|

warbixin:Mukhtaar Roobow Cali oo Warbaahinta Loo Soo Bandhigay.

War -saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa lagu sheegay Dowladda Federaalka in ay soo dhaweyneyso Mukhtar Roobow Cali oo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya jooga, xaqiijiyeyna in uu ka baxay ururka Al-Shabaab.

sidoo kale war saxaafadeed ka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadeeda gun dhig weyn u tahay soo dhaweynta cid kasta oo ka tanaasusha sida hadalka ay u dhigtay falalka argagixiso.

Warka ka soo baxay wasaarada warfaafinta ayaa lagu sheegay iyada oo laga duulayo cafiskii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ay dowladdu ballan-qaadeyso soo dhaweynta cid walba oo ka tanaasusha fikirka Al-Shabaab.

Qoraalka ayaa sidoo kale loogu mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay, kaalinna ka geysatay wada-hadalka lala wado Roobow, gaar ahaan bulshada qeybaheeda kala duwan iyo saaxiibada beesha caalamka.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa si cad wuxuu u sheegay in uu ka baxay Ururka Al-shabaab, muddo laga joogo shan sano ka hor.

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka

Loading…

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]