Qiso yaab leh: Nin xoogiisa ku dhisaya masaajid Jaamac ah.

Abaara 2010kii ayaa Macalin Cabdikariin Cabdiraxmaan Xasan oo dadka qaar u yaqaanaan Muxiyadiin waxa uu magaalada  Galkacyo ka iibiyay dhul dhan 20m x 40m oo la mid ah 800 M2, abaara 10 sano kahor.

Duco aan ku ducaysto ayaa igu dhalisay in waxa aan doonayay wax ka weyn ilaahay ila doonayo, marka

Laba sano kadib markii uu dhulka iibiyay ayuu helay riyo lagu amrayo in uu masaajidka mixraabkiisa jeexo, kadibna waxaa ku dhalatay in uu iibsado bir uu ku qodo dhoobada dhagaxana ku jabiyo, wuxuu sidoo kale dajiyay naqshada masaajidka iyo qaybaha uu ka koobnaan doono HAI, wuxuuna jeexay naqshadii qaybahaasi yeelan lahaayeen.

Qaybta 1aad: masjidka raga 20 x 10

Qaybta 2aad: masjidka dumarka 10 x 10

Qaybta 3aad: Madarasada quraanka: 3 qol

Qaybta 4aad: hoolka cilmiga lag barto

Qaybta 5aad: Guriga imaamka iyo martida masaajidka

Qaybta 6aad: Waysada

Qaybta 7aad: suuliyada oo isugu jira

Suuliyaasha raga 4 suuli

Suuliyadda haweenka 2 suuli

Habeenkii ayuu bilaabay inuu dhagaxa iyo dhoobada jabiyo maalinkiina inuu jeexo aasaaskii masaajidka.

“ilaahay ayaa qalbiga ii waasiciyay, waxaana fahmay in shaqadani tahay mid ka wanaagsan mid ilaahay igu galaday oo ka wanaagsan waxyaabihii aan anigu dalbayay, waxaan dalbay in aan helo dad khayrkan ila qaybsada baytka ilaahayna ila dhisa waxaana sameeyay khasnad bir ah oo aan dhex dhigay suuqa, alxamdulilaah wixii ka soo baxay waxay ii buuxiyeen badeeladii, iyo qalabyo yaryar oo aan u baahnaa mase noqon mid keenta wax ka badan boqol doolar” ayuu yiri Cabdiraxmaan oo ka waramayay xaaladihii uu soo maray

Macalin Cabdiraxmaan waxa uu qaatay qorshe buuxa oo isku tashi ah, wakhtigiisana waxa uu ku koobay khidmadda dhismaha masaajidka, dhagaxa ayuu jabiyaa, dhoobada ayuu qodaa, marka uu aasku madoobaadana waxa uu bilaabaa inuu soo daabulo dhoobadii iyo dhagixii uu maanta diyaariyay, markii hore wuxuu ku bilaabay dusha inuu ku soo guro, markii danbase wuxuu fahmay in Gaari gacan kiradiisa bisha laga sugayo uu ku soo daldasho agabkiisa, kiradaas oo uu ku bixin jiray labaatan doolar oo bishiiba uu mar ka heli jiray dhakhtar ay saaxiibo yihiin oo haatan jaamacad ka dhiga magaalada Hargeysa.

Aroortii ayuu Macalin Cabdiraxmaan Bilaabaa inuu raadiyo nolol maalmeedkiisa, hadii uu wax dhaafsan calooshiisa Alle ku irsaaqana wuxuu horay u kaxaystaa fuundi dhismaha yaqaan, kaasoo marna inta uu joornaatigu u gooyo dhismaha kala la dhisa marka kalana u noqda macalin uu kaga daydo farsamada dhismaha,

Intaas waxaa u dheer Macalin Cabdiraxmaan waa xaafid quraanka illaahay qalbigiisa lagu daabacay quraanka, sidoo kalana wuxuu aad wax uga yaqaan Asmaa’ul xusnaha iyo xiriirka kala dhexeeya quraanka.

Wuxuu bogcadda masaajidka ku dhex akhriyaa Quraanka inta badan xilliyada firaaqada ah.

