|

Minnesota: FBI oo Baaraysa bom lagu weeraray masjid ku yaala Bloomington.

Masjidka Darul Faruq ee magaalada Bloomington gobolka Minnesota ayaa salaadii subax ee maalintii shalay Sabtida lagu weeraray bom kaas oo aan geysan khasaare nafaeed.

 

Xiliga Bomka Masjidka lagu soo tuurey ayey ahayd salaadii subax kadib, waxaana lala beegsadey daaqadda xafiiska Imaamka Masjid Sh. Waliid.

 

Richard Thorton oo ka tirsan FBI-da Maraykanka ayaa sheegay in ay baarayaan in weerarkaani ahaa mid nacayb ku yimid.

 

Thorton ayaa sheegay in qaraxa uu sababey bom laga farsameeyey improvised explosive device (IED).

Asad Zaman ayaa warbaahinta u sheegay in qof gaari wataa uu wax ku tuuray daaqada Imaamka ee Masjidka, kadibna uu baxsadey.

 

Marar badan ayaa masaajido ku yaala dalka Maraykanka weeraro caynkan oo kale ah loo geystey.

 

War ka soo abxay Jamciyadda Muslimiinta gobolka Minnesota ayaa lagu canbaareeyey weerarkan.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]