|

Putin oo amray 755 Diblumaasiyiin Maraykanka ah inay ka baxaan Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu amar ku bixiyey in diblumaasiyiin gaaraya 755 Maraykan ah ay ka baxaan wadanka Ruushka.

 

Ruushka ayaa illaa 1da bisha September u qabtay Maraykanka inay kala baxaan diblumaasiyiintaas safaaradooda Moscow, arrintan oo looga jawaabayo cunaqabateyn uu ansixiyey Baarlamaanka Maraykanka in la saaro dalka Ruushka.

 

Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa ansixiyey in cunaqabateyn hor leh la saaro Ruushka taasi oo jawaab u ahayd faro-gelintii la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo waliba dagaalada uu Ruushka ka wado Ukraine iyo Siiriya.

 

Putin ayaa sheegay in ay hada ka dhamaatay dulqaadkii isla markaana ay lama huraan noqotay in jawaab laga bixiyo tilaabooyinka ay Maraykanka qaadeen, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dal uusan mudooyinka soo socda uusan hagaagi doonin.

 

“….In badan baa sugeynay inay xaalada isbedasho oo ay wanaagsanaato xiriirka labada dal, balse taasi ma dhicin, mana fileyno in dhawaan arrintan wax iska bedalaan….”

ayuu yiri Putin oo wareysi siiyey telefishinka dowlada Ruushka.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegi doonaan labo guri oo ay Safaarada Maraykanka ku leedahay dalkooda taasi oo looga jawaabayo la wareegidii Maraykanka la wareegay guryo Ruushka uu ku lahaa Maraykanka, tilaabadaasi oo ay horey u qaaday xukuumadii Obama bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

 

Tirada Diblumaasiyiinta Maraykanka ee Moscow laga saarayo ayaa ah kala bar shaqaalihii Safaarada Maraykanka ee wadankaasi Ruushka.

 

Xukuumada Moscow ayaa sheegtay inay sidoo kale weli ka fekerayso inay xayiraad kale oo dheeraad ah sii saarto Maraykanka.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]