Shan sano kadib, aasaaskii masaajidka dhamaan waa dhisan yahay, wajiga horana wuxuu dhisan yahay in hal mitir ka badan, qaybuhu dhamaan waa kala googo’an yihiin, dhoobo badan ayaa dhex taal, qaar ka mid ah dhoobaduna waxay u qaabaysan yihiin in la qooyo.

Lawrar dhagax ah oo uu gacantiisa ku jabiyay ayaa u yaal meel ka baxsan magaaladda, wuxuuna rajaynayaa in Illaahay u soo diri doono kuwo uu khayr la doonay oo la qaybsada dhamaystirka ceelkan dheemanka ka qaalisan ee illaahay ku Qahray isagu inuu bilaabo.

Waa arrin la yaab leh in qof kaligiis ah oo aan wax hanti ah haysan cid uu isku halaynayo oo Alle ka soo hartayna aysan jirin inuu isu xilqaamo dhisme xarun intaas le’eg oo illaahay dartiis loo unkay, dhididkiisa iyo xoogiisana inuu ku hirgaliyo ayaa ka go’an, taasoo aad dareemi karto marka aad aragto xarunta masaajidka loo asteeyay iyo xooga galay.

Haddaba, ma laga yaabaa in qormadani ay noqoto mid albaabada u furta dad daacad ah oo Alle khayr weyn la doonay oo Gargaar iyo garab istaag wanaagsan u noqda Macalin Cabdiraxmaan kana caawiya dhismaha iyo dhamaystirka masaajidka Al-fataax.

Shabakadda warbaahinta ee ———– waxay go’aansatay in ay noqoto talafishinkii ugu horeeyay ee si mutadawacnimo ah u baahiya juhdiga Macalin Cabdiraxmaan waxaanan Alle ka filaynaa in soo gudbintani noqoto mid gudata hadafkii lagga lahaa isla markaana farxad galisa adiga iyo daawadayaasha ama dhagaystayaasha kale  ee Illaahay khayrkan inay ka faa’iidaystaan la doonay.

Iyo in faa’iidada danbe noqoto mid abaal marintteeda ay haleelaan bahda warbaahinta ka qayb qaadatay fidinta barnaamijkan iyo dhamaystirka dhismaha Masaajidka Al-fataax mudane iyo marwaba.

Waxaa cad in qorshaha macalinku yahay mid ka mid kuwa ugu hufan sadaqo jaariyooyinka wan wanaagsan ee sabankan ina soo maray laga filayo in ka qayb galkiisa lagu helo wax ka badan waxkasta oo maskaxdeena ku soo dhici kara.

Walaal Kala Xariir Tell:00252906109536 ama Hormud: 00252617947215

Madaxweyne dhaxalkaaga u Tur (FAALLO).

Maalinti Isniinta waxay ku beegneyd Sideedii Janaayo, waxay ahayd afar sano guuradii doorashadii Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Cali Gaas.

 

Sideeda Janaayo waxay noqotey maalin ka duwan maalmaha kale, saddex jeer oo taariikhdu tahay 8, Janaayo waxaa Puntland ka dhacay doorasho Madaxweyne, waxaana is-bedalay afar Madaxweyne oo Puntland soo marey, taas oo ku dhacdey si nabad-gelyo iyo dimoqraadiyad ah.

 

Mar kale 8, Janaayo waxay noqotey maalin ay xusaan labadii Madaxweyne ee u danbeeyey ee Puntland soo mara, ma ahan maalin Qaran, ama maalin kamid ah maalmaha fasaxa ee dastuuriga ah, laakiin dhaxalkii aan ka soo gaarney Hantidwadaagii cilmeyeysnaa ayaa sababey in Madaxweyne xuso oo u dabaaldego maalintii guusha uu gaarey, ama uu la wareegay talada dalka inkasta oo maamulku ku tilmaamo maalin ay soo bandhigaan wax qabadkoodi, waxaase dadku is weydiyana waxa 8, Janaayo loogu beego iyada oo la sameeyo bandhig faneedyo iyo caweys xili danbe dhaca.

