|

Kenya oo Wada-hadal ku Adkeysanaysa Muranka Badda, Akhriso Sooyaalka Murankaasi.

Dawladda Kenya ayaa todobaadkan ka jawaabtay kiiska dacwad badeedka ay Soomaaliya hor-dhigtay maxkamadda, iyada oo qoraal u dirtay maxkamadda cadliga adduunka ee Hague, Netherlands.

 

Dacwada ayaa ku saabsan in la xadeeyo badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ee badweynta Hindiya, iyada oo la oogay 28 August 2014.

 

Soomaaliya waxay rabtaa Kiiskan in xadka noqdo “Equidistant line” oo masaafo simman loo jirsado halka Kenya ay rabto (along a parallel of latitude)  ama khad balac ah taas oo ay leeyihiin waxaa ay ku soo baxday Dekereeto madaxweyne markii ugu horeysay  1979 iyo mar kale 2005.

Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhul badeedka lagu muran-san yahay ay ka sameyn karto roondo, kaluumeysi, cilmi-baaris la xiriirta badda  iyo in ay ka qodi karto nafto iyo gaas.

 

”Iyada oo Kenya xushmeyneysa kaalinta muhiimka ah ee maxkamadda cadliga adduunka ee xalinta murannada iyo horumarinta nabadda hadana Kenya waxaa ay rumeysan tahay in uu yahay xalka keliya ee muranka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya”

Sidaasi waxaa yiri xeer-ilaaliyaha Kenya Githu Muigai.

 

Soomaaliya ayaa dooneysa xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta- (370km) ee ka baxsan biyaha Soomaaliya.

 

Hadaba, Akhriso Saldhigga Muranka:

Dalka Kenya ayaa ku doodaya lahaanshiyaha dhul badeed  lagu qiyaasay ilaa 100,000km2 oo ku dhaw berriga Soomaaliya, halka Soomaliyana ay isla dhulkaas sheeganeyso in ay biyaheeda ka mid yihiin.

 

Dhulkan la isku heysto ayaa la sheegay in ay ku jiraan Gaas iyo Saliid, dowladda Kenya ayaa dhulkaas heshiis kula gashay shirkado shisheeye in ay ka baaraan shidaal, ilaa 44 jeer ayaa Gaas iyo Saliid laga baaray goobtaas lagu murnasan yahay, shirkadaha baaritaanka ka sameeyay ee Kenya ay heshiiska la gashay waxaa ka mid ah Total, Eni iyo PanContinental.

 

Soomaaliya ayaa ka carrootay heshiisyada dalka Kenya iyo shirkadaha shidaalka la gashay ee baddeena lagu baaryo, waxaa ay dacwad u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka, labada dal ayaa isla gartay in koox weliba ay dacwadeeda hor-dhigto qareennada maxkamadda cadliga adduunka.

 

Soomaaliya ujeedadeeda waa in la xadeeyo badda iyo dhulka ku dhaw halka Kenya ay dooneyso in ay samayo xariiqin badda ah.

 

Waa markii ugu horreysay ee Soomaalida gar-qaad weydiistaan Maxkamadda cadliga adduunka, haddii kiiskan aanu ku guuleysanno, waxaa ay taasi horseedi doontaa in aan mar kale isla maxkamadaas aadno si aan uga  furno kiisaska muranka dhulka ee nagala dhaxeeyay dalalka Yemen, Itoobiya iyo Kenya.

 

Sooyaalka Muranka Badda ee Soomaaliya Iyo Kenya:

April 11, 1963: Soomaaliya ayaa aqoonsatay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ halka Kenya ayaa sidaa sameysay April 19, 1965-tii.

 

1988: Waxaa la soo saaray  sharciga badda ee Soomaaliya.

 

1989: Labada Dal, waa Kenya iyo Soomaaliya e, waxaa ay saxiixeen heshiiska badda ee qaramada Midoobey, heshiiskan caalamiga ee badaha waxaa la sameeyay 1982.

 

April 7, 2009: Dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa Heshiis is afgarad oo Badda ku saabsan ku gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Is afgaradkan oo ay saxiixeen wasiirka qorsheynta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdiashur iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang’ula ayaa waxaa lagu sheegay in labada dal ogolaadeen xadeynta cabbirka qalfoofta qaaradda ee badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed oo u dhiganta( (370km), oo weliba u gudbniyaan guddiga xadeynta iyo in la calaamadeeyo si rasmi ah biyaha lagu muran san yahay ee Badweynta ka xiga fogaan ka durugsan 200 oo Meyl badeed-u dhiganta-( (370km) ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo la raacayo sida ku qoran qawaaniinta  caalamiga ah ee qaramada midoobey.

 

Heshiiskaas oo hadda taariikhda galay, waxaa qeylo-dhaan ka keenay shacabka Soomaaliyeed oo badankood ku doodeen in baddii Soomaaliya La iibsaday.

