|

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo kulan deg deg ah ku baaqay

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka Somaaliyeed ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha Xawaadle in ay ka soo qeybgallaan kulan muhiim ah ugu danbeyn maalinta Isniinta ah.

Kulanka oo ka furmaya magaalada Beledweyne ayuu sheegay Ugaaska in lagu wargalinayo dhamaanba siyaasiyiinta iyo waxgaradka beesha in muddo saddex cisho ah gudahood ah ku soo gaaraan magaalada Beledweyne.

Ugaaska oo la hadlay saxaafada ma uusan faah faahin ujeedada kulanka, hasse ahaatee baaqa Ugaaska ayaa ku soo beegmay xili xiisad siyaasadeed ee ka dhax oogan tahay maamulka curdanka ah ee  Hirshabeelle.iyadoona uu ugaas diidanaa dhismaha maamulkaas.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]