Si kastaba 8, Janaayo ee 2018 waa xuskii iyo bandhigii u danbeeyey ee maamulka Dr. Cabdiweli Cali Gaas, waxaana loo diyaar garoobayaa doorashada Madaxweynaha Puntland ee dhacaysa 8 Janaayo 2019.

 

Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu bulshada Puntland u ballan qaadey afar sano ka hor in uu wax ka qaban dono.

  • Adkeynta Amniga iyo dhismaha ciidanka.

 

  • Kobcinta dhaqaalaha iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha

 

  • Dib u habeynta caddaaladda.

 

  • Hagaajinta nidaamka dowliga ah iyo hirgelinta barnaamijka Dimoqraadiyadda.

 

Maxaa lagu xasuusan doonaa Cabdiweli Cali Gaas?

Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas waxa uu ku guuleystey afartii sano ee la so dhaafey in uu Puntland ka hirgeliyo mashaariic aad u waaweyn oo qayb ka qaadan kara hormarinta dhaqaalaha.

 

Madaxweynaha Puntland waxa uu xilka la wareegay iyada oo ay kala go’an tahay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garoowe kadib markii bishii Diseembar 2013 biyo xoggan ay gooyeen halka loo yaqaan Buundada Midigar oo astaan u noqotey halkudhigii Madaxweynaha ee ahaa “isku-tashi” taas oo ahayd mashruucii u horeyey ee shacabka Puntland iyo maamulkooda oo iskaashanaya ay fuliyaan.

Dr. Cabdiweli Cali Gaas waxa uu nasiib u yeeshay muddo laba sano ah gudaheed in uu xariga ka jaro laba garoon oo caalami ah kaas oo ay ka soo degeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha hadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo labaduba ay ka qayb-qaateen munaasabadii furitaanka.

 

Waxyaabaha kale ee Madaxweynaha sida weyn loogu xusuusan dono waxaa kamid ah, waddada isku xiri donta Gobolada bari iyo Sanaag ee ka bilaamada Ceel Daahir (Ex-Ceel-Dofaar) taas oo muddo dheer qorsheheedu soo socdey, waxaana ay noqotey mashruuc kale oo kamid ah noqda hal-kudhigga Madaxweynha ee ahaa “isku tashi”.

 

Afartii sano ee u danbeysey waxaa horumar weyn ku tallaabsadey qaar kamid ah magaalooyinka Puntland oo ay u horeyso caasimaddu, waxaana bilowdey kacaanka dhismayaasha waaweyn, Hoteelada sida casriga ah loo dhisey, waxaa magaalooyinka qaarkood ka faa’ideysteen barnaamijyada hormarineed waxaana Madaxweynuhu xariga ka jarey waddooyin aad u badan oo laami ah oo dhex mara magaalooyinka qaarkood.

 

Inkasta oo baahida biyuhu taagan tahay markasta nolosha bini’aadamkuna ku xiran tahay biyaha ayaa Puntland laga qodey ceelal biyood ku dhaw 100 ceel afartii sano ee u danbeysey iyada oo maamulku ka faa’ideysanayo mashaariicda hormarineed ee saaxiibada Soomaaliya ku deeqeen, waxaa jira mashaariic kale oo badan oo maamulku taabo geliyey oo ay ka mid tahay dhisamayaasha waaweyn ee Wasaaradaha isugu tegey Waqooyiga Caasimadda ama halka loo yaqaan Buurta Dawladda.

 

Muxuu ku fashilmey Dr. Cabdiweli Cali Gaas?

Siyaasi kasta waxa uu lee yahay himiloyin, barnaamijyo iyo isbeddel uu ka iibiyo shacabkiisa marka uu xilka u tartamaayo, shaki kuma jiro in Madaxweynaha Puntland uu ku fashilmey taabo gelinta qaar kamid ah himilooyinkii uu ballan qaadey.

 

Ugu horeyn afartii sano ee u danbeysey ma jirto wax Puntland u hagaagsaneyd oo hadda halaysantey, waxaase la dhihi karaa wax badan oo ka haleysnaa ama aan u hagaagsaneyn markii horeba ayaa sii xumaadey, wax badan oo la doonaayey in la hagaajiyona waxba lagama qaban.

