|

XOG: Muuse Suudi oo Muqdisho ka wada Qorshe Halis ku ah Xukuumadda Kheyre

Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah Xubnaha Aqalka sare ayaa Magaalada Muqdisho ka wada qorshe uu ku dhabar jibinayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Shacabkanews.com ayaa sheegeysa in xalay Magaalada Muqdisho Hotel ku yaala uu ka dhacay kulan looga soo horjeedo Xukuumadda Kheyre, iyadoo kulanka uu hormuud ka ahaa Muuse Suudi Yalaxow oo hore kaga mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii dalka soo qaribay.

Siyaasiyiin caan ah oo ka mid ah Beesha Abgaal ayaa madasha ku sugnaa inkastoo shaqsiga Xogtan la wadaagay Warqaad.com uu diiday inaan xusno magacyada shaqsiyaadka kale.

Si caro leh ayuu Muuse Suudi shalay kaga hadlay in Aqalka sare uu ka hadli waayo arinta Qalbi dhagax oo lagu balansanaa balse markii cod loo qaaday la go’aamiyay in dib loo dhigo.

Xubno ka socda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shalay abaabulay kacdoon looga soo horjeeday in go’aan laga gaaro Mawqifkii Xukuumadda ka istaagtay arinta Qalbi dhagax, waana ay ku guuleysteen xubnihii aqalka sare ee Kheyre ka socday.

Si kastaba ha ahaatee Siyaasiyiin xalay ku shiray magaalada Muqdisho ayaa isla gartay in Madaxweyne Farmaajo ay u gudbiyaan codsi ku aadan inuu ku qasbo iscasilada Xasan Cali Kheyre, hadii ay dhici weysana in ay la yimaadaan qorshe kale oo dowlada ay taageeradeeda kala laabanayaan

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]