|

DEG DEG: Weerar Culus ay Qaadeen Ciidanka Puntland & Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo Baxaysa (DAAWO SAWIRRO)

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgalo ay sameeyaan ciidamada Difaaca ee Puntland, gaar ahaana kuwa sidda gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano PSF, laguna wajahay meel ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan kooxda Argagixisada ah ee Al- Shabaab.

Ciidamada oo ka duulaya xogaha ay ku heleen dhinaca Wardoonka ayaa howlgalkan ku qaaday maleeshiyaad la rumeysan yahay in ay ahaayeen kuwii ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Kontoroolka magaalada Boosaaso 3 habeen kahor.

Saraakiisha howlgalkaas ayaa sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen kooxaha Argagixisada, ayna heleen maclumaad dheeraad ah oo ku saabsan kooxahan.

Puntland ayaa muddo dheer dagaal kula jirta kooxo Argagixiso, waxayna duulaamo qorsheysan ku qaaday buuraleyda Caalmadow oo ay ku dhuumaleysanayaan kooxahan, iyadoo sidaas oo kale ay jireen weeraro gaadmo ah oo ay soo qaadeen kooxahaas khasaare kala duwana uu ka dhashay.

Madaxweynaha Puntland ayaa bartimihii sannadkan ku dhawaaqay dagaal adag oo lagu qaado kooxahan ku dhuumaleysanaya buuraleyda Caalmadow, si looga guul-gaaro la dagaalanka kooxahan Argagixiso.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]