|

DAAWO: Maxaa Iskabadalay Dowldda Federaalka Kadib Taageeradii Yaabka laheyd ee Odayaasha iyo Siyaasiyiinta Beesha Hawiye….

Odayaasha dhaqanka Hawiye iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta beeshaas ayaa si weyn udifaacay dowladda Soomaaliya kadib Doodii  ka dhalatay dhiibidii Qalbi-Dhagax oo Itoobiya asagu iskii iskugu dhiibay, Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku jaahwareeray Arinta  sargaalka Qalbi-dhagax oo la sheegay inuu ONLF ka tirsanaa..

Laakiin odayaasha Hawiye ayaasheegay in Dowlada laga Gardaran yahay kadib markii ay si rasmi ah ugarab istaageen “waxaa qasab ah in shacabku dowladooda ku kalsoonaadaan”ayuu yiri Nabadoon Xaad oo saxaafadda la hadlayay.

Arrintan ayaa wax ka badashay madaxtooyadda Soomaaliya, maadaama ay taageero ka heleen odayaasha deegaanka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Salaad Cali Jeelle oo kamid ah siyaasiyinta taageerta dowladda ayaa dhanka kale ka farxiyay dowladda, isagoo wareysi uu bixiyay uga hadlay qaabka ay tahay in dowladda loola dhaqmo.

“Meeqo ayay Itoobiya kasoo bad-baadiyeen, maxaanan loo fiirineyn wanaaga ay dowladu sameysay”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo sheegay in arrintan la siyaasadeynayo

Dowladda ayaa la filayaa iney dhawaan banaanka keento Arinta C/Kariim Qalbi-dhagax

Leave a Reply








120x600 ad code [Inner pages]




 




 




300x250 ad code [Inner pages]