 

Si guud Puntland waa meel amni ah oo aysan ka jirin dhibaato amni-darro weyn, oo caqabad ku noqon kara isu socodka iyo ganacsiga.

 

Puntland wa gabal ama qayb ku taala Soomaaliya oo ah dal ka soo kabanaya dagaalo sokeeye iyo kuwo fikir iyo danno gaar ahaaneed ku dhisan.

 

Afartii sano ee la soo dhaafey shacabka Puntland waxay arki waayeen himiladii, ballanqaadkii iyo rajo-gelintii Madaxweynaha ee ilaalinta xuduudaha Galbeed, dib u habeynta ciidamada daraawiishta iyo tayteyntooda, halka ay u abaabulan yihiin ciidamo wata magacyada taliyaaashooda qaarkoodna la dhihi karo nidaam beleed oo kale ayey u abaaabulan yihiin.

 

Waxaa dalka ka dhacay sicir barar saameyn ku yeeshay nolosha daruuriga ah taas oo dowladdu ay xakameyn weydey ama la dhihi karo qayb ayey ka ahayd, markii ay soo daabacdey lacag Soomaali saameyn ku yeelatey Puntland iyo bartamaha Soomaaliya.

 

Sidoo kale waxaa hoos u dhac weyn ku yimid doorka Puntland ee siyaasadda heer Federaal iyo la xisaabtanka Dowladda federaalka oo la aaminsan yahay in wax badan Puntland uga maqan yihiin.

 

Inkasta oo la-dagaalanka iyo joojinta musuq-maasuqu uu yahay wax ay adag tahay in Soomaaliya laga hirgeliyo maadaama uu dadka ka galay xididada dhigga qaada ayaa ladhihi karaa Madaxweynaha Puntland iskuma deyin yareynta iyo hoos u dhigadda musuqa, waxaana uu gaarey heer musuqmaasuqa iyo laalushku ay banaanka u soo baxaan saameyna ku yeeshaan,heshiisyada, qandaraasyada, maalgashiga iyo sinaanta shaqaaleysiinta.

 

Inkasta oo aan marna la diraaseyn qaabka looga baxayo nidaamka Puntland ay ku soo xulato Xildhibaanada goloyaasha deegaanka, Xildhibaanada Golaha Wakiilada, iyo weliba Doorashada Madaxweynaha, ayaa la dhihi karaa ballan qaadkii Madaxweynaha ee ahaa “hal qof iyo hal cod”, in uu Puntland ka hirgalinayo ka hor 2019 fashil ayuu ku socdaa marka la eego wakhtiga u harsan, Madaxweynaha Puntland isaga ayaa isku xirey guusha maamulkiisa iyo hirgelinta nidaamka xisbiyada waxaana uu hirgelintooda iyo fashilka hirgelintooda calaamad uga dhigey guushiisa iyo guuldaradiisa.

 

Haddaba Ha noqon Heeryadiis cune!

Waxaa hubaal ah in Madaxweynaha Puntland ee hadda Dr. Cabdiweli Cali Gaas uu qabtey mashaariic badan oo hormarineed, noqdeyna Madaxweynihii u horeeyey ee laba sano gudaheed ku furay laba garoon oo caalami ah oo noqon kara albaabka hormarka mustaqbalka Puntland, ayaa la is weydiin sida uu ku ilaalin karo dhaxalkii uu Puntland u horseeday ama uga tegaayo.

 

Madaxweyne kasta waxaa bersadiisa buuxiya ama qabsada dhegtiisa kooxo dano kala duwan leh, “Danley dhaqaale siyaasadeed” kuwaas oo marka xilku dhamaad yahay daruuro madow ay dul hogtaan oo isku daya in ay Madaxweynaha siiyaan talooyin gurracan oo ku dhisan danahooda shakhsiyadeed, waxaana ay tusaale u soo qaataan mashaariicda qabyada ah ee socota, sidii ay u sii socon lahayd, waxay Madaxeynaha ku maaweeliyaan been iyo khiyaali iyo warar aan xaqiiqo ku dhisneyn, waxaana ay u durbaan tumaan waxbaa qabyo inaka ah ee Madaxweynaha mudada haloogu daro.

