|

warbixin:Mudaaharaadyo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool.

Mudaharaad lagaga cabanayo diidamada lacagta shilinka Soomaaliga ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool. iyadoona meelaha qaarkood ka uu muduharaadka   rabshado isku rogey lama oga ilaa iyo hada  khasaaraha ka dhashay,

muduharaadka ayaa ka ku bilowday kadib markii dhalinyaro ay weerar dhagxaan ah ku qaadeen meheradaha furan.
waxaana intaas kadib xirmay xurumaha ganacsiga magaalada gaar ahaan kuwa ku yaala faras magaalaha, iyadoo mararka qaarkood la maqlayey rasaas ka dhacaysa suuqa dhexdiisa, taas oo ay ridayeen ciidanka oo isku deyey inay kala dereeriyaan, iyo ganacsatada qaarkood oo iskaga celinayey.

Maamulku illaa hada kama hadlin walow ay jirtey gaadiid codbaahiyaal saaran yihiin oo lagu sheegayey in cidii lacagta diida ay ciqaab la kulmi doonto.

Diidada lacagta ayaa soo bilaabatay bishii hore markii ay soo gashay magaalada lacag duug ah oo laga keenay koonfurta Soomaaliya, waxaana kaloo ay sababtay in qiimaha sarifka doolarka uu kor u kacay, khalkhala geliyey qaabka wax iibka.

Leave a Reply








120x600 ad code [Inner pages]




 




 




300x250 ad code [Inner pages]