|

Shaqaale Diyaaradeed oo Hawada ku arkay Gantaal ay riday Kuuriyada Waqooyi.

Shaqaale saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda Cathay Pacific oo dul maraysay Japan ayaa ku warramay in ay arkeen wax ay uga shakiyeen gantaalkii ay toddobaadkii hore ridday Kuuriyada Waqooyi, sida ay shirkaddu sheegtay.

 

Shirkadda ayaa xaqiijisay in shaqaaluhu ay arkeen wax ay uga shakiyeen in uu yahay gantaalka oo dib ugu soo hoobanaya dhanka dhulka.

 

Waxay shirkaddu intaas ku dartay in aysan wax isbadal ah ku samaynin marinnadii ay diyaaradaheedu adeegsan jireen.

Bishii Nofembar 29-dii ayay Kuuriyada Waqooyi tijaabisay gantaal riddo dheer oo ay sheegtay in uu gaari karo meel kaste oo dalka Maraykanka ka mid ah.

 

Tijaabadaas ayaa sii kicisay xiisaddii kala dhaxaysay Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka kuwaas oo Isniintan billaabay dhoolatus milatari, Kuuriyada Waqooyi ayaana arrintaas ku tilmaantay daandaansi kama dambays ah.

 

Pyongyang ayaa gantaalka ay tijaabisay 29 Nofembar ku tilmaantay “gantaalkii ugu “awoodda badnaa” wuxuuna ku dhacay biyaha Japan, laakiin wuxuu sare u kacay meel ka saraysa kuwii ay Waqooyigu horay u riday oo dhan.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]