 

Madaxweynaha waxaa loo doortey in uu shaqeeyo, waa adeege shacab, waxaa loo doortey in uu wax qabto, waxa uu qabtey waa wixii laga sugaayey, wixii ka haleysmeyna waa lagulaxisaabtami, waxaana lagu doortey dastuur iyo sharci dalka u degsan.

 

Haddaba Madaxweynaha Puntland waxaa la gudboon in uu difaacdo dhaxalkii uu dalkan uga tegay, oo aanu noqon heeryadiis cune.

 

Waxaa la gudboon in uu galo doorasho xalaal ah isku dayo in uu noqdo Madaxweynihii u horeeyey ee dib loo doorto abid inta uu xilka mar labaad u tartamey gudaha Soomaaliya, ama xafiiska baneeya sida kuwii ka horeeyey ee guuldaradu raacdey xilkana ku wareejiyey si sharaf leh.

 

I. Haji Said.

 

Maxbuus laga keenay Seychelles oo Xabsiga Hargeisa ugu Dhintay Daryeel Caafimaad La’aan.

Sida uu ku waramayo Cabdi Fitaax Axmed Cabdulle oo ka tirsan maxabiista ay dhibanaha geeriyooday iskala yimaadeen jaziiradda Seychelles, waxaa uu ugu horeyn ka hadlayaa sida wax u dhaceen:

“Waxaan ka mid ahay dhallinyaro maxaabiis ah oo ku jirta xabsiga dhexe ee Hargeysa waxaana nagala-keenay meel la yiraahdo  jasiirada Seychelles  oo nagula eedeeyay inaan nahay burcad badeed, muddo dheer ayaan halkaasi ku xirneyn”

 

Cabdi Fitaax Axmed Cabdulle oo sii hadlaya waxaa uu yiri:

“Dhallinyaradeedna waxaan aheyn 21 qof,  waxaanna ka soo jeednaa deegaannada Galmudug gaar ahaan Ceeldheer, Ceelbuur, Dhuusa-mareeb, Cadaado iyo Galkacyo,  marka ninka dhintay waxaa uu ahaa dhallinyarada aan wada soconay marka muddo waa uu xanuunsanaa saddex sano xanuunkaan waa uu ku jiray,  xanuunkana markii hore waxaa uu ka raacay jirdil ay u geysteen askarta ka bacdii waa uu qufici jiray,  quficii ayaa ku xumaaday bilihii u dambeeyay ayuu ku zaa’iday markii dambe waxaa uu bilaabay inuu dhiig matago”

 

Mar aan weydiiney sida in ay helaan daryeel caafimaad waxaa uu ku jawaabay:

“Maya, meeshu caafimaad malahan waxaa la isa siiyaa kaniiniga baristamoolka,  oo qandho jabiyaha ah ayaa la siiyaa qofka haduu Tifow iyo malaariyo xitaa uu qabo, shalay markuu naf bixi rabay ayey qaadeen dhaqtar ayey geeyeen markii meeshii ay geeyeen wuu dhintay”

 

Ugu dambeyntii, waxaa uu sheegay in haddii gargaar caafimaad jiro aanu sidaa u dhimateen:

“Wax gargaar ah ma jiraan gargaar haduu jiro caafimaad darro qof uma dhinteen geeridu waa xaq waa lawada dhimanayaa balse silica iyo daruufta oo uu qof la daalo dhacayo muddo saddex sano ah oo aan jirin ehel u dhow oo daaweeyo waad dareemi kartaa xanuunka ay leedahay”.

 

Ma aha markii ugu horreysay oo xabsiga dhexe ee Hargeisa ay maxaabiis ugu dhintaab daryeel la’aan xagga caafikaadka ah.

