ah ayaa lagaa qaadaa oo la soo baaraa. Baaristu waxay sheegi doontaa hadii aad:
1- inuu ku hayo hada cagaarshowga B
2- Inuu hore kuu hayey cagaarshowga B ama aad si buuxda uga bogsatey (iyo in aanad dib u qaadi doonin mar labaad)

Maxaa la isku baaraa?
1- Hadii aad tahay side waad qaadi kartaa talaabo aad kaga hor tageysid si aanad u qabadsiin dadka kale.
2- Hadii aad tahay xaamilo tahayna side cagaarshowga B, ilmahaaga waa laga badbaadin karaa iyadoo la talaalayo isla marka uu dhasho
3- Ka warqabida inaad qabto cagarshowga B micneheedu waa inaad heli karto daawo kasta ood u baahan tahay.

Ma suurto gal baa in daawo la helo?
Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin cagaarshowga B. Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal’
jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa
dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan cagaarshowga B aan la daweyn Karin qaar
ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.

Talaal ma jiraa?
Haa, talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B. Qof walba oo u maleeya inuu halis u
saran yahay qaaditaanka cagaarshowga B waa uu is talaali karaa.
Waxaa ka mid noqon kara seyga, haweeneyda, laba isku galmootey iyo dhalaan hada dhashey oo ay dhaleen dad qabey ama ah sidayaasha cagaarshowga B.
Talaalka cagaarshowga B wuxuu ka kooban yahay sadex cirbadood waxaana waajib ah inaad wada qaadato si aad uga badbaado cudur
dhaliyaha mudo dheer.

AKHRISO: Dhibaatooyinka Lasoo Darsa Hooyada Uurka Leh..

Inta aad uurka leedahay, waxa laga yaabaa inaad yeelatid xoogaa ah dhib iyo raaxo-daro hadba marka jirkaagu is beddelo. Isku day talaabooyinkan aasaasiga ah oo la hadal dhakhtarkaaga ama kalkaalisada si aad u heshid talo dheeraad ah. Ha isticmaalin wax ah dawooyinka la iska iibsan karo warqad dhakhtar la’aan ama dhir/geedo adiga oo aan marka hore la hadlin dhakhtarkaaga.

Waxaan qormadaan uga hadli doonaa dhibaatooyinka ugu caansan ee la soo dersa haweenada uurka leh waxaan ka mid ah:

  • Walac (Morning Sickness)

  • Daal (Fatigue)

  • Hurdada oo dhib ah (Trouble Sleeping)

  • Cirib dhiigid (Bleeding Gums)

  • San cabur iyo san-goror (Epistaxis & Nose stuffiness)

  • Danqasho naaska ah (Tender Breast)

  • Laabjeex (Hearburn)

  • Bararka gacmaha iyo cagaha (Swelling of Hands and Feet)

  • Kaadi badni (Polyurea)

  • Calool-adag ama Shuban (Constipation or Diarrhea)

  • Baabasiir/Bawaasiir (Hemorrhoids)

  • Dhabar-xanuun (Back pain)

  • Maroojis Lugta ah (Leg Cramps)

  • Xidido Dhiig oo Bararsan (Varicose Veins)

  • Dheecaan siilka ah (Vaginal Discharge)

  • Madax-xanuun (Headache)

  • Hergab/Ifilo (Cold/Flu)

  • Xanuun Caloosha ah ama Qabashooyin (Abdominal Pain or Contractions)

  • Dawakhmid (Dizziness)

  • Xiriirka galmada (Sexual relations)

  • Isbeddelada Niyada ama Fikirka (Changes in Mood or Thinking)

  • Jamasho cunto (Food Cravings)

  • Maqaarka, Timaha iyo Cidiyaha (Skin, Hair and Nails)

AKHRISO: Xulbadu ma leedahay faaido caafimaaad ?

Xulbadu waa geed daaweed faaido badan u leh biniaadanka, xulbadu waxaa ka buuxa borotiin iyo maadada loo yaqaanno Fosfoor, waxayna faaidadeeda nafaqo u dhigantaa beerka nibiriga maadaama boqolkii garamba ay ku jirto 4400 milligram oo borotiin.

100-kii garaam ee xulbo ah waxaa ku jirta nafaqo ahaan:
1- 6000 Milligram oo carbohydrate ah
2- 4400 Milligram oo borotiin ah
3- 900 Milligram oo dufan ah
4- 395 Milligram oo calcium ah
5- 51 Milligram oo foosforas ah
6- 1.93 Milligram oo bir ah
7- Energy u dhigmo 49 Kilocalorie

Xulbadu markii la kariyo waxay faaido u leedahay nafaqaynta iyo in ay wax cayiliso.

Markii la karkariyo waxaa loo cabi karaa calool xanuunka iyo feero xanuunka.

Waxaa kaloo faaido fiican u leedahay gabnaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.

Markii la rabo in ay cunnada furto, 30 gram oo xulbo ah ayaa waxaa lagu daraa 1 litir oo biyo karkarsan waxaana la cabaa cunnada nus saac ka hor si ay cunnada uga caawiso xagga shiidka iyo ka faaideysiga jirka.

Haddii saliid laga dhigo faaidadeeda waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado.

Waxaa kaloo lagu daaweeyaa nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo, waxaa kaloo daawo u tahay calool adeegga iyo babaasiirta.

Haddii lagu luqluqdo waxuu daaweeyaa qumanka, haddii la isku huuriyane wuxuu yareeyaa qufaca siyaadada ah.

F.G: Haddii aad leedahay uur, ha qaadanin xulbada waxay saameyn kartaa korriinka maskaxee ee uur jiirka, sonkortaada way ridi kartaa, minkane way maroojin kartaa oo foosha ayay soo dadajisaa
Haddii aad doonayso in aan kaaga warbixinno faaidada caafimaad dhir daaweed ee aad xiisaynayso, fadlan nala soo xiriir..