|

CADEYMO: WASAARADDA KALLUMEYSIGA DFS WAA BAADI IRMAAN !! WAXANA LA DEGAY ….

Wasaaradda Kallumeysiga iyo kheyraadka badda waa wasaaradda keliya ka kaaftoomi karta dhaqaalaha ay Wasaaradda Maaliyadda u qoondeyso wasaaradaha kale ee xukuumadda.

 

Waa wasaarad isku filan markeey si habsimi leh u howl gasho marna qeyb lixaad leh ka qaadan karta kobcinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka, tababarka kallumeeysata iyo maalgelinta keydiyaha kalluunka.

 

HADABA waxaa wasaaradaas  la soo daristay hogaan xumo, maamul liita, karti la’aan iyo aqoon darro baahsan taas oo uu hoos u dhigtay howshii ay qaban lahayd.

 

Wasiir Wasaaradda Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa  ku andacooda inuusan heysan dhaqaale uu isaga bixiyo Hotel-ka uu  deggen yahay ee SYL,  iswaydii xagee mushaarkiisa iyo gunnadiisu aadaa?.

Maxaa diiday in daqli ku filan wasaaradda abuurato waayaga shattiyada ka iibiya mawaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Wuxuu si takarfal ah u lunsadaa daqli-hoosaadka wasaaradda oo baaris dheer ka dib laga codsaday inuu ku soo gudo lacagta maqan muddo 60 casho ah.

 

Waxaa taa sababay qibrad la’aanta iyo awooda indhaha la’ ee la magac baxay “Baadi irmaan”.

 

Wuxuu u baryo tagaa oo uu weydiistaa hey’adaha caalimiga ah si aqalka wasaaraddu leedahay ee ku yaala xaafadda Cabdulcasiis hey’adda FAO uga bixiso qarashka dib u habeynta marna shirkadda private-ka ah ee amniga ku shaqeesata “Barcroft” ugu sameyso naqshad dab-xir ah.

 

Marka su’aashu waxay tahay yuu wasiirku u shaqeeyaa oo u godlan yahay ma qaranka Somaaliyeed oo u dhaartay mise shisheeyaha daneysta?.

 

Miyuusan ogeyn in ha’adahaan iyo wadama midoobay ee yurubta xeebaha Soomaalida si sharci darro ah uga kalluumeysta sida EU, IOTC, FAO iwm.

 

Halka ka aqriso; http://somalidamanta.org/2017/09/13/eu-nations-authorized-their-vessels-to-unlawfully-fish-in-african-waters-quartz/

 

Aqoon darada heysata waxaa ka mid ah ka war heyn la’aanta wadciga uu wadanka ku jiro oo u baahan isu tanaasulid iyo dib u heshiisiin.

 

Waxaa loo baahan yahay in la qeexo qeybsiga kheyraadka badda ayadoo la dhowrayo xuquuqda dastuurka siinayo maamul goboleedyada maadaama maamul goboleedyadu maamulaan xeebahooda.

 

Wasiirku wuxuu intaa war-tabiyayaasha iyo shirarka caalamka ku xadgudbaa qoondada maamul goboleedyadu leeyihiin. Wuxuu sharciga Kalluumaysiga Soomaaliyeed, xeer lr. 23 oo soo baxay 30ka Nofeembar, 1985 tilmaamayaa in Wasaaradda Federaalka la kaashato maamul goboleedyada xagga bixinta shattiyada;

 

Article 23 Authority of Issuing Licenses

  1. The Federal Republic of Somalia has the authority to issue licenses having consultation with the Regional Governments on the concerned areas.

 

Halka ka daawo warbixintii Jubbaland

http://jubbalandmedia.com/2017/05/jubaland-dowladda-soomaaliya-diyaar-uma-ahan-in-la-qeybsado-khayraadka-dalka/

 

Halka ka aqriso Warsaxaafadeedkii Puntland ka soo saartay shirkii Seychelles

http://www.puntlandes.com/?p=39046

 

Wuxuu ku caan baxay xalin la’aanta mushkiladaha sida ka saaridda baahida deg-degga ah ee wasaaradda iyo shaqaalaheeda qabaan, tayeenta maamulka iyo tayada shaqaalaha. Wuxuu si xadgudub ah ula dhaqmaa shaqaalihiisa asagoo marna ka xirta qolka shirarka, marna ka xayuubiya buugaagta xisaabaadka ee wasaaradda, marna qidmadda internet-ka kula xisaabtama, taasi waxay beertay kalsooni darro iyo wada shaqeyn la’aan.

 

Qibrad la’aanu waxay sababtay keli telin oo uusan la wadaagin talada madaxda kale ee ka tirsan wasaaradda, taasi waxay horseeday inuu mar qura ka qaado jagada Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha waaxda lacagta ee wasaaradda asagoo si ku meel gaar ah ugu dhiibay shaqaale muddo laba bilood joogay wasaaradda taasi waxay xadgudub ku tahay sharciga xuquuqda Shaqaalaha.

 

Dhismaha heykalka dowliga ah ayaa aasaas u ah maamul dowladnimo oo taabagal noqda, taasi waxay u baahan tahay dulqaad siyaasadeed iyo aragti fog. Wuxuu ku dhiiradaa bixinta qandaraasyada uu siiyo ehelkii, iyo u jilicsanaanta iyo u nacamleynta shisheeyaha Soomaaliyeed ee badaheeda sharcidarada ka kalluumeysta.

 

Mar hadii wasiirku ka miro dhalin la’ayahay howlaha wasaaradda ama xeerin waayey wacyiga uu wadanku marayo ee federalka ku dhisan ama talo ka qaadaneyn xildhibaanada uu matalo, hase ahaatee awoodi kari la’ayahay isku xirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe waxaa haboon in Raysal wasaaraha qaranka Mudane Kheyre dib u eegis ku sameeyo hogaanka wasaaradda kalluunka iyo qeyraadka badda ee federaalka.

 

W.Q Hanad Ali Guled.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]