TAARIIKHDA MURANKA PUNTLAND IYO SOMALILAND EE GOBALADA SOOL IYO SANAAG

Muran dhuleedka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ayaa soo jirey labaatan sano waxayna marar kala duwan ku dagaalameen degaano hoos yimaada gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn, gacan ka hadaladaas kala duwanaa oo dhaliyey dhisimasho, dhaawac iyo barakac ayaa intoodii ugu darayd waxay ka dhaceen magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool iyo degaanada ka ag-dhow.

Aasaaskii Somaliland iyo Gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle

Sanadkii 1991 markii ay dhacday Dawladii dhexe ee Soomaaliya uuna dalku u gacan galay jabhado hubaysan iyo maleeshiyaad midiba meel xiratay ayey dadweynihii gobaladii waqooyi galbeed shirweyne isugu yimaadeen magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, waxaana shirweynahaas majaraha u haysay jabhadii dagaalka hubaysan kula jirtay Dawladii Soomaaliya ee SNM taas oo la wareegtay inta badan gobaladii waqooyi galbeed, waxaana shirweynahaas lagaga dhawaaqay Dawlad la magac baxday Somaliland taas oo ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Shirweynahaas waxaa lagaga dhawaaqay inay Dawladaas gooni u goosadka ay ku midaysan yihiin dhamaan gobaladii madaxbanaanida ka qaatay gumaystihii Ingiriiska 1960-kii ayna ku jireen gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle oo katirsanayd gobalka Togdheer.

Xubno kasoo jeeda gobalada Sool, Sanaag iyo Buhoodle ayaa ka qayb galay shirweynahaas lagu unkay Somaliland hase ahaate inta badan wax garadkii iyo dadweynaha kasoo jeeda gobaladaas ayaa gaashaanka u daruuray, waxayna sheegeen inaysan sinaba qayb uga ahaan karin maamul wiiqaaya midnimada umada Soomaaliyeed.

Dhismihii Puntland iyo bilowgii muranka dhulka

Sanadkii 1998 ayey dadkii deganaa gobaladii la isku oran jiray waqooyi Bari oo kala ahaa Nugaal, Bari iyo Mudug oo ay  la socdaan gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle waxay shirweyne isugu yimaadeen magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal, waxaana halkaas lagaga dhawaaqay Dawlad gobaleed ay ku midaysan yihiin shanta gobal ee kala ah Bari, Nugaal, Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle oo ah qayb kamida gobalka Togdheer.

Dadka gobalada Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle ayaa si buuxda uga qayb galay shirweynihii lagu dhisay Puntland iyagoo aan u kala harin maadama ay Puntland kaga duwanayd Somaliland inuu asaaskeedu ahaa raadinta iyo soo celinta midnimadii umada Soomaaliyeed ee luntay.

Inkastoo xiligaas dhismihii Somaliland uu kan Puntland ka horeeyey in ka badan 7-sano hadana madaxweynihii xiligaa hogaaminaayey Soomaliland Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal oo ahaa siyaasi waaya arag ah kuma dhiiran inuu fargelin siyaasadeed ku sameeyo gobaladaas, isagoo dareensanaa waxa ka dhalan kara sidaa daraadeedna maamulkii Soomaaliland ma noqon mid si buuxa usoo gaara Sool, Sanaag iyo degmada Buhoodle.

Bilowgii murankii gacan ka hadalka dhaliyey

Gurigii lagu weeraray Daahir Rayaale Kaahin 2002 oo ay ku sugan yihiin dhalinyaro calanka Soomaaliya haysata

Wixii ka danbeeyey sanadkii 2002 oo uu geeriyooday madaxweyne Maxamed Ibaarhim Cigaal uuna talada la wareegay Daahir Rayaale Kaahin waxay Somaliland bilowday iny isku fidiso gobalada Sool iyo Sanaag waxayna la wareegtay maamulka degmada Laascaanood oo ah magaalada ugu weyn gobaladaas.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horaysay booqasho ku yimi magaalada Laascaanood bishii December 2002 hase ahaate ciidamada Puntland oo ka baxay magaalada Garowe ayaa gudaha u galay Laascaanood, iyadoo uu si dirqiya magaaladaas uga baxsaday madaxweyne Rayaale, waxayna ciidamadii Puntland si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta magaaladaas.