 

Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Shacabka oo deeq Lacageed Gaarsiiyay Caruur isugu jirta Agoon iyo danyar- (SAWIRO)

Ilaa 48-qoys oo danyar ah ayaa ka faa’ideystay deeq lacageed oo uu dadkaasi ugu tala galay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdala Cawad oo deeqdaasi u wakiishay Hay’adda Towfiiq Foundation oo ka mid ah hay’adaha ka shaqeeya daryeelka bulshada iyo kaalmeynta dadka tabarta yar

 

Goobta deeqdan lacagta ah lagu qeybinayay ayaa waxaa ku sugnaa Caruur Agoon ah oo uu gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ka bixiyo qarashaadka waxbarashada iyo eheladooda,waxaana qaar ka mid ah dadkii deeqdan ka faa’ideysaatay ay gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka uga mahad celiyeen deeqdan iyo sida uu caruurtan u taageero,waxayna ka codsadeen in uu sii laba laabo.

 

Maxamed Maxamud Barre oo ku hadlayay magaca hay’adda Towqiif Foundation oo ka wakiil aheyd  gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in deeqdan ay u qeybiyeen sidii loogu tala galay.

 

Maraykanka oo Dowladda Soomaaliya ugu Deeqay Lix Gaari oo Nooca aan Xabadda karin ah (SAWIRO).

Mudane Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliyaayaa ayaa ka guddoomay Waaxda Arriamah Dibadda Mareykanka 6 gaari oo nooca aan xabadda Karin ah, kuwaasi oo loogu tala galay in lagu qabto howlaha Wasaaradda.

 

Xaflad kooban oo uu Wasiirku ku guddoomayey gaadiidka ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashandhiga, taasi oo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ay ka guddoomeen 6 gaari, isla markanaa lagu qaban doono oo kaliya howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda.

 

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidka ay Dowladda Mareykanku ugu tala gashay in lagu kaabo Wasaaradda Difaaca Soomaaliya, si ay ugu qabato adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

 

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay weerarkii Somaliland ku soo qaaday Tukaraq.

Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas Maxaweynaha Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii Maamulka Somaliland ku soo qaadeen Tukaraq, kadib markii uu shir jaraa’id uu ku qabtay xarunta Madaxtooyada.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Maamulka Somaliland ay weerarkaasi ku soo beegeen xili Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Magaalada Garowe, taasi uu ku tilmaamay in carqalad ku tahay geeddi socodka nabadda.

Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland garab iyo gaashan u tahay maleeshiyada Shabaab iyo Daacish.

 

“…Sidaa la socotaan Puntland waxay dagaal kula jirtaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, weerarkii Maamulka Hargeysa waxa uu gaashaan u yahay argagixisada…”

Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Maxamad Cali Gaas ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, wuxuuna Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya u diray fariin ahayd wixii ka dhasha weerarka Somaliland ay mas’uuliyadeeda qaadayo maamulkaasi.

 

Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ugu dambeen ku tilmaamay weerarkii Somaliland ku soo qaaday Tukaraq faro gelin qaawan oo lagu hayo xuduudaha Puntland isla markaana aysan u dul qaadan doonin daan-daansi ka dhan ah nabad gelyada iyo xasiloonida Puntland.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ardayda wax ka barata Jaamacadaha ku yaala Puntland- (SAWIRO).

Madaxweynaha Soomaaliya Mudan e maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe kula kulmay boqollaal arday ah oo wax ka barta Jamaacadaha ku yaala magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

 

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, xubno ka tirsan labada gole ee Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, saraakiisha Madaxtooyada Puntland, Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si’ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa Jiilka hada talada haya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ay muujiyeen dadaal iyo sabar badan, una soo dhabar adaygeen duruufo waxbarasho oo aad u adag, haatanna looga baahanyahay in ay shaqada ka soo bilaabaan asaaska si ay khibrad iyo waayo aragnimo u yeeshaan.

 

Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigaliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay u tashadaan sidii dalkooda ay u dhisan lahaayeen, ugana shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka.

 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in ay Dowladdu soo nooleynayso kaalinta culimada iyo odayaasha dhaqanka ay ku leeyihiin dowlad dhisidda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha ayaa adkeeyay in ay nabaddu asaas u tahay horumarka, loona baahanyahay in markasta laga shaqeeyo oo la ilaaliyo. Waxa uu intaas ku daray Madaxweynaha in isfahamka odayaasha dhaqanka, culimada iyo siyaasiyiinta uu asaas u yahay nabadda iyo dib-uheshiisiinta dalka.

 

Markii ay soo idlaatay munaasabaddani ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas waxa ay soo kormeereen Isbitaalka Guud ee magaalada Garoowe iyaga oo warbixin ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaalka.

 

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu guryaha ay ka deggenyihiin magaalada Garoowe ku booqday Islaan Ciise Islaan Maxamed, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay Puntland waxa uu kulamo wadatashi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxa ay soo kormeereen isbataalka guud ee magaalada Garoowe waxayna halkaas kula kulameen hawl-wadeenada isbataalka ,isla markaana waxay mid mid u booqdeen qaar ka mid ah bukaanada jiifa isbataalka.

 

Ugu danbayn Madaxweynaha Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa waxay hawgooda ku booqdeen qaar ka mid ah isimada Puntland waxaana ka mid ahaa Islaan Ciise Isalaan Maxamed, Suldaan Sidiid Maxamed Garaase iyo Garaad Salaymaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud.

 

Cadeyn: Imaaraadka Carabta oo looga badiyay Tartanka Qatar ay kula jirto hanashada Somaaliya

Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga  iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo ku sugan dalka Qatar ayaa kulan la qaatay Xoghayaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaasi.

 

Labadda masuul ayaa kulan kooda kadib ka dooday, siddii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dalka iyo siidii Dowladda Qatar ay uga taageeri lahayd Soomaaliya Mashaariic Horumarineed oo laga fuliyo Gudaha dalka.

Dowldda Qatar ayaa ka mid ah Dowladaha xiriirka dhow la leh DFS, iyadoona ka taageerta dhinacyada Arrimaha Bani’aadanimada, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Qatar ay u ballan qaaday Soomaaliya 200 Million oo Doller, taas oo wax looga qabanayo Wadooyinka ku burburay colaadihii iyo dagaalladii Sokeeye ee soo maray dalka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Issimada Puntland- (SAWIRO).

Isimada iyo duubabka dhaqanka ee Gobolka Nugaal ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga la socda.

 

Kulankan oo lagu qabtay Xarunta Dhaqanka ee Hiddo Raac ee magaalada Garoowe ayaa waxaa casuumaadiisa fidiyay Isimo ay hormuud u yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaaliya mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyay duubabka dhaqanka kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin nabadeynta iyo isu soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan hawlaha dib u heshiisiinta.

 

Madaxweynaha ayaa inta uu safarka ku joogo Gobollada Puntland waxa uu wadatashiyo la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Puntland.

 

Isku Socodkii Gaadiidka Dad-weynaha ee Puntland iyo Somaliland oo la Hakiyey.

Puntland ayaa ku dhowaaqay in ay hakisay isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee deegaannada maamulkaasi iyo kuwa Somaliland.

 

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, ayaa u sheegay warbaahinta in gabi ahaanba la joojiyey isku socodkii Labada dhinac.

 

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in si kooban loo ogol yahay iney socdaan gaadiidka mas’uuliyiinta maamulkooda iyo sidoo kale kuwa ciidamada.

Sidoo kale, guddoomiye Faraweyne ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda deegaannada Somaliland ay si nabad ah ku joogi karaan Puntland, balse aan la aqbali doonin in ammarkooda la jabiyo.

 

“Waxaa la joojiyey wax walbo oo gaadiid ah oo u socda gobollada isku magacaabay Somaliland ama waqooyi Soomaaliya, ma rabno iney dhibaato gaarto dad Soomaaliyeed oo safar soo galay, kaliya waxaa la ogol yahay gaadiidka mas’uuliyiinta iyo kuwa ciidamada, sababtana waa la wada ogyahay”

Ayuu yiri guddoomiyaha.

 

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa ku dagaallamaya deegaanno ka tirsan Gobolka Sool.