|

Cunaqabateynta cusub ee la saaray Kuuriyada Waqooyi.!

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda u taageeray cunaqabateyn hor leh oo la saarayo dowlada Kuuriyada Waqooyi.

 

Cunaqabateyntan ayaa ah mid lagu joojinayo dhamaan wax-soosaarka iyo ganacsiga Kuuriyada Waqooyi la leedahay caalamka, waxaana la filayaa in xayiraadan ay saameyso dakhligii ay xukuumadaasi ka heli jirtay khayraadkooda ay dibada uu iibgeeyaan.

 

Dalalka China iyo Ruushka oo iyagu marar badan oo horey horjoogsaday cunaqabateyn la saari lahaa dalkaasi ayaa markan taageeray qaraarkan cusub, arrintan oo muujineysa in xulafada Kuuriyada Waqooyi ay laftooda ka daaleen dhego adeyga xukuumadaasi oo weli sii wada tijaabinta Gantaalada ridada dheer iyo waliba barnaamijkooda Nukliyeerka.

Balse China iyo Ruushka ayaa dhinaca kale sheegay in cunaqabateyntan aysan ahayn xalka balse ay tahay oo kaliya aalad ay doonayaan in loo adeegsado cadaadiska dowlada Kuuriyada Waqooyi inay dib ugu soo noqoto miiska wadahadalka.

 

Maraykanka oo isagu si weyn uga soo shaqeeyey cadaadiska iyo cunaqabateyntan cusub ayaa sheegay in xayiraadan ganacsiga ee lagu soo rogay dalkaasi uu yahay jawaab adag oo ku socota Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un.

Waxaa la filayaa in Cunaqabateyntan ay hoos u dhigto 80% dakhligii iyo lacagtii Kuuriyada Waqooyi sanadkii kasoo geli jirtay ganacsiga dibada taasi oo lagu qiyaasay $3 bilyan oo dollar sanadkii.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]