|

Yaa ka dambeeyey Qarixii Zoobe (AKHRISO)

Marka hore waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen shacabkii shuhadada ahaa ee ku geeriyooday qaraxii arxan darada ahaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho 14-kii Oktoobar 2017, waxaanna Allaah ka baryayaa in uu si deg deg u caafiyo intii ku dhaawacantay, soona nabad aruuriyo inta maqan ee la la’yahay.

Shaki kuma jiro kooxdii ama qofkii ka dambeeyey amase soo abaabulay ficilkaan foosha xun in uusan laheyn naxariis iyo danqasho bini Aadam, dhanka kalena aan loo helayn wax cudurdaar ah xasuuqa shacabkaas muslimka ah marka laga fiiriyo dhinac diimeed iyo dhinac caqliga fiyoow ee toosan, Qaraxaan iyo dhibtii uu geystay waxa ay ahayd arin aad u fool xun oo ay ka murugoodeen cid walba oo ay agtooda qiimo ka leedahay nolasha binaadamku.

Hadaba su’aasha is weydiinta mudani waxay tahay mala dhihi karaa xasuuqaan waxaa ka dambeeyey koox sheegayneysa in ay dagaal ugu jirto qorina u qaadatay in ay dhibka ka saarto muslimiinta ku nool daafaha dunida gaar ahaanna shacabka Soomaaliyeed? Dhanka kalena sheeganaysa in ay soo celineyso Khilaafadii Islaamka ?

Allaah ayaa naga og xaqiiqada dhabta ah ee ku aadan cida soo abaabushay ama ka dambeysay qaraxaan ay ku hoobteen boqolaal qof oo shacab rayid ah, hase ahaatee qaraxyada iyo inta badan dilalka ka dhaca Soomaaliya ayaa lagu yaqaanay koox gooni ah, kooxdaas oo aan ilaa iyo hadda ka hadlin falkaas ayaga oo aanan sheeganin amaba aan iska diidin ku lug lahaanshaha Qarixaan. Hasa-yeeshee ka aamusitaanka dhacdaadan ay ku geeriyoodeen in ka badan 300 oo qof ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badani waxay badineysaa tuhunka ay qabaan inta badan shacabka Soomaaliyeed ee ah in ay falkaan ka dambeeyeen kooxaha islaamiyiinta.

Su’aal kale oo isweydiin mudan ayaa ah armeysanba ayagu ka danbeyn? Hadaba yey kale oo ay noqon karaan ? Qaar ka mid ah shacabku waxay qabaan marka la eego burburka iyo baaba’a uu geeystay qaraxaani in koox Soomaali ahi aysan awood u lahayn in ay qarax intaas le’eg ku dhex sameeyaan gudaha Soomaaliya waxayna dadkaasi aaminsan yihiin in ay qaraxaani ka dambeeyeen shirkado shisheeye oo horay falal caynkaan oo kale ah uga soo sameeyey wadamo ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Afghanistan sida shirkadda Black Water iyo sidoo kale suuragalnimada in musiibadaan ay soo maleegeen dowlado isku heysta danaha iyo kheyraadka dalkeena Soomaaliya.

Si kastaba ahaatee, waxaan shaki ku jirin in Somaliya ay ku jirto marxalad aad u adag, waxayna shacabka Soomaaliyeed u muuqdaan kuwa ku jira jahwareer iyo roundabout aan laheyn exit laga baxo ..

Gabagabadii iyo gunaanadkii shacabka Soomaaliyeed kama baxayaan dhibka ay ku jiraan ilaa inta ay Allaah u towbad keenayaan oo ay diinta u soo noqonayaan ..

Dhibka igu weyn oo Somali heysta ayaa ah qabyaalad… ilaa midaas laga gudbana dib uma soo noqonayso qaranimadii iyo sharaftii Soomaaliya.

Wabillaahi Tawfiiq. Abdiwali Calbato

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]