DAAWO: Dadkii ka Danbeyay Werarkii C/raxmaan C/hakuur oo Dacwad laga gudbiyay iyo Magacyada Masuuliyiin Caan ah…

Dacwad ka dhan ah falkii lagu weraray guriga xisbiga Wadajir ee siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame isla markaana lagu xasuuqay 6-askari oo ilaala u ahaa siyaasiga ayaa loo gudbiyay laamaha cadaalada dalka.

 

 

Masuul ka tirsan xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee Wadajir ayaa shaaca ka qaaday in dacwad u gudbiyen xeer ilaalinta dalka isla markaana ay ka gudbiyen dhamaan dadkii ka danbeyay werarkii lagu qaaday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

 

“Waxa dacwada ka gudbinay saraakiil iyo masuuliyiin dowlada ka tirsan oo ku lug lahaa werarkii lagu soo qaaday xarunta xisbiga laguna xasuuqay askartii ilalaada u aheyd Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhaawacna loogu gestay siyaasiga”

Ayuu yiri.

 

Halkan Hoose Ka Daawo:

Ugu danbeyn masuuliyiinta xisbiga Wadajir ayaa shegay marnaba iney dhaafi doonin dadkii ka danbeyay werarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xarunta xisbiga Wadajir ilaa inta cadaalada laga keenayo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *