|

warbixin:Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta Dowladda Federaalka Oo Jabuuti Gaaray.

Wafti uu Hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Cabdi Cashuur Xasan ayaa lagu soo dhaweeyay caasimadda dalka Jabuuti ee Jabuuti, halkaasi oo booqasho rasmi ah uu ku tegy,

wasiirka iyo waftigiisa waxaa Dalka Jabuuti kusoo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta dalka Jabuuti Mudane Cabdi Youssouf Sougueh, Madaxa Djibouti Telecom Mudane Maxamed Cosoble Buuxe iyo Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Aadan Xasan .

soo dhaweynta waftiga kadib waxay labada dhinac wada qaateen kulumo isxog wareysi ah oo looga arinsaniyo arimaha hormarinta iyo iskaashiga dhinaca isgaarsiinta ay ka mid tahay dhaqan gelinta heshiiska Boostada Jabuuti iyo Soomaaliya ay  hore u saxiixdeen labada dal 


Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Cabdi Cashuur Xasan wuxuu sheegay in ay la soo qaadi doonaan dhigoodda dalka Jabuuti arrimaha la xiriira horumarinta Iskaashiga dhinaca Isgaarsiinta iyo boostada

“Waxa aan u soconaa howlo ay ka mid tahay dhaqan gelinta heshiiska Boostada Jabuuti iyo Soomaaliya oo aan hore u saxiixanay kaas oo ku saabsanaa in Boostada Jabuuti ay noqoto xiriirka Boostada Soomaaliya ee dibedda(Gateway ) iyo arrimo kale oo xiriira horumarinta xiriirka labadda dal ee dhinaca Iskaashiga horumarinta Isgaarsiinta” ayuu yiri Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Somaaliya Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan.

Wasaaradda Isgaarsiinta oo ku guulaystay in barlamaanka iyo gollaha wasiiradda ansixiyaan xeerka isgaarsiinta federaalka ayaa sheegtay in la soo wareegi doonto furaha telefoonada Soomaaliya ee 252 iyo midka internetka ee .Somaaliya 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]