|

Dowladdaha South Africa iyo Soomaaliya oo lagu waddo in heshiisyo saxiixan doona

Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa dalka koonfur Africa kula kulmay xubno metelayay Wasaaraddaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca, Xuseen Carab Ciise ayaa Warbaahinta u sheegay in ay waxyaabo badan oo muhiim ah ka barteen booqashada South Africa.

Dowladdaha Soomaliya iyo Koonfur Africa ayaa lagu wadda in ay gaaraan heshiisyo laxariira iskaashiga Amniga, Dhaqaallaha iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Heshiiskaan ku saabsan iskaashiga Amniga, Dhaqaallaha iyo arrimo kale oo muhiim ah waxa ay imaanayaan xili dhawaan 11-kii bishan Guddoomiyaasha Barlamaannada dalalka Qaaradda Africa, ayaa kulankoodii sanadlaha ahaa ee guddoomiyaasha Baarlamaannada Africa waxaa uu ka jeediyay khudbad.

Shirkaan kasocda dalka Koonfur Africa waxyaaba looga hadlaya ayaa waxaa kamid Africa gaar ahaan dhallinyarada Africa sidii loogu diyaarin lahaa hogaaminta Siyaasadda Qaaradda iyo maamulka dhaqaallaha, iyada oo la siinayo fursadahii ay kula wareegi lahaayeen howshaas.
News
Desk

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]