|

DEG DEG+AKHRISO: Dawladda Puntland oo si adag uga hadashay xiisad taagney, uguna yeertay Qaran Dumis.

 Dawladda Puntland ayaa si adag uga hadashay cabashada ka soo yeeraysa Shacabka ee ku aadan Lacagta Shiling-ka Soomaaliga oo ay diideen ganacsatada magaalooyinka dalka qaarkood.

Shir jaraa’id oo ay si deg deg ah ku qabteen Wasiiradda Maaliyadda, Arrimaha gudaha, Amniga iyo Bangiga dhexe ee Puntland ayay ku cadeeyeen in ay aaminsan yihiin in cidii lacagtaas diida ay ka soo horjeeda amniga iyo shaqada dalka loo hayo.

Warsaxaafadeed loo qeybiyey Saxaafadda ayna ku saxiixan yihiin wasiirka Maaliyadda  iyo gudoomiyaha Bangiyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in cidii lacagtaas is hor istaag ku sameysa, kalana soocda ay tahay cid kasoo horjeeda Amniga iyo qaranimada Soomaaliya.

Warkan waxaa lagu xusay qodobada kala ah.

1-         Lacagta Shiling Soomaaligu waa Astaan Qaran, dal kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana ciddii ka hortimaadana waa Qaran dumis.

2-         Dawladda Puntland lacagta Sh, SO waxay ku qaadaa Canshuurta, waxayna ku bixisaa Mushaarka ciidamada & Shaqaalaha dawladda, meel ay ku diidayna ma jirto.

3-         Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh, SO qaataan, iyaga oo aan kala gurin, Sarif kala duwanna looma samayn karro, arrintaas oo aan diin ahaan banaaneyn (RIBO).

4-         Hay’adda dawladda Puntland ee fulinta shaqada, qeybaha ku leh, waxaa laga doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan.

Leave a Reply








120x600 ad code [Inner pages]




 




 




300x250 ad code [Inner pages]