|

DEG DEG DAAWO: Cali Seeko Oo Fashilay Shaqsiyaad Doonayo Dowlada Federaalka In Ay Ooga Faa,iidaystaan Arinka…

Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) oo ka hadlay Arinta qalbi dhagax iyo sida Shacabka iyo siyaasiyiinta uga fal celiyeen ayaa wuxuu sheegay iney jiraan shaqsiyaad doonaya iney iska hor keenaan Dowladda iyo Shacabka.

Cali Seeko ayaa sheegay iney muhiim tahay in Arinta C/kariin Sheikh Muuse Qalba Dhagax loo daayo madaxda Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay iney mas’uuliyadda ka saaran tahay,islamarkaana la joojiyo war xumo tashiilka.

Afhayeenkii hore ee Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax (Cali Seeko) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney is dejiyaan kuna kalsoonaadaan madaxdooda Qaranka.

Baraha Bulshada waxaa qabsaday ka hadalka Qalbi dhagax oo Dowladda Soomaaliya lagu eedeeyay iney ku wareejisay Itoobiya oo la aamisan yahay iney dagaal adag kula jirto Ururka Xoreynta Ogaadeyniya ONFL.

Halkaan Ka Daawo.

 

Leave a Reply








120x600 ad code [Inner pages]




 




 




300x250 ad code [Inner pages]