|

XOG: R/wasaare Kheyre oo Bahdilaad iyo Sida Caruurta oo kale ula dhaqma Wasiiradda Qaar.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ay qaati ka taagan yihiin wax ay ugu yeereen bahdilaadda uu kula dhaqmayao Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre.

 

Wasiirada ka cabanaaya nidaamka ayaa si gaara u dhaliilsan isla xisaabtanka joogtada ah iyo sida loogu koontaroolayo howlaha guud iyo kuwa gaarka ah oo ay u hayaan Qaranka, ayada oo mararka qaar ay dhacdo, sida arday oo kale, xitaa warqadahooda gaarka ah la hubiyo.

 

Wasiirada tabashada muujinaaya ayaa la sheegay in muddo laba jeer ah ay Ra’isul wasaaraha ka dalbadeen inuu u madaxbaneeyo howlaha qaar, hayeeshee waxaa arrintaasi diiday Kheyre.

Wasiirada ayaan diidaneyn isla xisaabtan, hase yeeshee waxay Kheyre ku dhaliileen inuun sida caruur oo kale ula dhaqmo, ayna la yaabeen wax ay ugu yeeren “Jahli ka muuqda”

 

“Wasiir, sida arday oo kale, xitaa buugaagtiisa iyo qoraaladiisa shaqsiga la hubinayo dunida kama dhicin”

Waxaa sidaas yiri qof codsaday inaan la magacaabin oo kaaliye wasiir uu naga codsaday inaynan magacaabin.

 

Tallaabooyinka Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa dad badan waxay ku qeexeen ka bad­badis iyo tus­tus, ayada oo illaa iyo hadda aysan muuqan wax la taaban karo oo uu qabtay tan iyo markii la magacaabay.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]