|

5 Qof oo lagu Dilay Rabshado ka Dhacay Kenya, Doorashada Kadib.

Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu diley banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Kenya, kadib markii Mucaaradku sheegeen in cobixinta Kenya la Hack-gareeyey looguna shubay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

 

Laba qof oo kamid ah dadka geeriyoodey ayaa lagu diley banaanbax ka dhacay caasimadda Nairobi, maalintii Arbacada, sida uu xaqiijiyey madaxa Booliska Nairobi Mr. Koome, taliyaha ayaa sheegay in qaar kamid ah dadka banaanbaxa samaynaayey ay isku dayeen in ay dhacaan meharo ganacsi.

 

Gobolka Tana River ayaa shan nin oo mindiyo ku hubaysan waxay weerar u geysteen saldhig Boolis waxaana ay halkaas ku dileen hal qof oo kale.

Magaalada Kisumu ayaa kamid ah goobaha kale oo rabshaduhu ka dhaceen, waxaana boob loo geystey meharado ganacsi.

 

Guddiga doorashada Kenya ayaa sheegay in aan la jabsan Kunbuyuutaradooda oo wax laga beddelin natiijada doorashada, weli si rasmi ah looguma dhawaaqin musharaxa guuleystey, waxaase nataiijada hordhaca ah sheegaysaa in madaxweynaha hadda xilka haya Uhuru Kenyatta uu ku guulesytey 54%.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]