Maxkamada Sare ee Maraykanka oo Ogolaatay dhaqan-gelinta Xayiraadii Socdaalka Muslimiinta

Maxkamada sare ee dalka Maraykanka ayaa ogolaatay in la dhaqan geliyo Xayiraadii xukuumada Trump kusoo rogtay dadka ka imaanaya lix wadan oo Muslimiin ah oo ay ku jirto dalka Soomaaliya.

 

Sharcigan ayaa xayiraad dul dhigaya dadka muslimiinta ah ee booqanaya wadanka Maraykanka gaar ahaan Muwaadiniinta u dhashay dalalka Soomaaliya, Yemen, Chad, Libya, Siiriya iyo Iran.

 

Maxkamada Sare oo ka kooban 9 Garsoore ayey labo kamid ah kasoo horjeesteen sharigan uu soo saaray Trump markii uu xilka qabtay, walow ay marar badan ay dhaqan gelinta sharcigan diideen maxkamadaha darajada koowaad oo ku tilmaamay sharcigan mid ka horimaanaya dastuurka ama ku saleysan isir sooc loogu talagay muslimiinta.

Dowlada Maraykanka ayaa listiga dalalkaasi ku dartay mar danbe muwaadiniinta wadamada Kuuriyada Waqooyi iyo Venezuela.

 

Balse sharcigan ayaa ah mid ahmiyada laga leeyahay ay tahay dhaqan gelinta balanqaadkii Trump xiligii uu ololaha doorashada ku jiray oo uu sheegay inuu dalka Maraykanka u diidi doono inay soo galaan dadka Muslimiinta ah.

 

Inkastoo dhaqan-gelinta sharcigan ay ogolaatay ugu danbey Maxkamada Sare, balse qeybo kamid ah sharcigan oo dacwadaha laga keenay ay weli horyaalaan Maxkamada Racfaanka ayaa la sheegay in dib loo dhigi doono, illaa inta maxkamadaha Racfaanka ay go’aankooda ku dhawaaqayaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *