Xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Soomaaliyada Cusub.!!! (FAALLO).

Dalka Soomaaliya waxa uu soo marey marxalado kala duwan kadib qaran-jabkii dalka ku dhacay sanadkii 1991 markaas oo xukunka xoog looga tuurey Maxamed Siyaad Barre (AUN) oo xukunka inqilaab ku qabsadey sanadkii 1969, dalkana u horseeday Dowlad keli telisnimo ku dhisan.

 

Jamhaddii USC ee u hartey magaalada Muqdisho, dalka uma horseedin nabad, lamana imaan qorshe ay ka iibin karto Soomaalida inteeda kale aan ka ahayn in ay la timid wax loogu yeero aargoosi taas oo dalka dhaxalsiisey dagaalo beelo ku dhisan, oo sababtey in la difaaco Madaxweynihihii xukunka laga tuurey.

 

Dagaaladaas ayaa sababey in ay maalinba weji yeeshaan oo sarifmaan, waxaana dagaalo culus ay dhexmareen isla jamhaddii USC oo u kala jabtey laba garab, oo awooda isku qabsadey, isla USC waxaa ka dhex samaysey garab kale oo loogu yeeri jirey SNA, kaas oo isaguna u sii kala jabey laba garab oo ay kala hoggaamiyaan Cismaan Caato iyo Gen. Caydiid waxaana dagaaladaasi sababeen dilka Gen. Maxamed Faarax Caydiid.

 

Kadib jamahadda USC waxay u sarifantey ilaa 8 Jamhadood oo dhamaantood Muqdisho kuwada sugan ilaa laga gaarayo sanadkii 2000.

 

Tan iyo sanadkii 2000 Dowlad kasta oo loo dhiso Soomaaliya waxaa burburkeeda soo dadajinayey;

1- Hogaamiyayaasha la doorto oo aan la imaan Siyaasad mideysa dadka iyo dalka.

2- Madaxda oo durbaba qaada wadadii Kali-Talisnimada.

3- Dib u heshiisiintii oo lagu bedalo dagaal hor leh.

4- Dowlado shisheeye oo faro-gelin ku hayey Soomaaliya.

5- Mucaarad ka imaanaysay isla Soomaalida dhexdeeda ah oo fursad u diidey dowladda.

 

Laga soo bilaabo Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan sanadkii 2000, waxaa jirey mucaarad wejiyo kala duwan lahaa, kuwaas oo mar hubeysnaa oo ahaa hoggaamiye kooxeed, mar ahaa wadaado sheeganaya in ay dalka diinta ku xukumayaan, marna ahaa siyaasiyiin aan hubeysneyn laakiin qabta shirar kala duwan.

 

Sidoo kale Dowladihii soo marey dalka ayaa lahaa mucaarad isla dhexdooda ah oo ka imaanayey baarlamaanka aan ku dhisneyn nidaamka Xisbiyada, iyo khilaafaad ka dhex aloosma Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha.

 

Waxaa taas usii dheer in hogaamiyayaasha lasoo doorto ay mar walba dhexda u galaan kooxo ay iyagu sameysteen oo talada dalka kula wareega nidaam aan sharci ahayn, Dantoodana laga hormariyo tan shacabka iyo dalka.

 

Farmaajo.

Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkii u horeeyey ee xukunkiisa la kulantey mucaarad aad u xooggan, kadib markii uu Xasan Cali Kheyre u doortey Raysalwasaare, waxaana xilkan isa siiyey in laga soo magacaabi doono beelihii awooda ku lahaan jirey Muqdisho ka hor sanadkii 2007.

 

Doorashadii Farmaajo waxay ahayd lama filaan, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne xilka haya iyo Raysalwasaarihiisii oo tartanka ka wada qayb-galay, waxa uu ka adkaadey Madaxweyne hore, doorashada qoyska uu ka soo jeedo ee Daarood waxaa ka digtey Dowladda Itoobiya oo markaas dano gaar ah ka lahayd in Xasan Sheekh Maxamuud markale la soo doorto.

 

Xulashadii uu doortey Xasan Cali Kheyre inkasta oo magaca guud ee beel ahaan beesha la siiyey laga yimaado, ayaa beelaha waaweyn ee awooda is bidey siyaasiyiintooda iyo weliba ganacsatadoodu noqdeen kuwo mashiiqsada oo Madaxweynaha Ganbar ugu fariista.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa noqdey xiddiga calanka u sida mucaaradka ka soo horjeeda Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo weliba Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu sameeyey dhaq-dhaqaaq xooggan oo aan hubeysneyn kaas oo ku kooban siyaasad oo kaliya [shirar iyo dhaliilo] waxaana taasi oo u baneenaya Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa soo baxay shaki weyn oo muujinaya in uu socdo dhaq-dhaaaq la doonaayo in xilka looga xayuubiyo Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, mayee intaas waa uu ka sii weynaadey waxaana la dooney in la helo 2/3 Xildhibaanada Baarlamaanka si Madaxweynaha xilka looga tuuro.

 

Marna ma dhicin dowladihii Soomaaliya isu soo bedalay laga soo bilaabo 2000 in la isku dayo in Madaxweynaha Mooshin laga keeno oo la isku dayo in awooda laga xayuubiyo iyada oo lala tiigsanaayo Khiyaano Qaran, waxaana jira shaki laga qabo in Mooshinkaas loo adeegsanayo dhaqaale ka yimid dalal shisheeye, sidii horey u dhici jirtay doorashooyinka Soomaalida.

