|

AKHRISO: Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Wuxuu 11 Sifo Dheera Madaxda maanta is Haysata ee Hoggaaminaya Soomaalida!!

Col, Cabdullaahi Yuusuf Axmed Xasan wuxuu soo noqday Saraakiishii ciidamadii Xooga dalka, Hogaamiyihii Jamhadii SSDF ee la dagaalantay dawladdii Jaalle Siyaad Barre, Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland oo uu labo goor noqday, Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed Muqdishana si dhameystiran u gaarsiiya dawladnimada Soomaaliya, ka dib burburkii iyo Ceyrintii dawladdii xooga badneyd ee Marxuum Maxamed Siyaad Bare.

Baarlamaan tiraddiisu ahayd 275 Xildhibaan oo lagu soo xulay Habka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 ayaa 10-10-2004-tii xili habeenimo garoonka Kasaraani ee magaalada Nairobi dalka Kenya Madaxweyne-nimo u doortay Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Cabdullaahi Yuusuf ayaa dawladdaas KMG ahayd wuxuu ka dajiyey Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaana Jowhar, Baydhabo oo KMG ahaa iyo ugu dambeyn Villa Soomaaliya oo uu salka u dhigay in la geeyo Dawlad ay Soomaalidu wada dooratay.

Siyaasiinta aan ku qanacsaneyn xiligaas hogaamintii Madaxweyne Yuusuf ee la dagaalamay oo ay ka mid ahaayeen Hogaamiyasha maanta qaarkood waxay isla qireen in uu ahaa Hogaamiye Hiraal lahaa, mar kastana eegayey Danta Ummadda Soomaaliyeed, qaarkood waxay u qireen AAMIN run sheeg ah oo aan aqoon ka labo-labeyn xaqiiqada hortiisa taala.

Dadka dhaliila iyo kuwa amaana Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed waxay isla qirsan yihiin 10 siyaabood oo uu dheeraa Hogaamiyaasha maanta hogaaminaysa Soomaalida ku daaqaysa dhib iyo dheefba wixii ay lahayd talaabooyinkii uu qaaday hogaamiyahaas hogaamintiisu noocyada badan lahayd.

Allaha u raxmadee Madaxweyne Yuusuf wuxuu balan qaaday in uu xilka Madaxweyne-nimada Soomaaliya kusoo celin doono baarlamaanka doortay haddii uu guuldareysto, waxna ka socodsiin waayo arrimaha horyaala oo fara badnaa, isagoo Oofinaya balantii uu qaaday 10 October 2004, habeenkii la doortay, wuxuu go’aansaday December 2008-dii in uu ku wareejiyo Gudoomiyihii baarlamaanka ee waqtigaas xilka Madaxweyne-nimo oo waa uu is casilay waana markii ugu horeysay ee Taariikhda Soomaalida Madaxweyne iscasilo.

11-ka qodob ee Hoos ku qoran ayey isku raaceen dadka dhaliila Cabdullaahi Yuusuf iyo kuwa jecel ee taageersanaa Hogaamintiisii xiliyada adag lahayd.

1- Wuxuu noqday Hogaamiyaha kaliya ee aan laga dhaxlin Aduunyo nooc kasta oo ay tahay, aana ku tagri-falin ama adeegsan Hantida Dadweynaha ee uu marar badan soo maamulay.

2- Wuxuu ahaa nin ay ka go’antahay in uu Somalia ku soo celiyo sidii ay ahayd waqtigii uu mucaaradka noqday oo ay mar uun noqoto mid kamid ah dawladdaha ugu xooga badan.

3- Wuxuu ahaa nin dadka dhagaysta tiisana meel u taala, balse aad odayaasha iyo dadka markaas hawsha kala hadalaya qanciya, jecelna in wax kasta ay Isimaddu u noqdaan bud-dhig ama meesha ay ka bilowdaan kuna dhamaadaan.

4- Wuxuu ahaa nin aan hadalkiisu leex leexad aqoon oo wuxuu diidayana sheega…Wuxuu ogol yahayna sheega

5- Wuxuu ahaa geesi go’aan qaadasho leh, waxaana uu marar halis u galay go’aamo uu qaatay, sidda (Xabsiga dheer uu ku galay dalka Itoobiya markii uu diiday sheegashada Addis Ababa ee deegaano Soomaaliya leedahay).

6- Wuxuu ahaa nin dalka oo dhan xog rasmi ah ka haya oo meel.kasta oo nin Sargaal ah ka war haya oo ku ogaa meeshaas, lana socon jiray daruufaha ku xeeran.

7- Wuxuu ahaa nin Naxariis badan oo deeqsi ah, haddii aadan adigu markaas hawshiisa ka hor imaan.

8- Wuxuu qof Saaxiibtinimada ay ku dheerayd, lahaana Saaxiibo wanaagsan oo ay soo wada jabeen.

9- Wuxuu ahaa qof aad dadka u kala yaqaan haddii aad hadasho wuxuu soo saarayaa ama soo dhaweynayaa Aabahaa ama Awoowgaa, taas oo ku dhaxlay aqoonta u leeyahay dhinacyada Siyaasadda Soomaalida.

10- Wuxuu ahaa nin Cadowgiisa yaqaan Ciidanka u shaqeeyana ka war haya, Amniguna u ahaa mid kamid ah yoolasha uu xooga saarayey.

11- Wuxuu ahaa nin kaftan badan oo jecel qof kasta in uu qanciyo….asaga oo Waliba runta isha ka saaraya, lagumana aqoon laba-labeyn hadal.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]