|

Magaalada Gaalkacyo oo xalay Lagu Dilay Mid kamida ah Dhalinyarada Ciyaaraha

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa xalay lagu dilay mid kamida ah dhalinyarada kubada ciyaarta.

Kooxo hubaysan ayaa waxay weerar ku qaadeen mid ka mid ah Hotelada ku yaala Xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo oo lagu Magacaabo hotel Kulmiye oo uu fadhiyey wiilkan xiligii weerarkaasi lagu qaadayey.

Wiilka dhalinayaarda ah ayaa la sheegay in uu ka mid aha dhalinyarada Ciyaaraha Gobolka Mudug waxana la sheegay in kooxdii falkasi dilka ah fulisay ay Goobta isaga baxsadeen.

Majirin wax ciidan ah oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay iyo waliba cid sheegatay masuuliyada dilka wiilkaas dhalinyarada ah ee xalay la dilay.

Qeybta uu dilka ka dhacay ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maamula Puntland mana jirto wax ka mid ah Saraakiisha iyo Maamulka Gaalkacyo ee k hadlay dilka wiilkaas dhalinyarada ah.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]