|

Nigeria oo soo daadgureysay Tahriibayaal ku xanibnaa Libya.

Dawlada Nigeria ayaa dalkeeda dib ugu soo celisay boqolaal tahriibayaal dalkaasi u dhashay oo muddo dheer ku xanibnaa wadanka Liibiya.

 

In ka badan 500 Tahriibayaal u dhashay Nigeria ayaa gaaray wadankooda, kadib markii ay dowladooda u dirtay diyaarad.

 

Dhalinyaradan ayaa ah qeybtii ugu horeysay iyadoo lagu wado in dalkooda lagu celiyo in ka badan 5000 u dhashay Nigeria oo ku sugan Liibiya.

Xukuumada Nigeria ayaa kamid ah dalalka Afrika ee bilaabay inay u gurmadaan muwaadiniintooda ku xaniban wadanka Liibiya.

 

Wadamada Afrika ayaa dhamaadkii sanadkii tagay bilaabay dadaal ay wax ugu qabanayaan dhalinyarada Tahriibta u aada Liibiya, kadib markii warbaahinta caalamiga ah ay soo bandhigeen qaabka xun ee loola dhaqmo tahriibayaasha marka ay tagaan Liibiya oo lagu tilmaamay “…Adoonsi iyo Jirdil…”

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]