|

DEG DEG AKHRISO: Puntland & Galmudug oo heshiis Cusub kala saxiixday iyo Beesha Caalamka oo ku dhawaaqday…

Shir maalmihii ugu dambeeyey ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa goor dhaw soo dhamaaday, iyadoo ay ka soo baxeen qodobo qeexaya hanaanka nabad kuwada noolanshaha labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug, waxaana si gaar ah diiradda loo saaray dhibaatooyinka jira.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in lameelmariyo qodobadii horrey loogu heshiiyey kal hore, ayna noqdaan kuwa ay dhinacyada oo dhan suuragaliyaan.

In ciidamada isku dhafka ah ee laga hirgaliyey gobalka Mudug, gaar ahaana magaalada Gaalkacyo ay noqdaan kuwa ka howlgala miyiga iyo magaaladaba, lana dagaalama cid kasta oo falal amaan darro wada.

Iskaashiga dhinaca amniga ah ee la dagaalanka argagixisada iyo kooxo kasta oo abaabulaya falal amaan darro, in ay labada dhinac is weydaarsadaan ayaa kamid ah qodobada heshiiskan cusub.

Cidii jabisa heshiiska waxaa loo aqoonsan doona Qaswadayaal aan dooneyn nabad iyo daganaansho, talaabo cadna ay ka qaadi doonaan Beesha Caalamka iyo dawladda Soomaaliya.

Dadweynaha iyo maleeshiyaadka hubeysan ee miyiga ayaa loo sameyn doona wacyigalin la xariira heshiisyada iyo sidii nabad looga dhigi lahaa mid sal adag ku taagan, loogana guuro colaadda iyo dibu dhaca baahsan.

Heshiiska waxaa ku jira in 90 maalmood gudahood la diyaariyo shirweyne dibu heshiisn caam ah oo kadhacda gobalka Mudug, ayna garwadeen ka yihiin labada maamul.

Leave a Reply








120x600 ad code [Inner pages]




 




 




300x250 ad code [Inner pages]