|

DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo si adag uga Hadlay shirka Kismaayo , Akhriso Muxuu ka yiri ?

 Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo oo soo saaray warsaxaafadeed ku aadan
shirkii madaxda maamul goboleedyada ugu soo
dhammaaday Kismaayo ayaa ku baaqay midnimo.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri
“Madaxweynaha wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka
ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada, waxa
uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan
tahay wada shaqeynta hey’adaha Federaalka iyo
hey’adaha heer Dowlad Goboleed si looga mira dhaliyo
waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo
himilooyinka shacabka Soomaaliyeed”
“Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan
waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u
kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari
karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo
iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah
midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri
Madaxweyne Farmaajo.
Farmaajo ayaa tilmaamay in ay marwalba imaan karto
dhaliilo iyo dal-daloolo ka yimaada wadashaqeynta
heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama
maarmaan ah, buu yiri, in lagu xalliyo wadahadal iyo
isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo
la raacayo habraaca dastuurka iyo qawaaniinta dalk.

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]