|

Madaxweynaha Puntland oo safar ugu baxay Dalka Sucuudiga

Waxaa subaxnimadii maanta soo gaarey magaalada Bosaso Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Gaas, Afhayeenka Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi qaar kmaid ah shaqaalaha xafiiska Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa isla maanta ka baxay magaalada Bosaso waxaana ay ku wajahan yihiin magaalada Jidda ee Boqortooyada Sucuudi Caraabiya.

 

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas ayaa ka qayb-qaadanaya sanadkan gudashada waajibaadka Xajka oo bilaamaya maalmaha soo socda.

 

Cabdiweli Cali Gaas ayaa saxaafadda kula hadley garoonka diyaaradaha ee Bosaso wuxuu sheegay in uu soo gudanayo waajibaadka xajka, dalka u soo duceyanayo, isagana la soo cafiyo, loona soo duceeyo.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland kulamo la qaato masuuliyiin kamid ah Boqortooyada Sucuudiga oo ay ka wada hadlaan arrimaha ganacsiga iyo iskaashiga.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]