|

Sacuudiga oo Sheegay in Xuuthiyiinta Yemen ay Gantaal kusoo tuureen Makka.

Dowlada Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in Khamiistii ay ku guuleysteen inay soo ridaan Gantaal ay soo tuureen kooxda Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.

 

Gantaalkan ayuu Sacuudiga sheegay inay soo rideen difaacooda Cirka, wuxuuna kusoo dhacay deegaanka Wasaliyah ee gobalka Taif meel 69km u jirta magaalada barakeysan ee Makkah Al Mukaramah.

 

Ma jirin wax khasaaro oo uu geystay, sida lagu sheegay war kasoo baxay dowlada Sacuudiga.

 

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku sheegtay falkan mid ay Doonayeen Xuuthiyiinta inay khal khal ku geliyaan hawlaha Xajka oo bisha danbe bilaaban doona.

 

Balse Xuuthiyiinta ayaa shalay dhankooda soo saaray war ay ku beeninayaan inay wax gantaal ah ku tuureen magaalada Makkah, waxaya ku sheegeen dacaayada Sacuudiga.

Hase yeeshee Xuuthiyiinta ayaa qiray in Gantaal nooca loo yaqaan Burkan 1 ay ku tuureen Saldhiga Militari ee King Fahad oo ku yaal gobalka Taif.

 

Xulafada Sacuudiga ayaa sheegay in Dekada Xudeydah ee koonfurta Yemen ay tahay halka laga soo dajiyo Gantaalada qarsoodiga lagu soo geliyo dalkaasi Yemen.

 

Dekada Xudeydah ayaa ah halkii ay ka baxday doonidii ay saarnaayeen Qaxootiga Soomaalida ee la xasuuqay bishii Maarso ee sanadkan.

 

Falkaasi oo lagu eedeeyey xulafada Sacuudiga ee duqeynta ku wada dalka Yemen, Sida lagu sheegay warbixinta ay guddiga baarayaasha ahaa u gudbiyeen Qaramada Midoobay todobaadkan.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]