|

C/raxmaan Cirro hoggaamiye Madaxweynenimo mudan [MAQAAL].

Ninku in uu yaqaan waxa uu doonayo iyo natiijada ka dhalanaysa tillaabada uu qaadayo waa indheergaradnimo.

 

In uu danta dadkiisa iyo dalkiisa uga tanaasulo jagadii u laacaysey isaga oo laga yaabo in uu isu arkayey inuu xaq u leeyahay ama uu ka mudan yahay ninka ka qaatay iyana waxay tusaysaa daacadnimo iyo damiir dadnimo.

 

Waxaa kaloo gobanimo iyo geesinimo ah in ninku ka sarreeyo siyaasada loo yaqaan “Cadyohow wallee ku cunay ama ku ciideeyey” oo dadka liita ku dhaqmaan.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa mawqifkaan oo kale horay u qaatay, wuxuuna ka helay magac iyo maamuus uu dadweynaha soomaaliyeed dhexdooda ka kororsaday, kursigiina wuxuu helay isaga oo aan erey iyo inkaar midna la socon, wuxuuna mawqifkiisa sharafta leh kaga baxsaday magac xumo iyo inuu sabab u noqdo burburinta iyo balaanbalinta dadka iyo dalka.

 

Waxaan marka hore ugu hambalyaynayaa Guddoomuye C/raxmaan Cirro mawqifka taariikhiga ah ee uu qaatay.

Xisbigiisa iyo taageerayaashiisana way ku mahadsan yihiin inay ku taageereen mawqifkaas qiimaha leh.

 

Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbigiisana waxaan ugu hambalyaynayaa xilka loo doortay, waxaana Ilaahay uga baryayaa inuu xilkaas ku guuleeyo, uuna ka dhigo mid diinta iyo ummaddaba wax tara, dadkiisana caddaalad ku haga, waxaana rajeynayaa inuu ficil ku muujiyo inuu dadkoo dhan madaxweyne u wada yahay.

 

Si gaara waxaan ugu mahadcelinayaa culinadii iyo indheergaradkii qiimaha badnaa ee dadaalka dheer ku bixiyay xakamaynta mashaakilkii doorashada, ka hor-tagga khilaafka iyo burburka, Ilaahayna ajar badan baan uga baryayaa.

 

Ehelkeena reer Somaliland-na waxaan u rajeynayaa walaalnimo iyo horumar dhinac walba ah iyo inay iska illaawaan xanaftii ka dhalatay ololeyaashii doorashada oo ay xala-dhalay ka noqdaan.

 

Hormuudka soomaaliyeedna meelay joogaanba waxaan ugu baaqayaa inay u wada istaagaan xallinta mashaakilka dadkeena ku haysta dunida daafeheeda iyo sidii dadkaan iyo dalkoodaba loo samata-bixin lahaa inta ay noolyihiin odayaashii soo gaaray soomaalinimada iyo macaankeeda oo diyaarka u ah inay danohooda gaarka ah uga tanaasulaan si ay dadkooda u badbaadiyaan.

 

Qoraalkan waxa uu ka tarjumayaa aragtida qoraha, looma fasiran karo tan Shacabka News.

 

This post reflects the opinions of the author and not necessarily those of Shacabka News as a publication.

 

W/Q: Sh. Axmed Cabdisamad.

 

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]