|

Isimada Puntland oo Xal ka gaaray Muranka Dekeda Bosaso.

Waxaa lagu wadaa in la soo bandhigo maalinta beri ah ee arbacada  heshiis ay wada gareen  isimada, ganacsatada iyo maamulka Puntland kaas oo lagu afjarayo muranka  dheeraaday  ee hakadka galiyay habsami u socodka dekeda Bosaso.

 

Sida Shacabka News ay ogaatay heshiiska ayaa ah mid loo sameeyay isu soo dhawayn  dhamaan dhinacyada muranku u dhexeeyey, ka dibna dib loo bedelayo tariifooyinkii khidmadaha iyo canshuurta lagu kordhiyay badeecadaha ka soo degaya, kana dhoofaya dekedda.

 

Sida wararku sheegayaan ganacsatadu waxay oggolaadeen qaybo ka mid ah kordhinta tireefada canshuuraha iyo khidmadaha, taas oo ku xiran in aan dib loo kordhin karin mar danbe tan iyo inta laga dhisaayo dekadda Boosaaso.

 

Heshiiska la soo bandhigaayo ayaan looga hadlin heshiiskii lagu wareejiyey dekadda Bosaso, waana mid si gaar ah loogu eegay dhibaatada ka taagan dekadda ee xirnaanta ah.

Maamulka Puntland ayaa markii hore heshiiska ka hor yimid, waxaana Isimadu ugu goodiyeen haddii ay hor istaagaan heshiiskan in dhibkasta oo ka yimaada maamulku xanbaarayo.

 

Dekadda Boosaaso ayaa 30-kii maalmood ee u danbeeyey marna xirneyd marna u shaqeyneysey si gaabis ah, in badan oo kamid ah doonyaha rakaabka u sidey Boosaaso ayaa weli taagan banaanka dekadda.

 

Dekadda Bosaso waxaa la wareegtey shirkad laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta taas oo lagu magacaabo P&O Ports, waxaana heshiiskaasi dhigayaa in muddo 30 sano ah ay hayso maamulkeeda.

 

Sidoo kale heshiisku waxa uu dhigayaa 336 milyan oo dollar in ay dekadda ku maalgeliso, taas oo ay waajib ku tahay 136 milyan oo keliya halka 200 oo milyan ee soo hartey aysan ahayn khasab sida shirkaddu ku faafisey website-ka ay leedahay.

 

Laakiin Madaxweynaha Puntland wuxuu isagu sheegayaa in la gelinaayo 336 milyan dollar taas oo uu ku tilmaamey in looba ilduufay.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]