|

Doonyo Nooca Dheereeya ah oo lagu Wareejiyay Ciidamadda Ilaaladda Dekeda Bosaso.

Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan ka hortega dambiyadda ee UNODC ayaa ku wareejisay Ciidamada ilaaladda Dekeda Bosaso labo doonyood oo ah nooca dheereeyee, taasi oo loogu talagalay in lagu horumariyo amniga dekeda iyo shaqada ciidamadda.

 

Doonyahan oo maanta lagu soo bandhigay dekeda Bosso waxaa adeegsan doono ciidamada Dekeda oo sanadihii la dhaafay tababaro kala duwan ku soo qaatay dalka jabuuti iyo markiibta midowga yurub ee ilaaliya xeebaha  Soomaaliya.

 

”Labadan doonyood ee maanta la soo wareejiyay waxay ka mid ahaayeen mashaariic hay’adaasi ay ka wado dekeda Bosaso, waxaan ka mid ah dhismaha cusub ee casriga ah ee laga dhisay dekeda, baabuur lagu wareejiyay dekeda iyo mashaariic kale oo weli dhiman”

Sidaas waxaa Shacabka News u sheegtay Agaasimaha Wasaaradda Dekeda Cabdimajiid Samatar Jaafaan.

Dekeda Bosaso  waa isha dhaqaale ee ugu weyn ee dakhli ahaan ay ku tiirsan tahay dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, waxaana lagu tilmaamaa dekedaha ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, iyadoo sanadkii oo dhan furan.

 

Barlamaanka Puntland ayaa toddobaadkii hore ansixiyay heshiis ay dowladda Puntland ay la gashay shirkadda DP world oo muddo 30 sano ah maamuli doonto dekeda magaaladda Bosaso, waxaana lagu samayn doono ballaarin iyo dayactir.

 

Leave a Reply








This is the code for your widget. Just copy and paste it into your website.
New widgets may take up to 30 minutes before they start displaying properly.

Loading…

120x600 ad code [Inner pages]




 




Loading…

300x250 ad code [Inner pages]