|

Dhageyso Dagaal Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kaasi oo Dhexmaray Ciidanka Galmudug Iyo

Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug ayaa maanta waxa ay weerareen Maleeshiyaad Saacadihii la soo dhaafay Isbaarooyin soo dhigtay Duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud .

Waxaana halkaas ka dhacay Iska hor’imaad u dhexeeyay Galmudug iyo Maleeshiyaadkaasi, iyadoona uu ku dhaawacmay Askari ka tirsan   Galmudug.

Guddoomiyaha dhalinyarada deegaanka Godinlabe Cabdiqaadir Xirsi ayaa sheegay in Isbaarooyin hor leh ay deegaankaasi soo dhigteen maleeshiyaad hubeysan, islamarkaana maanta  Galmudug ay ka qaadeen halkaas, kadib markii weerar xoogan ay ku qaadeen Maleeshiyada jid gooyada soo dhigtay.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in  Galmudug ay ku guuleysteen in ay qaadaan jid gooyooyinkaas islamarkaana ay fariisimo cusub ay ka sameyteen deegaanka.

 Galmudug ayaa dhowr jeer sidaan oo kale ugu guuuleystay in ay ka qaadaan Isbaarooyin sharci darro ah oo la soo dhigo deegaanada Maamulkaas

HOOS KA DHAGAYSO CODKA

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]