|

Mareykanka “waxaan ku ammaaneynaa Dowladda Soomaaliya fududeynta a iyo isa-soo dhiibidda Abu Mansoor”

(Arbaco, Augusto, 16, 2017 (SH-NEWS):Dowladda Mareykanka ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku ammaantay fududeynta iyo isa-soo dhiibidda hoggaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor.oo Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka uu liiska Argagixisada ka saaray.

war-saxaafadeedka kasoo baxay dowladda Mareyka ayaa taageertay nidaamka dowladda Soomaaliya ay waddo oo ah kala furka madadxda Al Shabaab oo ay kamid tahay isa-soo dhiibitadda hogaamiyaasha sar-sare ee kooxda.

Dhinaca kale dowladda Mareykanka, ayaa ku boorisay dowladda Federaalka ee Soomaaliya in ay sii waddo abuuridda waddooyinka xubnaha Al Shabaab ay ku diidi karaan xagjirnimada uguna soo biiri karaan dadaaladda dib-u-dhiska nabadda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale dowladda Mareykanka ayaa ay taageero umuujisay madaxda Dalka Dadaaladda dib-u-heshiisiinta, xaqiijinta dowladnimadda iyo helidda adeegyadda.ay wadaan tan iyo intii xilka ay qabteen.

Bishii lasoo dhaafay, Mareykanka ayaa liiska Argagixisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in Abuu Mansuur laga saaray liiska Argagixisada Caalamiga, waxaana madaxiisa dul saarnaa 5 milyan oo dollar.

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]