|

Madaxweynaha Turkiga oo Hogaamiyeyaasha Islaamka isugu yeeray magaalada Istanbul

Madaxtooyada Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegtay in uu iskugu yeerayo hogaamiyeyaasha dowladaha ururka Iskaashiga Islaamka si loo qabto shir madaxeed degdeg ah oo ka dhacaya magaalada Istanbul kuna saabsan go’aanka Mareykanka ee arrimaha Qudus.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Turkiga Irbrahim Golen oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in shir madaxeedkaan looga doodi doono qorsha Mareykanka ee ku saabsan inuu shaaciyey Qudus inay tahay Caasimadda Isra’iil.

Ibraahim Golen ayaa yiri

“Mgaalada Qudus waa karaamada Umadda Islaamka waana arrin kawada dhaxeysa, waana qad Cagaaran marka loo eego Turkiga, waxaan ugu baaqayaa Washinton inay Si degdeg ah ay uga laabato qaladka ah in Qudus ay tahay Caasimadda Isra’iil”.

 

Madaxweynaha Turkiga ayaa arrintaasi isaga oo ka duulayo ayaa waxaa uu la xiriiri qaar ka mida hogaamiyayaasha dunida Islaamka waxaana ka mida wadamada uu la xiriiray Malaysia, Tunisia, Saudi Arabia, Qatar, Iran Pakistan iyo Indonesia si arrinta Trump looga hadlo go’aanna looga gaaro.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]