|

Alshabaab oo shaacisay magaca iyo Qabiilka ninkii fuliyey Ismiidaamintii Beled-xaawo (Aqri)

Warbaahinta Al-shabaab ayaa maanta shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii waday gaarigii isku qarxiyay saldhigga ciidamada dowladda ee degmada Beledxawo.

Iss-miidaaiyaha fuliyay weerarkii ay Alshabaab shalay muddo kooban ku qabsadeen degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa lagu magacaabaa Axmad Jaamac Nuur (Zubeyr), wuxuuna kaso jeedaa o u dhashay Qabiilka Reer Shabeelle.

Ninkan oo wareysi siiyay Warbaahinta Alshabaab ee Andalus ayaa sheegay inuu Alle ugu dhowaanayo camaliyada is-miidaaminta ah ee uu isu diyaariyay, waxaana uu ka hadlay ciidamada kusoo duulay Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jiraan Gaaladda.

Alshabaab ayaa sheegatay in weerarkii Beledxawo ay ku dileen ilaa 30 askri, taasoo ay beeniyeen ciidamada dowladda iyo maamulka Jubbaland. Alshabaab ayaa shaacisa sawirradda, magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan is-miidaamiyeyaasha.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]