|

DHACDO CUSUB: Madaxweyne Aroos aan hore loo arag u dhigay Ciidamadiisa (SAWIRRO).

Bishaar Al-Asad Madaxweynaha Dalka Syria ayaa Aroos wadareed u sameeyay boqolaal Askari oo ku dhaawacmay dagaalka ay dowladdiisa kula jirto Ururka Daacish iyo xoogaga ka soo hor jeeda dowladiisa ee Syria.

 

Madaxweynaha Dalka Syria iyo Ururro ka shaqeeya arrimaha gudaha oo ka jira Dalkaaasi ayaa Aroos wadareed u sameeyay boqolaal ka mid ah Askarta dalkaas oo ku dhaawacmay dagaalka ay dowladda Syria kula jirto Ururka Daacish.

 

Munaasibaddan ayaa lagu qabtay Magaalada Laatikiya ee dalka Syria, halkaas oo Askarta aroosayay ay xirnaayeen Tuutaha dagaalka halka Gabdhaha loo xiray Taaj ka sameysay Caddaan iyo Calanka Dalka Syria.

 

Dhacdadii tan ka horreeyay 2013 kii ayaa 15 Askari mar qura loo guuriyay Dadka ka hadlay Munaasibaddan ayaa u jeedka ku sheegay in Dadka dalkaas iyo Carruurtooda la jecleysiiyo dalkooda, Askartii naftooda u hurayna loo abaal gudo.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]