Ciidamada Puntland ayaa horay uga sii dhaqaaqay Laascaanood iyadoo dagaalo ka dhacay inta u dhaxaysan Laascaanood iyo Caynaba kaga itaal roonaadeen kuwii Somaliland, waxayna ugu danbayn saldhigteen degaanka Oog oo aan sidaas uga fogayn degmada Caynaba.

Dhismihii Dawladii KMG ahayd ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf 2004

Sanadkii 2004 waxaa Dawladii KMG ahayd ee lagu dhisay Dalka Kenya madaxweyne loogu doortay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo markaa ahaa madaxweynaha Puntland, iyadoo madaxweynihii Puntlandna uu la wareegay ku-xigeenkiisii Maxamed Cabdi Xaashi oo isna sanadkii 2005 ku wareejiyey Allaha u naxariistee Cadde Muuse Xirsi markii uu kaga guulaystay doorasho ay ku tartameen.

Wixii ka danbeeyey sanadkii 2004 Puntland ayaa u muuqatay inay awoodeedii dhaqaale iyo ciidanba ay u weecisay koonfurta Soomaaliya si ay u garab siiso Dawladii uu hogaaminaayey Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo mudo 6-sano ah  madaxweyne kasoo ahaa Puntland, waxaana inta badan ciidamadii Puntland loo diray Koonfurta Soomaaliya.

Somaliland oo ka faaidaysanaysa arintan ayaa bilowday inay kusoo durugta magaalada Laascaanood iyadoo ciidamadii Puntlandna ay bilaabeen inay malinba goob cusub kasoo baxaan, ugu danbayntiina kadib dagaalo dhawra oo ka dhacay degaanada Ari-cadeeye iyo Laascaanood waxay magaaladaasi si buuxda gacanta Somaliland u gashay 15-kii bishii Octobar 2007.

Intaa wixii ka danbeeyeyna Puntland ayaa saldhigatay degaanka Tukaraq oo ah tuulo katirsan degmada Laascaanood iyadoo Somalilandna ay saldhigatay deggaanka Gambarey oo aan sidaas uga fogayn.

Tan iyo 2007 oo ay Somaliland la wareegtay Laascaanood ma jirin dagaalo culus oo dhex maray labada dhinac walow labba madaxweyne oo soo maray Puntland kana danbeeyey madaxweyne Cadde Muuse oo xiligiisii ay Somaliland qabsatay Laascaanood ay ololaha doorashada ku galeen soo celinta degaanada ka maqan Puntland.

Duulaanka cusub ee Somaliland iyo saasanta colladeed

Sideedii bishan xili uu madaxwenaha Dawlada Federaalka ee Soomaaliya booqasho ku joogo Puntland ayey ciidamo kasoo duulay Somaliland waxay la wareegeen degmada Tukaraq oo ahayd saldhiga ugu weyn ee ay Puntland ku leedahay gobalka Sool, waxaana maalmahan labbada dhan ka muuqanaaya u diyaar-garow dagaal iyagoo hawada isku marinaaya hanjaabo kul-kulul.

Puntland iyo Somalilandba waxay degaankaas kusoo daabulayaan ciidamadii ugu badnaa iyadoo xili walba la filan karo inay xabadu afka qoriga ka baxado, mana muuqato waan-waan nabadeed oo sidaa u weyn oo laga dhex wado labadan dhinac marka laga reebo iskuday uu hogaaminaayo xog-hayaha gaarka ee qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mecheal Kitten oo boqasho ku tegay Somaliland, lagana sugaayo Puntland.

Dadka odorosa arimahan waxay sheegayaan inaysan Puntland ka fursanayn inay talaabo milateri qaado hadii aysan Somaliland si dhaqso ah ciidamadeeda ula noqon maadama damaca Soomaliland uu xiligan maraayo inay soo hawaysato meel aan sidaa uga fogeyn Caasimada Garowe, hadii aysan talaabo ciidan arimahan kaga jawaabin Puntlandna waxay Somaliland siinaysa inay ku dhiiradaan inay talaabo horleh soo qaadaan ayna yimaadaan duleedka Garowe oo ay xuduudooda u arkaan ayey leeyihiin dadka siyaasada ka faalooda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *