|

Isimada Puntland oo Soo Bandhigay Go’aan ay Ka Gaareen Muranka Dekeda Bosaso- (SAWIRO).

Isimada Puntland oo maanta shir ku qabtay Hotel Gacayte ee magaaladda Bosaso ayaa soo bandhigay go’aan lagu xalinayo muranka ka dhashay kordhinta khidmadaha iyo cashuurta ee badeecooyinka ka soo dega dekeda Bosaso.

 

Murankaasi ayaa hakad galiyay howlihii dekeda iyo guud ahaan ganacsiga magaaladda.

 

Qoraalka isimada oo ka koobnaa afar qodob waxaa ku saxiixnaa Boqor Burhaan Boqor Muuse, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin, Beeldaaje Cali Beeldaaje Farax, Suldaan Ciise Maxamed Ciise iyo wakiilka Beeldaajaha, Beeldaaje Yaasin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana lagu sheegay inuu yahay Kumeel gaar ah.

Go’aanka ay soo saareen isimada Puntland waxaa shirka ka akhriyay Yaasiin Beeldaaje Cabdullaahi, waxaana uu u qornaa sidatan:

 

Sidaan wada ognahay waxaa in mudda ah is fahamiwaa ka jiray mashruuca balaarinta dekeda Bosaso kaas oo sababay inuu hakad galay dhaqdhaqaaqii ganacsiga.

 

Markaan xog-waraysi la yeelanay qaar ka mida madaxda dowladda Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, Islamarkaanka ay aanu aragnay xaaladaha jira ayaanu ka gaarnay go’aankan soo socda

  1. In laga wada shaqeeyo nabadgelyada, xasiloonida iyo kala damaynta islamarkaana laga fogaado wixii keenaya khilaaf.

  2. In la taageero mashriicda horumarineed wadanku u baahan yahay.

  3. In dowladu soo bandhigto kana qanciso qaybaha bulshada heshiiska ballaarinta dekeda Bosaso.

  4. In lagu dhaqmo tariifada isimmadu soo saareen ee ku meel-gaar ah sida ku cad lifaaqa.

 

Shirka  lagu soo bandhigayay  go’aanka Isimada waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dekeda iyo Gaadiidka badda Puntland, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, Guddoomiyaha gobolka bari, Duqa degmada Bosaso, Culuma’udiinka, Ganacsatada, aqoonayahanada, Nabadoono iyo qaar ka haweenka ganacsatada ee Bosaso.

Shirka Waxaa khudbado ka jeediyay dhammaan isimadii ku saxiixnaa go’aanka, Waxaa kaloo shirka hadalo kooban ka jeediyay  Masuuliyiinta ka socotay xukuumadda Puntland, Ganacsatadii, Nabadoonadii, Aqoonyahanadii iyo Haweenka, dhammaantoodna waxay soo dhaweeyay go’aanka isimadda.

 

Inkastoo  shirka aan lagu faahfaahin  Tariifada kumeel gaar ah ee ay isimadu soo saareen, balse  sida Shacabka News ogaatay  tariifadii hore   ee dowladu soo saartay ayaa isbedel lagu sameeyay, waxaana isla maanta isimadu u dhiibeen Wasiirka Dekedaha Puntland iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda, taasi oo la doonayo inay dhaqangaliyaan.

 

Go’aanka isimadu ka gaareen murankii dekeda ayaad la oran karaa wuxuu ahaa mid loo sameeyay isu soo dhawayn dhamaan dhinacyada muranku u dhexeeyey.

 

Ganacsatadada ayaa oggolaatay qaybo ka mid ah kordhinta tireefada canshuuraha iyo khidmadaha, taas oo ku xiran in aan dib loo kordhin karin mar danbe tan iyo inta laga dhisaayo dekadda Boosaaso.

Dekadda Boosaaso ayaa 30-kii maalmood ee u danbeeyey marna xirneyd marna u shaqeyneysey si gaabis ah, in badan oo kamid ah doonyaha rakaabka u sidey Boosaaso ayaa taagan banaanka dekadda, waxaana la filayaa in galabta ilaa beri subax ay Dekeda ku soo xirtaan, dibna shaqadii dekeda u bilaabato.

 

Dekadda Bosaso waxaa la wareegtey shirkad laga lee yahay dalka Imaaraadka Carabta taas oo lagu magacaabo P&O Ports, waxaana heshiiskaasi dhigayaa in muddo 30 sano ah ay hayso maamulkeeda.

 

Sidoo kale heshiisku waxa uu dhigayaa 336 milyan oo dollar in ay dekadda ku maalgeliso, taas oo ay waajib ku tahay 136 milyan oo keliya halka 200 oo milyan ee soo hartey aysan ahayn khasab sida shirkaddu ku faafisey website-ka ay leedahay.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]