|

XOG DEG DEG AH: Maxay go’aan gaareen Guddigii Baarlamaanka Somalia ee loo xilsaaray Qadiyaddii QALBI DHAGAX

Maanta ayay ku eg tahay mudadii guddoonka baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya u qabtay 15 Xildhibaan oo ahaa guddi gaar ah oo loogu xilsaaray in ay go’aan cad ka gaaraan Qadiyadii ku saabsaneyd Dhiibitaankii dawladda Itoobiya loo dhiibay mid kamid ah Madaxdii Jamhada Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF iyo go’aankii ay bishii September qaadatay Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya.

Guddigan oo maalmihii ugu dambeeyey lahaa shirar xasaasi ah ayaa la kulmay cidda ay khuseyso qadiyadan, gaar ahaana Xaafiisyada Madaxweynaha, Raysalwasaaraha iyo Saraakiisha Nabadsugidda oo ay marar badan iskaga daba laabteen.

Warar hoose oo ku dhaw guddiga ayaa sheegaya in ay qoreen warbixin la xariirta baaritaankooda, ayna dib ugu celin doonaan maanta guddoonka baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Mid kamid ah xubnaha guddiga oo diiday adeegsiga magaciisa ayaa u sheegay warsidaha Puntlandtimes in ay Raysalwasaaraha iyo Taliyaha Nabadsugiddu ay ka war-wareegeen in ay la hadlaan guddiga markii ugu dambeysay, ayna u qabteen dhawr balamood oo kala duwan.

Sidaas oo kale guddiga ayaa helay dhambaalo qoraaleed ay is dhaafsadeen dhinacyo Sirdoon, kuwaas oo khuseeyey Kiiska Sarkaalkan katirsanaa ONLF ee Cabdikariim Sheekh Muuse (QALBI DHAGAX) oo ay qabteen ciidamada Soomaaliya.

Guddiga gudihiisa ayaa isku qabtay marar badan arrimaha doodaha iyo go’aan gaarista qaarkeed, waxaana ay hadda aqbaleen qodobada qaarkood oo ay isku afgarteen sidii loo horgeyn lahaa baarlamaanka Faderaalka.

In ka badan 157 Xildhibaan oo katirsan baarlamaanka Faderaalka ayaa soo jeediyey Mooshinka ah in laga doodo talaabadii lagu dhiibay Sarkaalkan, waxaana sidaas oo kale caqabad weyn wali ka taagan tahay sidda loo maareyn karo Xildhibaanada.

Culeysyo adag oo siyaasadeed ayay mar kale ku tahay Xukuumada Soomaaliya, haddii kiiskan ay soo bandhigaan guddigii loo xilsaaray, waxaana halis ah in go’aamada ka soo baxaa ay noqdaan kuwa aan farxad galin Xukuumada Faderaalka oo welwel weyn ka qabta qadiyaddan.

Dhiibitaankii dawladda Itoobiya lagu wareejiyey mid kamid ah ragga ay sida aadka ah u doonaysay ee katirsanaa Madaxda ONLF iyo Qaraarkii ay 6 September 2017 qaadatay Xukuumada Soomaalida ee Jamhadda ONLF loogu aqoonsaday mid Argagixiso ayey dawladda faderaalku ku weyday taageerayaal fara badan oo u badan Shacabka Soomaaliyeed.

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]