|

Taliyihii saldhiga Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo Qarax lagu dilay.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ka dhacay qarax xoogan, kaasi oo intiisa badan laga maqlay magaalada.

 

Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday gaari uu saarnaa taliyihii saldhigga suuqa cusub ee  Wayooyiga magaalada Gaalkacyo.

 

Taliyaha qaraxa lala beegsaday ayaa lagu magacaabaa Cali Magafe, waxa uuna qarax qabsady xili uu marayey dhabarka dambe ee madaxtooyada Gaalkacyo.

Cali Magafe ayaa qaraxa waxaa ka soo gaaray dhaawac xoogan, waxaana la geeyey isbitaalka magaalada Gaalakacyo halkaasi oo markii  dambe uu ku geeriyooday sida uu sarkaal ka tirsan Puntland u sheegay warbaahinta gudaha.

 

Qarax taliyaha uu ku geeriyooday ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]