 

October 8, 2011: Baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya ayaa fadhi ka yeeshay arrinta heshiiska badda, kulanka waxaa shir guddiiminayey Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ahaa ku simmaha afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, kulanka waxaa soo xaadiray ilaa 335 mudane, waxaana Laga soo saaray ilaa 6 qodob.

 

Xildhibaannada Soomaaliya waxaa ay si buuxda u sheegeen in aan laga hadli Karin xadeynta badda Soomaaliya.

 

Qodobadaaas ayaa kala ahaa:

  • In lagu dhaqmo sharciga badda Soomaaliya ee soo baxay 1988.

 

  • In hey’adaha dastuuriga ah sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xkuumadda aysan awood u laheyn in ay wax ka badalaan ama dib u eegis ama wada xaajood ku sameeyaan xaduudda badda, hawada iyo dhulka Soomaaliya.

 

  • Waxaa la laaley dhammaan heshiisyadii ama is afgaradkii caalamiga ahaa ee Lala galay hey’ado, dowlado daris ah iyo ururo caalami ah iyo shakhsiyaad ee ku saabsan xadeynta badda wixii ka dambeeyay January 1, 1991-kii.

 

  • Xadgudubka kasta ama gabood fal kasta oo wax loogu dhimmayo xuduudaha Soomaaliya Berriga, Badda iyo Hawada, waxaa loo aqoonsaday duullaan bareer ah oo lagu soo qaaday madaxbannaanida iyo siyaadada iyo Midnimada umadda Soomaaliyeed.

 

  • Xukuumad walba oo loo igmado howsha dalka, waxaa la faray in go’aankaas gaarsiyaan dhammaan dowladaha dariska iyo hey’adaha caalamiga ah.

 

  • Cid walba oo ku xadgudubta waxaa la sheegay in ay galeyso khiyaammo qaran.

 

August 28, 2014: Dowladda Soomaaliya ayaa dacwad ka dhan dalka Kenya, kuna saabsan muranka badda u gudbisay Maxkamadda Cadliga Aduunka ee hoos tagta Qaramada Midoobey si loo xadeeyo badda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

 

October 8, 2015: Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa dood ka keenay Dacwada Badda ee laga gudbiyay Kenya, ninkan ayaa sheegay in dalkiisa uu  xaq u leedahay ka hor imaashiyahoodan ama is hortaagooda in ay ka jawaabaan dacwada.

 

Xeer Ilaaliyaha Kenya waxaa uu ku taliyay in howsha Wada hadal hoose lagu dhameeyo inta labada dal ay maxkamadaha isku jiijiidi lahaayeen, isagoo intaa raaciyay in Soomaalida aanay iloobin in ciidamo nabad ilaalin oo Kenyaan ah ay ka joogaan Soomaaliya iyo in Qaxooti ka badan Nus Milyan oo Soomaali ah in ay joogaan gudaha dalka Kenya.

 

October 10, 2015: Dr. Axmed Cali Daahir  oo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee Soomaaliya oo qiray in uu jiro codsiga Kenya ayaa sheegay in qoraal codsi hor-u-rdhac ah oo dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, taasi oo ku aadan wada hadal hoose in lagu dhameeyo muran badeedka kala dhaxeeya Soomaaliya.

 

 

Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya waxaa uu sheegay in Kenya ay doonayso inay is hortaag ku sameyso dacawadda Badda, taasina ay markhaati cad u tahay sida ay uga wal walsan tahay saldhig la’aanta ee qaanuuneed ee dooda ku wajahan sheegashada Badda Soomaaliya.

 

May 26, 2016: Maxkamadda Cadliga Adduunka ayaa soo saartay war saxaafadeed ay ku sheegeyso in dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysaneyso September 2016-ka.

 

September 2016: Waxaa Hague ka bilowday dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu dambeyntii la aqbalay in maxkamadda cadliga adduunka ay qaadi-karto dacwada.

 

December 18, 2017: Kenya oo ka jawaabaysa kiiska iyada ayaa sheegtay in ay qabaan in wada hadal wax lagu dhameeyo.

 

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka (International Court of Justice):

International Court of Justice (ICJ) Waxaa la dhisay 1945-tii, waxayna ugu duwantahay Maxkamadda Dambiyada Dagaalka.

 

Maxkamaddan waa hey’ad garsoor oo Qaramada Midoobay hoostimaado, xarunteedu waxaa ay ku taal Den Haad oo ah magaalo ku taalo galbeedka dalka Holland, waxay ay fiirisaa ama dhageysataa eedaha iyo codsiyada ay soo gudbiyaan dowladaha xubnaha ka ah.

 

Maxkamadda waxay ka koobantahay 15 Garsoore oo ay soo doorato qaramada midoobay iyo goloaha ammaanka muddo 9-sano ah, Xilligan waxaa guddoomiye ka ah Ronny Abraham halka uu guddoomiye ku xigeen ka yahay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulqawi  Axmed Yusuf.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]