 

Weerarkii guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur.

Waxaa habeenkii Isniintu soo gelyeysey weerar ciidamada amnigu ku qaadeen guri la sheegay in uu ka socdey shir lagu diyaarinaayey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha, waxaa hawl-galkaas ku nafwaayey shan askeri, oo ilaalo ahaa waxaa ku dhaawacmey oo xabsiga la geeyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horey u soo noqdey Xildhibaan, Wasiir iyo Musharax Madaxweyne.

 

Siyaasiga la qabtey ayaa kamid ahaa siyaasiyiin lagu tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixayaan Mooshinka aan weli soo bixin laakiin dabka saaran.

 

Tallaabadan maxay uga dhigan tahay siyaasiga la xirey? Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha / Xukuumadiisa? Iyo dhamaan cidkasta oo mucaarad ku ah Dowaladda Madaxweyne Farmaajo ama ha hubeysnaadeen ama yeysan hubeysnaanin, Xildhibaanada labada Aqal iyo Dowlada Gobaleedyada?

 

1. Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur xariga loo geystey waxa uu isaga uga dhigan yahay fursad qaali ah oo la siiyey, waxaa kor u kacaya tageerada ay u hayaan kuwa isaga horey u taageersanaa ama dhaliilsanaa Dowladda, siyaasigan oo horey ay uga hari weydey magaca ah bad buu gatey ayaa la dhihi karaa xariga la xirey waxa uu u sameeyey suuq siyaasadeed uu isku deyi karo in uu damac kale ka galo hoggaanka dalka.

 

Soomaaliyada Cusub.

2. Qorshaha lagu xirey Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la aaminsan yahay in uu yahay qorshaha cusub ee Raysalwasaare Kheyre ee Soomaaliyada Cusub, kaas oo ah in la isku dayo wax cusub oo aan horey u dhici jirin, sida uu dalka Maraykanka uga dhawaaqey Kheyre lama oggolaan doono, dhex-dhexaadnimo xitaa, lamana oggolaan doono cid horjoogsata Soomaaliyada cusub oo mucaarad sheeganaysa.

 

Guuxa Khayre iyo weerarkii lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa muujineysaa isku kalsooni la’aanta xukuumada Khayre oo lugaha hadda u gelisay wixii ay ka baqayeen oo ah Kacdoonkii kasoo horjeeday oo sii xoogeysta iyo waliba iyagoo jabiyey Dastuurkii dalka ee muwaadinka u fasaxayey inuu fikirkiisa si xor ah u dhiibto, Jeclow ama Necbow waa Dastuurka dalka u yaal.

 

Meeshu Ma ahan Kuuriyada Waqooyi.

 

Tilaabadan waxay sidoo kale meesha ka saareysa fikirkii ahaa in xukuumada cusub ay tahay mid Dimuquraadi ah oo siyaasad cusub la timid maadaama ay dib ugu noqtay dhaqankii Kali-Talisnimada ee horseeday burburkii Qaranka.

 

Dowladii Militariga ayaa halheys ka dhigan jirtay in ay Aaseyso ama duugeyso “Qabiilka”, taasi oo ay shacabka ku maadeysan jireen sida ay runta uga fogtahay.

 

Hadda Xukuumada Khayre ayaa dood ka dhiganeysa Qaran dumis baan ka hortagayaa iyadoo kursi u dagaalameysa kuna tumaneysa Dastuurka dalka, waxaa mooda Qaranka la difaacayo inuu yahay Kursiga Raysalwasaaraha ee la isku heysto.

 

Dowlada waxay horey u mamnuucday:

1- Mudaharaadka (Waxay Tiri Amniga ayaa khatar galaya)
2- Xisbiyada (Waxay tiri waa soo wadnaa “Mashruuc aan Dhamaan”).

 

Dowlada Hada waxay wadaa:

1- Fikirkaaga ma dhiiban kartid
2- Mucaarid ma noqon kartid
3- Ma shiri kartid!

 

Tani waxay ummada soo xasuusineysaa hadalkii Allaha u naxariistee Faarax Gololeey ee ahaa “Afisioone aad (Villa Somalia la jir) ama Afgooye aad (Xabsi gal) ama Afkaaga heyso!”

 

Fariinta ku socota Xildhibaanada.

Weerarkii Cabdishakuur ayaa sidoo kale la oron karaa wuxuu muujinayaa in Raysalwasaaraha markuu ku guuleysan waayey soo jiidashada Xildhibaanada uu bilaabay olole lagu bartilmaameedsanayo Xildhibaanada Mucaaridka ah oo ay Xeer Illaalintu dalbatay in xasaanada lagala noqdo si loo xiro, waana khamaar kale oo siyaasadeed oo ay xagjirnimo ka muuqato.

 

Fariinta ku socota Dawlad Gobaleedka.

Weerarkii Cabdishakuur wuxuu sidoo kale fariin u dirayaa Dawlad Gobaleedyada oo ah in hadii xukuumada Khayre iyo Farmaajo ay cudud militari u helaan inaysan ka waabaneyn isticmaalka awoodaas sidii ka dhacday Cadaado.

 

Taasi oo keeni karta in Dawlada Gobaleedka ay ka cago jiidaan wadashaqeynta dhabta ah ee Federaalka taasi caqabad kale ku noqoneysa midnimada Qaranka iyo qorshayaasha hada socday sida dib u dhiska ciidamada Qaranka.

 

Maxamed Cismaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *