|

DEG DEG: Beeshee ayuu kasoo Jeeda Wasiirkii Taageeray Dhiibistii Qalb-Dhagax oo Puntland Xilka ka Qaaday maanta…

Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Cadixakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey ayaa xilkii ka  qaaday Wasiirru Dawlihii Madaxtooyada ee Xirirka Gobolada Puntland Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurhan oo kasoo jeeda Beesha mareexan asagoo  si furan u  taageeray  go’aanka Dowladda federaalku  Ethiopia ugu gacan galisay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jamhadda ONLF.

Wasiir Gurxan ayaa waraysi uu siiyay Idaacadda Daljir toddobaadkan wuxuu ku  sheegay in go’aanka Golaha Wasiiradu in uu ahaa mid masiiri ah, isagoo sheegay inuusan ururka ONLF u aqoonsanayn Jabhad qadiyad shacabka Ogaadeeniya matalaysa, balse ay taa baladelkeeda yihiin urur aan hadaf lahayn. Waxaa kaloo uu sheegay in xukuumadda Puntland in uu ku matali karo ka hadalka qadiyada Qalbi-dhagax, islamarkaana ay isogyihiin madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Xubno ka tirsan xukuumadda Puntland ayaa aaminsan in Wasiir Gurhan uu ka hadlay arrin xasaasi ah, taasi oo dowladda Puntland ayan qayb ku lahayn, shaqana ayan ku lahayn qabashadisii iyo dhiibitiisii qalbi-dhagax midna, arrintaasi oo shacabka Soomaaliyeed ay si weyn uga horyimaadeen in Qalb-dhagax loo gacan galiyo dowladda Ethiopia.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]