|

DAAWO: Wasiir Juxa oo Xafladii xil wareejintiisa Farriin culus u diray Farmaajo iyo Kheyre (VIDEO).

Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee xilka laga qaaday Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay inay koox kaliya aysan Soomaaliya isku koobi karin oo keligeed og meesha loo guurayo.

 

Isagoo ka hadlayay munaasabad uu xilka ku wareejinayey Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha ayuu farriin cad u diray hoggaanka dowladda Federaalka ee madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre isagoo sheegay in loo baahan yahay talo wadaag iyo isu dulqaadasho, wuxuuna adeegsaday ereyada Wadaad iyo Qarandumis.

 

Wasii Juxa ayaa farriintiisa ugu danbeysay ee xil ka tegistiisa ka dhigay in koox kaliya iyo shaqsi kaliya aanay xaalada dalka waxba ka qaban karin.

 

“Intii burburka inagu dhacay sanadihii u dambeeyay waxa ugu weyn ee na soo maray waa Wadaad kaa fikir duwan oo kugu dhufta Shabadda Cadaabta ama Madax ka fikir duwan tahay oo kugu dhufata shabadda Mucaaradnimada ama Qaran-dumis”

Ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa oo dhowaan xilka laga qaaday.

 

HOOS KA DAAWO KHUDBADDA WASIIRKII HORE

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]