Xog ay heshay Wakaaladda Wararka Shacabkanews.com  ayaa waxay sheegayaan in Farmaajo uu doonayo in isbedal weyn  uu ku sameeyo dowladdiisa marka uu 10 bil sano jirsado, sidoo kalena waa laga yaabaa in Sanad kadib uu suganayo.

Farmaajo ayaa doonaya inuu meesha ka saaro wasiiro badan, xitaa Ra’iisul wasaaraha ayaa qalqal ku jiraa xilkiisa, waxaa sidoo kale shaqada laga saari doonaa xubno badan oo Sanadkii ugu horreeyay lagu raaligelinayey maadaama ay garab siiyeen madaxweynaha.

Wuxuu doonayaa Farmaajo inuu Seddex sano dambe oo waxqabad dhab ah la yimaado meeshana ay ka baxaan cid walbo oo nin jecleysi iyo abaal marin xilka loo siiyey.

Waxaa bixi doona oo shaqada laga saari doonaa xubno badan oo hadda meello kamid ah hay’adaha dowladda maamula, saraakiil ciidan, agaasimayaal iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Shacabka ayaa ka aaminay Farmaajo inuu noqday nin ka gaabiyey howlihii laga rabay maadaama uu haystay taageero badan oo dhanka shacabka ah.